CIID MUBAARAK



 

      

Qalinjabinta Dufcadii 10aad ee Kuiyada Beeraha Godey oo Ay ka qalinjabiyeen Arday Dhan 209 Arday.

Godey(CakaaraNews) talaado July 09,2013.Munaasabada Qalinjabinta Dufcadii 10aad ee a Qalinjabisa Kuliyada Beeraha Godey ayaa ka dhacday magaalada Godey iyadoona ay ka Soo qaybgaleen Gudomiye kuxigeenka Gobolka Shabeele,Mayorka Maamulka Magalada Godey,Maamulka Kuliyada,Macalimiinta iyo waalidiinta Ardayda oo si wayn ugu faraxsanaa Ardayda qalinjabinaysa.

Munaasabadan Qalinjabinta ayaa ay ka hadleen Maamulka Gobolka,Kuliyada iyo Mayorka islamarkaana u hambalyeeya ardayda qalinjabinaysay uguna baaqay in ay Aqoonta ay barteen u huraan in ay ugu adeegaan Shacabkooda,islamarkaana aysii kororsadaan Aqoontooda waxbarasho gaadhsiiyaana ilaa heerka ugu danbaysa.

mudane faysal rashid cumar oo kahadlay marxaladahii kaladuwanaa ee ay kuliyadu soo martay islamarkaana ardayda iyo macalimiintaba hanbalyo usoo jeediyay sheegayna in kuliyadani marxalado kaladuwan soomartay haatana waxwalbasidiilogu talagalay uwadaan kuliyadan beeraha ee goday ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1994 ilaa intii laga aas aasayna ay bulsho badani kafaaiidaysteen ayaa dufcadanoo ah dufcadii 10aad waxa kaqalin jabiyay arday tiradoodu dhantahay 209ookala ah 181 wiilal halka ay gabdhuhu ka ahaayen 28.