Munaasabad aad U Balaadhan oo Ka Dhacday Jaamacada Jigjiga ayaa ay Ku Qalin Jabiyeen Maanta Arday Dhan 1600.

Jigjiga(CakaaraNews) sabti June 29,2013.Waxaa maanta ka dhacday Gudaha Jaamacada Jigjiga Munaasabad aad u balaadhan oo loogu talo galay Qalinjabin Ardaydhan 1600 oo arday oo ka Qalinjabiyay waxbarasghada Culuunta kala duduwan ee lagu dhigo jaamacada,Dufcadan maanta ka qalin jabisay jaamacada ayaa noqonaysa Dufcadii 5aad ee ka qain jabisa Jaamacadan tan iyo intii la aasaasay. Munaasabadan Qalinjabinta ah ayaa ay Ka Soo qaybgaleen Afhayeenka Baarlamka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed Rashiid Isaaq,Madaxweynaha jaamacada DrC/naasir,Maamulka magaalada Jigjiga,Kuxigeenada jaamacada.waalidiinta iyo Martisharaf kale oo dhamaantood ka qyb qaadanayay Hambalyanta ardayda Qalinjabinaysay.

Madaxweynaha Jaamacada ayaa Khudbad ka Turjumaysay Waxqabadka Laamaha waxbarashada,qaybaha lagu barto,Aqoondirsadka a ka bixiyaan Gobolada iyo Degmooyinka Deegaanka(Distance Education). Dr C.naasir aya sheegay in ardayda Qalinjabinaysa oo Dhan 1600 Ardayin ay kala yihiin Dumar 383 Arday iyo Rag 1217 Arday kuwaasoo kala bartay Cilmiyo kala duduwan sida Animal Science,Sociology,Accounting,Law iyo Mngt kuwasoo dhamaantood wada ah Degree ayuu Yidhi.

dardaarmay in ay Aqoontooda iyo Maskaxdoodaba u huraan Shacabkooda oo ay si ficil ah wax ugu qabtaan Dalkooda aqoonta ay sanadaha baranayee,isagoona sheegay in ahdaata iyo Qorshaha XDSHSI yahay in la gaadhsiiyo Aqoonta jaamacadaha Dhamaan Shacabka Deegaanka(Education for all).