Koxda Haysata Horyaalka Faransiiska Ah ee PSG oo Cavani ku Soo iibsatay Aduun Gaaraya 84-Malyan oo Doolar

France(CakaaraSport) Jimce July 19,2013.Kooxda PSG ee heysata horyaalka Dalka Faransiiska ayaa Kharashkii ugu badnaa Suuqa iibka Ciyaartoyda ku soo iibsatay Laacibka Reer Uruguay ee Cavani.

Sida lagu soo daabacay Jariiradaha faaaqidaada Ciyaaraha,Maalqabeenka Reer Qatar ee kooxda PSG iska leh ayaa ku faanay inay jireen Kooxo lacago caato ah ku doonayey cayaaryahankan 26-jirka ah,balse ay madaxiisa dul-dhigeen aduun lacageed oo gaarayay 84-Malyuun oo Doolar kulana heshiiyeen muddo 5-sanno ah inuu qandaraas ku joogo PSG qalinkana lagu duugay.

Ciyaaryahan Edson Cavani ayaa Ciyaarihii Seria-A ee Dalka talyaaniga sanadkan noqday ninkii ugu goolal dhalin badnaa,isagoo 29-Gool shabaqa ku hubsaday(dhaliyay).