CIID MUBAARAK



 

      

Bulshada Ceelkari oo Madaxweynaha iyo Waftigiisa Si Heer Sare ah ugu Soo galbisay Soo Dhawayn Magaalada iyo Waftiga oo Booqday Buurta Ceelkari ee Antenada Isgaadhsiinta ugu Dheer.

Ceelkari(CakaaraNews) Jimce July 19,2013.Madaxweynaha iyo Waftigiisa ku Guda jira Socdaalka Dheer ee ay Iskaga Gooshayeen 5ta Gobol ee Faafan,Nogob,Shabeele,Afdheer iyo Liibaan ayaa Wali sii Dhex Mushaaxaya Booqashooyinka Degmooyinka Gobolka Afdheer iyadoona ay inoogu war danbaysay Habeenkii ay Saldhigeen Degmada Iimey-Galbeed. Hadaba waxay uga Gudbeen iimey-galbeed madaxweynaha DDSI iyo waftigiisa oo ku Gudajira Meertada Dheer ee Socdaalka Nolol iyo Rajo-rumays Xarunta Degmada Ceelkari,halkaaasoo ay Dhamaanba Qaybaha Bulshada Sida Haweenka,Dhalinyarada,Odoyaasaha,Waxgaradka iyo Maamulada iyo Shaqaalada Gobolka Afdheer ay Si diiran Waftiga ugu soo Dhaweeyeen Ceelkari iyagoo Masaafo dheer kaga hortagay Waftiga una soo galbiyeen Dhanka magaalada Ceelkari,xiligaas oo uu Madaxweynuhu ka degay Baabuurkii uu saarnaa Lugna ku soo wada Beegsadeen isaga oo ay Shacabweynuhu Hareereeyeen Magaalada.

Madaxweynaha iyo waftiga ayaa Booqday Buurta Dheer ee laga Dhisayo Anteenada ugu Dheer ee Aalada isgaadhsiinta Telephoneka oo kafayn doonta isticmaalka Mobilada iyo Internetka Gobolka Afdheer iyo Gobolada Deriska la ahba.

Dhanka kale waftiga ayaa Booqday Meelaha ay Mashaariicda Dawladu ka socoto iyo kuwa laga hirgaliyayba sida Ceelasha biyaha.

Shacabka Magaalada Ceelkari ayaa Soo dhawaynta waftiga darteed ugu Goleeystay Magaalada Ciyaaro-dhaqameedka aadka looga Ciyaaro Degmada Ceelkari kuwaasoo ay isu jiibinayeen Raga iyo Dumarku.