Ramadan Kariim 



 

      

Shacabka Addis-ababa oo Khaati ka Soo Istaagay"Fadlan Lama Heli Karo eega" iyo Shirkada Isgaadhsiinta DFI oo Sheegtay In Loo Heli Doono Mudo Dhaw Xal Waara Ciladaha Networkiga Cidhiidhiga galay.

Addis-ababa(cakaaraNews) Talaado July 23,2013.Bulshada ku dhaqan magaalada Addis Ababa ayaa sheegey in googi'da Networkiga iyo mar mar tagitaankiisu ay caqabad ku keentey nolol- maalmeedkooda shaqo iyo xidhiidhka eheladooda,geesta kale shirkada ETHIO TELECOM ayaa iyaguna sheegey in dhibatooyinkan ay ku xalin donaan inta u dhexeysa 3 bilood ilaa 5 bilood. Codkani kuma cusbo dhagaha shacabka aad u tiro badan ee ku dhaqan magaalada Addis Ababa gaar ahaan meelaha networkiga ugu daran yahay (Fadlan lama heli karo eega telkan aad la hadlayso)waa meelaha Nokia Networking giga, taasi waxay caqabad ku noqotey nolosha shacabka ku dhaqan meeelahaasi network xumadu ka jirto sida ay shegayaan qaar kamid ah shacabka ku dhaqan agagaarkaasi.

Dhankooda shirkada ETHIO TELECOM ayaa sheegey iney fahmeen dhibaatada network xumada jirta googi’ida networkigiga waxaa sababay ayay yidhahdeen xadhkaha networkiga oo 5 sano kahor lagu aasay dhulka hoostiisa oo ay dahaareen dhismaha ku soo badanaya maagaalada Addis Ababa iyo sababo kale. Madaxa arimaha xidhiidhka dadwaynaha ee ETHIO TELECOM mudane C/raxmaan Axmed ayaa intaa ku daray in ay dadaalo ugu jiraan xalinta dhibatooyinka iyo keenida xal waara gaar ahaan meelaha ay dhibatooyinka sii bani ka jiraan in ay dhawaan ka jawaabi donaan bahidaasi ayna dabooli donaan antenoyinkana lagu taagi doono dhismayaasha dushoda oo ay waan waan kula jiraan shakhsiyaadka iska leh dhismaha taasina ay xal keeni doonto.

Iyada oo muhiimada la siinayo meelaha hada ugu daran ee network xumadu ka jirto ayna ku xalin doonaan mudada u dhaxaysa 3 bilood ilaa iyo 5 bilood. Meelaha kale ee deegaanada ee network xumadu ay ka jirto waxa uu sheegey in ay sabab u tahay tagida korontada iyo capalada networking giga oo la xado antenoyinka laga taagay heer qaran oo dhan in kabadan 4000 kuwo waawayn waxa uu sheegey in ay u sameyeen jananeetaro si loo daboolo baahida quwada korontada dadaalana loogu jiro sidii loo dabooli lahaa sida uu sheegey Macaamiisha shirkada EHTIO TELECOM ayaa wakhti xaadirkan gaadhaya 23 Million halka heer daboolka qaran ee shirkaduna wuu yahay 63% daba yaaqada qorshaha shanta sanana waxa u qorshaysan in macaiimasha ay shirkada ETHIO TELECOM ay gaadhan 40 milyan heer daboolka qarana uu gaadh.

o 80% waxaa kale oo bar barsocda baaladhinta public genaration networking kasi oo wax wayn ka tari doona dhibaatooyinka hada jira xal inuu keenana la rajaynayo.