Ramadan Kariim 



 

      

Xaflada Xidhitaanka Dugsiyada Degmada Baabili ee Gobolka Faafan oo Abaalgud Lagu Gudoonsiiyay Ardaydii Kaalimaha Hore Gashay.

Babili(CakaaraNews) Sabti July 06,2013. degmada baabile oo ka mida degmooyinka sanadahan dambe horumar ka gaadhay dhinaca waxbarashada kor na u qaaday tirada ardayda isu diiwaangalisa Dugsiyada iyo tayada waxbarashada Dugsiyada Waxbarashada DDSI ee Degmada Baabile.Dugsiyada Lagu qabtay Xaflada Xidhitaanka Sanad-dugsiyadeedka ayaa ka mida dugsigan hoose dhexe ee magalaada Baabili uga furan dawlada degaanka somalida itoobiya iyo santarka ceel baxay oo hoostaga isla Degmada Baabile ee Gobolka Faafan.


xafladan soo xidhitaanka oo ay ka soo qaybgleen Gudoomiayaha Degmada Baabile Mudane C/laahi Ismaaciil Geedi,Macalimiintii Dugsiga<Maamulka Dugsiga,ardaydii wax ku baranaysay dugsiyadaasi iyo waalidaadii ardayda.
Gudoomiyaha Degmada Baabili ayaa ugu hambalyeeyay Ardayda Dadaalka waxbarasho ee ay muujiyeen Intii waxbarashadu socotay,waalidka ardayda ee ubadkooda u soo diray Waxbarashada<macalimiinta sugtay in ay siiyaan waxbarasho iyo Aqoon tayo leh iyo maamulka Dugsiyadaba.
Gudoomiyaha ayaa ugu danbayntii Abaalgud iyo shahaado-sharaf gudoonsiiyay Ardaydii kaalimaha hore ka gashay Natiijada Imtixaanada Waxbarashada Sanadkan.
Mar ay Wariyaha Cakaara Khadra Mukhtaar ay la kulantay Ardaydii kaalimaha 1aad,2aad iyo 3aad kala galay oo xambaarsan Abaalmarintii la gudoonsiiyay garabtaagnaayeena waalidiintii dhashay ayaa ay ka waydiisay Guusha ay ka gaadheen Dadaalkoodii waxbarasho iyo taageeradii ay waalidkood ka heli jireen.
Ardayda ayaa ugu horayn ilaahay u mahadnaqay,Marka Xigta Waxqabadka Xukuumada DDSI oo sahashay Waxbarasho tayo leh,islamarkaana waalidiintood oo aynan la’aantood u suurtogasheen Waxbarashadu oo la garab taagnaa Waano,taageero Dhaqaale iyo Moral ay wax ku akhristaan habeenkii.
Sidoo kale Mid la mida Xafladan oo lagu soo xidhayay waxbarashada Sanad-dugsiyeedka Dugsiga Senterka Ceel-baxay ee Degmada Baabili ayaa ay ka qaybgaleen Masuuliyiin uu ka mid ahaa Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Degmada Baabili ee Gobolka Faafan Mudane C/fataax Shekh Xuseen.