Ramadan Kariim 



 

      

Kulan balaadhan oo ay ujeedadiisu ahay isku xidhka bulshada iyo booliska looguna diyaar garoobayay xuska 8aad ee maalinta qoomiyadaha oo ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada caafimaadka ee magaalada jigjiga.

Jigjiga(cakaaraNews) Axad July 21,2013.Kulankan oo ay soo diyaariyeen maamulka xaafada 8aad ee ismaamulka magaalada jijiga ayaa waxay ujeedadiisu ahayd isku-xidhka bulshada iyo booliska iyo sidii bulshadu ugu diyaar garoobilahayd xuska maalinta qoomiyadaha waxaana ka soo qaybgalay dadwayne aad u tiro badan oo iskugu qaybaha kala duwan ee bulshada sida culumo udiinka dhalinyarada haweenka, masuuliyiinta xaafada 8aad sargaalo ka socday komishinka booliska.

Hadaba intii una kulankaasi furmin ayaa waxa uu wariyaha cakaara la kulmay komoshinneerka booliska DDSI mudane General Maxamed-Qayo oo kurmeer ku marayay qaybo ka mid ah maamulada xaafadaha oo uu kulan noocan oo kale ahi ka dhacayay wuxuuna sheegay generalku in ujeedada kulankani tahay sidii xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeyay bulshada iyo booliska loo sii xoojin lahaa islamarkaana loogu diyaar garoobilahaa xuska qiimaha wayn ugu fadhiya guud ahaanba Qowmiyadaha Itoobiya gaar ahaana DDSIn iyo Shacabka caasimada jigjiga ku dhaqan Xuska 8aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuuba dalka itoobiya,

wuxuuna masuulku siwayn ugu booriyay bulshada ku dhaqan caasimada deegaanka in ay siwayn uga qayb qaataan udiyaar garowga xuska fooda inagu soo haya maadaamo oo ay bulshadu tahay lafdhabarta ay xukuumadu ku taagan tahay siwayna uwada shaqeeyaan bulshada iyo boolisku.

intaasi ka dib ayaa waxaan gudaha u galay hoolka uu kulanku ka socaday waxaana shirkaasi ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha xaafada 8aad mudane maxamed muuse (jamarti) oo sheegay in ahmiyada kulankani tahay in ay bulshada ku dhaqan xaafada 8aad uga qayb qaadan lahaayeen diyaar garowba balaadhan ee ay xukuumadu ugu jirto xuska maalinta qoomiyaha iyo waliba sidii ay u sii xoojin lahaayeen bulshadu xidhiidhka ay la leeyihiin booliska.

Maareeyaha xaafada 8aad mudane cismaan maxamuud oo isaguna mahashaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in bulshada iyo booliska oo siwayn uwada shaqeeyaa ay wax wayn ka taryso kor I sii qaadida amniga caasimada wuxuuna sheegay ka xaafad ahaan in ay siwayn uwada shaqeeyaan bulshada iyo boolisku tana ay tahay sidii loo sii dar dargalinlahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa bulshada iyo booliska Qaarka mid ah saraakiisha boliska oo iyaguna mahashaasi ka hadlay ayaa waxay sheegeen in ay dhankooda siwayn ugu diyaar garoobeen xuska maalinta qoomiyaha iyaga oo kaashanaya shacabkooda waxayna bulshada u sheegaan nidaamyadii loo sii xoojinlahaa wada shaqaynta balaadhan ee ka dhaxaysa bulshada iyo booliska

Dhankooda qaarka mid ah bulshada ka soo qaybgashay shirkaasi ayaa waxay sheegeen in ay aad ugu diyaar yihiin u sii gogolxaadhita maalinta qoomiyadaha dhanka booliskana awalba ay siwayn uga wada shaqayn jireen dhinaca amniga siina xoojindoonaa wada shaqayntaasi balaadhan.