Ramadan Kariim 



 

      

Madaxweynaha iyo Waftigiisii oo Digri iyo Caleemo Qoyan ay Ku soo Dhaweeyeen Shacabweynaha iyo Culumada Degmada Raaso

Raaso(CakaaraNews) Talaado July 16,2013.Daah inagama saarna Socdaalada Madaxweynaha DDSI iyo Xukuumadiisu ugu heenyaysteen u kuurgalida xaalada Nolosha shacabka Deegaanka uguna cawo baryayaan Xaqiijinta Hirgalka adeegyada Horumarineed si loo xaqiijiyo Doorka ka qaybgalinta bulshada Deegaanka Qoshayaasha Horumarineed taasoo diirada a Xukuumada DDSI ku saarayso ka haqabtirida Bulshada Taabogalinta Baahiyaha aasaasiga iyo Helida adeegyada bar- bilowga u ah nolosha sida biyaha,waxb,caafimaadka,wadooyinka,isgaadhsiinta,korontada iyo Fursadaha koboca dhaqaale.

Socdaalada taxanaha ah ee madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiinta ku lamaan ku tagayaan taako kasta oo Deegaanka ka mida indha indhaynayaan islamarkaana kula soo tashanayaan Dhamaanba qaybaha Shacabka fagaarayaal loo wada dhan yahay ayaa Si dhab ah dareen Niyad sami rajo Nolol Huwan Horumar Baaxad wayn leh ku duxday Qalbiyada iyo Arwaaxda Nololeed ee Bulshada ku dhaqan Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee daryeelka daranyada Shacabka ay Baylihiyeen Xukuumadihii ka horeeyay una dheeraayeen Turunturooyinkii Nabad-diidka kaga Bogsadeen Safarada taxanaha ah ee Yididiilada Natiijada Horumarineed iyo Neecawda Nololeed ee madaxweynaha DDSI ugu Doonyaysanayo Wax ka qabashadooda Geed kasta ama Goob kasta oo ay ku nool yihiin Qof ka mida Shacabka DDSI.

Hadaba Saaka ayaa ay madaxweynaha iyo waftigiisu u jarmaadeen Dhanka Degmada Raaso ee Gobolka Afdheer Balse inta u dhaxaysay ayaa ay waftigu kolba ku hakanayeen iyagoo ka degayay baabuurtii Safarka taxanaha ah ee Nolol iyo Rajo-Rumays iyagoo Shacabka Tubnaa Deegaanada ay sii marayeen kula hadlayay kana dhegaysanayay Afkaaraha ku saabsan Baahiyahooda,iyadoona ay dhankooda Dhakhaatiirta siday Dawooyinka Xoolaha iyo Dadku ay Shacabka ugu Qaybinayeen iyagoona Tilmaamo ka siinayay isticmaalka dawooyinka.

Waxay sii Dhexmushaaxaanba Deegaanadii Teedsanaa inta u Dhaxaysa Iimay-Bari iyo Raaso Waftigu waxay beegsadeen Goor danbe xarunta Degmada Raaso halkaasoo ay Shacabweynuhu kaga hor yimaadeen Masaafo aad uga baxsan magaalada Raaso iyaga oo Sitay caleemoQoyan,Calamo iyo sawirka madaxweynaha halka Culumaduna ay ku xadraynayeen saliga nabiga. Madaxweynaha oo ka degay Baabuurkii ayaa lug ku soo galay magaalada Raaso iyadoo ay salaan la wada beegsanayeen dhamaanba qaybaha Shacabka Raaso culumaduna Digriga ku daba waday.

Madaxweynaha ayaa Duleedka Raaso kula hadlay dadweyne aan tiradooda la qiyaasi karin oo Barad li'i ugaga Horyimid Markii ay Maqleen Madaxweynihii ayaa ku soo fool leh magaalada Raaso wax kasta oo ay gacanta ku hayeen Xiligaana ka door bidan Soo Dhawaynta Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Mxamuud Cumar iyo waftigiisa.

Degmada Raaso ayaa ka mid ahayd 16 Degmo oo Sanadkii 2004 T.I ay ansaxiyeen Baarlamaanka DDSI islamarkaana 2sano Gudahood ay Xukuumada DDSI culays saartay sidii looga dhaqangalin lahaa Mashaariicaha Horumarineed iyo Kaabayaasha Dhaqaale.