Ramadan Kariim 



 

      

Qurbajoogta Waqooyiga America ee Ka Soo Jeeda Gobolka Nogob oo BAAQ,HANBALYO IYO BOOGAADIN U Soo Diray Socdaalka Loogu Magac daray ILAYS IYO IFTIN EE Maxweynuhu Ku Tegay Gobolka Nogob.

W-America(CakaaraNews)Arbaco July 10,23.Waxaa email noo soo diray Qurbajoogta ka soo jeeda jaaliyada ka soo jeeda Gobolka Nogob ee Ku Dhaqan waqooyiga ameerika kuna saabsanaa hambalyo bogaadin ay u soo dirayaan socdaalkii madaxweynaha DDSI uu ku tagay gobolada Nogob ee loogu magac daray Ilays iyo Iftiin sida ku qornayd waa sidan hoos ku qoran.

Qurbajoogta Nogob ee Waqooyiga America:-Waxaa hubaal ah in aan la iska indho tiri Karin Hormarka, Nabad-galyada iyo Isbadalka dhaqaale ee ka hana qaaday DDSI, kaas oo ku socda Xawli.Hadaba Anaga oo aha qurabajoogta qaybaheeda kale duwan Odayaasha, Siyaasiyiinta, Aqonyahanka, Ururuda Haweenka, Dhalinyarada iyo Bulshada Qeybaheeda kale ee ka soo jeeda gobolka Nogbeed ee Waqooyiga America, waxaan amaan iyo boogadin u diraynaa Dawald Degaanka Somalida Itobiya(DDSI) ee u Hogaamiyo madaxwayne Cabdi Maxamed Cumar,

Dadaalka hormarneed ee ay ka wado xukmadu dhamaan deeganka gaar’ahaan gobolka nogbeed. Anaga oo ka faidaysanay munaasabada socdaalka Ilays iyo Iftiin ee xadhiga looga jarary laydhka 24ka saac ee magaalad Fiiq iyo branchiga cusub ee Jamacada Jigjiga University ee laga furay Fiiq. Waxaan leenahay, hambaliyo ilaahayna waxaan ka baryaynaa in dadkeenu noqdaan kuwii arka waxtarka ay dawladoodu u wado oo ay ka faidaystaan fursadan qaliga ah iyo adeegan cusub. wado oo ay ka faidaystaan fursadan qaliga ah iyo adeegan cusub.

BOGAADIN:

1.Waxaanu halkan Bogaadin iyo hambalyo uga diraynaa Madaxwaynaha DDSI Cabdi Maxamud Cumer hawlaha iyo qorshayaasha Hormarineed ee u ka hirgaliyay DDSI, Gaar ahaana Gobalka Noggob, waxaana leenahay Illaahay hakula garab galo.2.Sidoo kale waxaan Bogaadinaynaa Dhamaan Bulsho waynta Jaceyl Nabad, Hormarka iyo xasiloonida ka hanaqaaday DDSI.

3.Ugdanbaynti, waxaan boogadin udiraynaa dhamaan madax-dhaqameeydyada, waxgaradka iyo bulshoweynta gobalka Nogobeed ee ku hawlan kashaqaynta nabadgaliyad iyo hurmarka gobolka-Nogbeed.