Ramadan Kariim 



 

      

Orodyahanka Reer-Sweden ee Asalkiisu Ka Soo Jeedo Qurbajoogta DDSI oo Ku Guulaystay Orodka Kaalinta 2aad Tartan Dhex Maray 16 Wadan.

Sweden(CakaaraNews) Sabti July 20,2013.Orodyahanka da'da yar ee Dalka Sweden uga Qaybgala Orodada Heer Caalami oo Asalkiisu ka soo Jeedo Dawlada Deegaanka Soomaalida Mudane C/qaadir Maxamed oo Dhawaan Deegaanka Booqasho ku Yimid ayaa tartan Dhanka Orodka ah oo ay ku tartamayeen 16 Wadan Galay Kaalinta 2aad Helayna Bilad Qalin ah. Orodyahankan Da'da yar ee haysta Dhalashada Sweden kana soo Jeeda DDSI ayaa uu Tababre u yahay Tabare jaamac aadan oo haysta Bilado Badan oo Dahab ah,islamarkaana tababro Khibrad iyo Xeelado kala Duduwan siiyay C/qaadir Maxamed.

sidoo kale C/qaadir Maxamed ayaa Dhawaan mar uu soo booqday Jijiga Deeq Dhar iyo Kabo Nooca Ciyaaraha ah ugu Deeqay Dhalinyarada Magaalada Jigjiga ee Hiwaayadaha Sportiga,islamarkaana ku tala jira in uu Garoon Dhanka Tababarada Ciyaaraha Fudud iyo Kuwa Culusba ka dhiso Magaalada Jigjiga.

Ugu Danbayntii Ayaa Ay orodyahanka Da'da yar C/qaadir Maxamed iyo Tababarihiisa Jaamac aadan ay hambalyo iyo Bogaadin u soo direen Socdaalada taxanaha Dhaadheer ee ay Madaxweynaha iyo wufuudiisu ku gaafwareegayaan Safarkii Lugta ugu Dheeraa 5 Gobol oo ka mida Deegaanka (Faafan,Nogob,Shabeele,Afdheer iyo Liibaan) looguna magac daray Nolol iyo Rajo-rumays.