CIID MUBAARAK



 

      

Agaasimaha Isitaalka Magaalada Hargeele ee Gobolka Afdheer oo Ka War Bixiyay Habsami u Fulinta Adeegyada Caafimaadka ee La Siiyo Bukaanka Degmada Hargeele iyo Guud ahaan Gobolkaba.

Hargeele(CakaaraNews) Axad June 30,2013.Agaasimaha Isbitaalka Magalada Hargeele Ee Xarunta Gobolka Afdheer Ayaa Sheegay In Isbitaalka Magaladaasi Uu Yahay Mid Aad U Balaadhan Islamarkaana Uu Ka Mid Yahay Isbitaalada Ugu Waaweyn Degaanka Soomaalida Itoobiya Isagoo Sheegay In Isbitaalkani Uu Adeeg Cafimaad Uu U Fidiyo Dhamaan Shacabka Ku Nool Gobolka Afdheer.

Dhanka kale Agaasinka aaa Sheegay In Isbitalka Magaalada Hargeele Ay Ka Hawlgalaan Dhamaan Qaybaha Kala Gedisan Ee Fidinta Adeega Caafimaadka la siiyo Iyadoona Ay Halkaasi Ku Suganyihiin Xirfadlayaal Cafimaad Iyo Qaybaha Ugu Muhiimsan Ee Uu Isbitalkani Uu Adeega Ka Bixiyo Ay Ka Mid Yihiin Dhinacyada Qaliinka<daawaynta,Baadhitaanka,Shaybaadhka,MCH,Farsamiga iyo Qaybo kale Oo Ay Halkaasi Ku Suganyihiin Dhakhaatiir Iyo Kal-Kaliyaasha Cafimaadku .

Agaasimaha Isbitaalka Magalada Hargeele Mudane: Khadar Ibraahim Macalin Ayaa Intasi Ku Daray In Isbitalku Uu Wakhti Xaadirkan Yahay Mid Adeegii Loogu Talagalay si hufan oo degdegsaiimo badan ugu fidiya guud ahaan shcabka Gobolka Afdheer Gaar ahaana Hargeele iyo Nawaaxigeeda oo saacad kasta ka hela hada Adeegyada caafimaaad ee ay u baahan yihiin Bukaan-socodku.

Sidoo Kale Qaar Ka Mid Ah Xirfadlayaasha Cafimaadka Ee Ka Hawlgala Isbitalka Hargeele oo wariyuhu la kulmay ayaa Xusay Inay Diyaar U Yihiin In Habeen Iyo Maalin U Shaqeeyaan Bulshadooda Si Loo Helo Bulsho Cafimaad Qabta maskaxdooda,Aqoontooda iyo wakhtigoodana u hurayaan Shacabkoda Daryeelkiisa Caafimaad. Shacabweynaha Adeega Cafimaad U Soo Doonta Isbitalka Hargele Ayaa Geestooda Tilmaamay In Isbitaalku Uu wakhti Xaadirkani Yahay Mid Ay Ka Helaan Adeegi Caafimaad ee Ay U Baahnayeen Islamarkaana Mudooyinkan Danbe Ay Ka Muuqato Isbedel Hor leh Dhinacyada Qalabka Casriga Ah,Dhakhaatrta,Kalkaaliyayaasha iyo Hawlwadeenada Caafimaadka ee ka hawlgala Isbitaalka .

 Isku Soo Wada Duuboo Isbitaalka Hargeele Ayaa Ka Mid Ah Isbitalada Ugu Waaweyn Degaanka Islamarkaana Sanadahan Dambe Shacabka U Fidiya Adeeg Hufan Taasina Ay Kaga Raysteen Adeegii Caafimaad ee Ay U Doonan Jireen Goobaha Fog-Fog.