CIID MUBAARAK



 

      

Gabadh uu Tababare u Yahay Cabdi Bile Oo Bilad Dahab Ah Ku Guulaysatay Iyo Dawladda Imaaraadka Carabta Oo U Riyaaqday.

Bombay(CakaaraSport) Axad July 13,2013.Gabadh uu tababare u yahay Tababare Cabdi Bile Cabdi oo ka mid ah Macalimiinta loogu jecel-yahay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku guuleysatay Bilad Dahab ah,iyadoo gashay kaalinta Koowaad ee Tartanka Ciyaaraha ee Asian-Athletics oo ka dhacay Dalka Hindiya.

Gabadhan ayaa haysata Jinsiyada Imaaraadka Carabta balse asalkeedu ka soo jeedaa dalka Itoobiya laguna magacaabaa Betineh Desalegn.

Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Shacabka dalkaas ayaa amaan u soo jeediyay Macalin Cabdi Bile Cabdi oo markiii ugu horeeyay taariiklhda Gabar Imaaraadii u dhalatay ay Kaalinta koowaad kagasho Ciyaaraha Asian-Atlethics.