Waxaa Ka Qalinjabiyay Dugsiga Fidinta Caafimaadka Reer-guuraaga Dh/buur Dufcadii 3aad ee Shaqaalaha Fidinta Caafimaadka Reer-guuraaga xaflada Qalinjabintoodana Lagu Qabtay Magaalada Dh/buur.

Dh/buur(CakaaraNews) talaado July,02,2013.Waxaa xaflad qalinjabinta Dufcadii 3aad ee Shaqaalaha Fidinta Caafimaadka Reer-Guuraaga ee ka Qalinjabisa Dugsga tababarada Shaqaalaha Fidinta Caafimaadka Reer-guuraaga Magaalada Dh/buur lagu Qabtay Magaaada Dh/buur oo ay ku Qalinjabinayeen 87 Arday oo Mudo dhan 10 bilood wax ku baranayay Isbitaalka magaalada Dh/buur iyadoona ay ardaydu ka kala yimaadeen Gobolada Jarar,Nogob,Qoraxay iyo Shabeele.

Munaasabadan qalinjabinta 87da Arday ayaa ay ka hadleen Agaasinka Isbitaalka Degmada Dh/buur Mudane:-badal yusuf iyo isuduwaha fidinta caafimaadka & wacyi galinta ee wasaarada caafimaadka Mudane:-C/fataax Axmed iyagoona u hambalyeeyay Ardayda Qalinjabinaysay uguna baaqay in ay Aqoonta Caafimaad ee la baray ugu adeegaan shacabkooda islamarkaana ay Qoysaska iyo ardayda kale ee Tuulooyinka ay ugu tababaraan xirfadaha caafimaad ee la siiyay.

ugu danbayntii ayaa ardayda qalinjabisay la gudoonsiiyay Abaalmarin kuwii Natiijada fiican ka keenay xiigii waxbarashadu u socotay.