Ramadan Kariim 



 

      

Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Tababarada,Xirfadaha iyo Farsamada DDSIoo Ka qayb-gali Doona Aaska qaran ee Boqor C/laahi Boqor Muuse.

Jigjiga(cakaaraNews) Jimce June 28,2013.war goor dhawayd naga soo gaadhay Dhanka xafiiska Madaxtooyada DDSI ayaa Xaqiijinaya in Ay Dhanka Xukuumada DDSI ka qaybgali doonaan Aaska qaran ee alaha u naxaristee Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse oo Ka Dhici Doona Puntland Magaalada qardho. Waftiga Xukuumada uga qaybgalaya Aaska qaran ayaauu Hogaaminayaa wasiirka Tababarada,Xirfadaha iyo Farsamada DDSI Mudane Maxamed Faatax oo ay Ku Wehelinayaan wasiir kuxigeenka xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Awooda Mudane Qalbi Axmed Jaamac iyo Odoyaal Dhaqameedka DDSI .

waftigan ayaa la filayaa in ay Maalinka berito ah u ambabixi doonaan Dhankka Maamul oboleedka Punt=land si ay uga qayb galaan Aaska Qaran ee Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse.