CIID MUBAARAK



 

      

4-Xiddig Oo Bayern Ah, Messi & Ronaldo Oo Hogaaminaya Musharaxiinta Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Qaarada Yurub.

(CakaaraSport) Arbaco July 10,2013.Kooxda hanatay Champions League ee Bayern Munich ayaa afar musharax ku leh abaalmarinta xiddiga ugu fiican sannadka ee Yurub ee Uefa Best Player, laakiin kooxda hanatay Europa League ee Chelsea waxba kuma lahan.

Waxaa Bayern Munich 10ka musharax ee abaalmarinta xiddiga sannadka Yurub ugu jira Thomas Mueller, Franck Ribery, Arjen Robben iyo Schweinsteiger, halka kooxda laga qaaday Champions League ee Dortmund uu ugu jiro musharaxiinta Robert Lewandowski. Sida la filayay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa qeyb ka ah mushaharxiinta laacibka sannadka qaarada Yurub, halka ay sidoo kale ku jiraan xiddiga Tottenham Gareth Bale iyo kan Manchester United Robin van Persie. 10ka musharax waxa ay noqon doonaan kaliya seddex marka cod labaad la qabto iyadoo qofka ku guuleysta abaalmarintan lagu dhawaaqi doono 29ka bisha August marka la qabanayo isku aadka wareega group-yada Champions League ee ka dhici doona Monaco. Abaalmarintan waxaa la bilaabay 2011 ka dib markii abaalmarintii Yurub ee Ballon d’Or iyo tii adduunka ee FIFA World Player of the Year ay midoobeen oo ay noqdeen FIFA Ballon d’Or.

Waxaana sannadkii ugu horeysay ee 2011 ku guuleystay Lionel Messi, iyadoo sannadkii hore uu qaaday Andres Iniesta. Musharaxiinta abaalmarinta UEFA Best Player in Europe: Gareth Bale (WAL) – Tottenham Hotspur Cristiano Ronaldo (POR) – Real Madrid Zlatan Ibrahimovic (SWE) – Paris Saint-Germain Robert Lewandowski (POL) – Borussia Dortmund Lionel Messi (ARG) – Barcelona Thomas Mueller (GER) – Bayern Munich Franck Ribery (FRA) – Bayern Munich Arjen Robben (NED) – Bayern Munich Bastian Schweinsteiger (GER) – Bayern Munich Robin van Persie (NED) – Manchester United