Qalabkii Ugu Badnaa Abid ee Dhanka Dhismayaasha Wadooyinka iyo Buundooyinka oo uu Kusi-maha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Idmay in Loo Daad-Gureeyo Gobolka Nogob Xaruna Looga Dhigo Degmada Xamaro.

Jigjiga(CakaraNew) Isniin July 16,2013.waxaynu wada ogsoonahay in Qorshayaasha xukuumada DDSI ay qaybaha ugu waawayn ka yihiin Aslaaxida tayaynta Dhismayaasha Wadooyinka iyo iskuxidhka Buundooyinka Gbolka Nogob,islamarkaana la sugay yagleelida Shirkada Dhismaha Jidadka oo ka soo farcantay Xafiiska Jidadka DDSI laguna guulaystayin markii ugu horaysay loo Soo iibiyo Qalabkii ay ku hawlgali lahayd Shirkadu kuna baxday aduun lacageed oo kor u dhaafaya 500,000,000(shan Boqol oo Milyan) iyadoona Qalabkan wax yar oo maalmo ka dib la filayo mooyee badankoodii la soo tubay Gudaha Xarunta Madatooyada DDSI.

Hawlgalita Deg-degaah ee qalabkan ayaa Qayb muhiima ka ah Socdaalka Madaxweynaha DDSI Nolol iyo rajo-rumays uu ku soo maray todobaadkii hore Gobolka Nogob taasoo dhamaanba qalabkan todobaadkan loo rari doono Gobolka Nogob gaar ahaan Degmada xamaro oo noqon doonta xarunta ugu wayn ee laga hagi doono Hirgalinta Qorshaha Dhismaha mashaariicaha la xidhiidha Wadooyinka iyo Buundooyinka.

Hadaba Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa saaka shir ugu qabtay xafiiskiisa Maareeyaha Shirkada iyo 3ka mida Injineerada Shirkada oo gacanta ku hayay Dhismayaasha Mashaariic Wadooyin iyo Buundooyin laga Dhisayo Gobolka Nogob bilaabeena xiligii ay Xafiiska Jidadka DDSI ka shaqayn jireen,islamarkaana Socdaalka Madaxweynaha ee Nolol iyo Rajo-rumays ku mutaystay Abaal-marino ka dib markii Madaxweynaha iyo waftigu arkeen heerka waxqabadkooda.

Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa ka faalooday Ujeeooyinka ugu waawayn ee ayxukuumada DDSI ka lahayd aasaasida Shirkadan iyo Iibka Qalabkan carabaabayna in dhamaanba qalabkan loo daad-gureeyo Gobolka Nogob oo ay ka jirto Deegaanada qaar dibudhac Dhanka wadooyinka laguna soo ebyo mudo gaaban iskuxidhka guud ahaanba Degmooyinka Gobolka Nogob iyo Gobolada Deriskala ahba.

Dhanka kale Kusimaha Madaxeynaha Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa Idmay in Beri galinka danbe lagu qabto Munaasabada Xil wareejinta Qalabkan oo lagu wareejin doono Shirkada Dhismaha Jidadka DDSI Si durba ay uga Hawlgalaan Gobolka Nogob oo markii ugu horaysay Qalabkii ugu badnaa abid ka hawlgali doono.