Ramadan Kariim 



 

      

Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisii oo Socdaalkoodii Dheeraa ku Soo Afjaray Gobolka Liibaan Kuna Soo Noqday Caasimada Deegaanka.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco July 24,2013.Waxaa Gabi ahaanba soo gabagaboobay Socdaalkii Dheeraa ee Lugta ay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Masuuliyiintii wehelinaysayba ku soo mareen 5 Gobol oo ay ka mid ahaayeen Faafan,Nogob,Shabeele,Afdheer iyo Gobolka Liibaan taasoo ay Ku soo Gunaanadeen waftigigu Socdaalkii Nolol iyo Rajo-rumays.

Gobolka Liibaan ayaa Waftiga Madaxweynaha si heer sare ah loogu soo dhaweeyay iyagoo Qaybaha Shacabka kulamo Dhaadheer oo ay kaga wada tashanayeen Arimaha Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ku dhex mareen Deegaano ka mida degmooyinka Filtu iyo Doolo-Addo.

Dhanka kale safarkan dheer oo ku soo beegmay xili ay bilaabatay Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ay Madaxweynaha iyo Waftigiisu ugu beer adaygeen Socdaalka dheeraa ee ay Baabuurta ku soo mareen 5ta Gobol oo Geed kasta,Magaalo kasta,Degmo kasta,Tuulo kasta iyo wado kastaba ay shacabweynaha kula soo hadleen,gargaar ugu fidiyeen,ku daweeyeen,ugu qaybiyeen dawooyinka dadka iyo xoolaha sidoo kalana tababaro ugu soo qabteen.

Socdaalkan ayaa lagu xasuusan karaa in uu kaga duwanaa kuwii hore Dhanka Jawaabaha Waxqabadka Horumarka ee uu Madaxweynuhu baahiyaha shacabka uga jawaabayay,islamarkaana Socdaalka Dhexdiisa uu madaxweynuhu xukuumada ku soo amrayay in Baahiyaha shacabka degdeg wax looga qabto sida biyaha,Jidadka,Waxbarashada,Caafimaadka iyo Beerahaba.

Hadaba Waxaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jigjiga Madaxweynaha iyo waftigiisii oo ka soo kicitimay Gobolka Liibaan.

Isku soo wada soohoo Silsilada taxanaha Socdaalkii Nolol iyo Rajo-rumays oo dhamaystiran Dib ayaanu xidhmadooda oo dhamaystiran ka soo galin doonaa.