Ramadan Kariim 



 

      

Shirwaynaha Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Gunaanadka iyo Gebagebada hagardaamadii UBB oo Maanta Ka Furmay Hoolka Shirarka ee SMCX.

Jigjiga(cakaaraNews) talaado July 02,2013.Waxaa maaanta ka furmay Magaalada Jigjiga Shirweyne ay ujeedadiisu ahayd sidii ay shacabka iyo xukuumada uga wada tashan lahaayeen horumarka,nabadgalayada,maamulka suuban iyo Gunaanadka hagardaamooyinkii UBBO,islamarkaana ay shacabku u qiimayn lahaayeen waxqabadkii xukuumada ee sanad miisaaniyeedkii 2005TI iyo waliba qorshayaasha loogu diyaar garoobayo sanad miisaaniyeedka sanadka soo socda ee2006ti .

Shrweynahan ayaa waxaana shirkaasi ka soo qaybgalay madaxwaynha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ku xigeenadiisa golaha wasiirada odayaal ka kala socday dhamaanba gobolada deegaanka iyo degmooyinkiisa dhalinyaro haweena saxaafada dalka iyo deeegaanka iyo kooxaha fanka iyo suugaanka.

Kooxaha fanka iyo Suugaanta DDI ayaa ka hor Furitaankii ka qaaday goobta shirka Heeso,Dhaantooyin,majaajilo iyo gabayo kuwasoo isugu jiray Guubaabo,ka qaybqaadashada Horumarka iyo isbedelka Horumarineed ee ka hanoqaaday DDSI.

Waxaana ugu horayntii shirwaynahan furay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar wuxuuna halkaasi oo uu ka soo jeediyay khudbad dheer oo dhinacya badan taabanaysay haddii ay tahay dhinacyada horumarka,nabadgalyada.Tirtiridii Fikir,Dhaqaale iyo Cudud ahaan ee UBBO iyo maamulka suuban wuxuuna madaxwaynuhu ku bilaabay khudbadiisa warbixintii waxqabadkii xukuumada isaga oo sheegay madaxwaynuhu in waxqabadkii xukuumada sanad miisaaniyadeed kii 2005 sidii loogu tala galay lagu soo gabababeeyay. madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga waramay warxibinta waxqabadka Xukuumada ee xafiisyada horumarka sida beeraha,caafimaadka,warbarashada,biyaha jidadka,dakhliga iyo waliba dhinaca waxqabadka Xidhiidhka qurba-joogta deegaanka wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in Qurbajoogtu door fiican ay kaga jiraan Horumarka Deegaanka islamarkaana maalgashi noocyo kala duduwan ah ka samaystee Deegaanka fursado shaqana u abuuray dad badan oo kala soo baa nolol maal-meedkooda.

Dhagaysigii warbixinta Madaxwaynaha ka dib ayaa loo dareeray Xiligii qadada laguna balamay in galabta Dib la isugu soo noqdo si uushirweynuhu halkiisii uga sii socdo dhegta ku haya cakaara kulanka 2aad ee shirwaynaha.