Ramadan Kariim 



 

      

Baarnaamij Kor loogu Qaadayo Taariikhda iyo Dhaqanka Soomaalida Itoobiya(DDSI) oo Lagu Qaban Doono Magaalada Addis-Ababa.

 Addis-Ababa(CakaaraNews) Khamiis July 25,2013.Gudiga cilibaadhista iyo hal abuurada ee lagu magacaabo Hibir –Ethiopia ee ka jira DFI ayaa waxay shaaca ka qaadeen in barnaamij kor loogu qaadayo taariikhda iyo dhaqanka deegaanka soomalida itoobiya lagu qaban doono magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya marka ay taariikhdu tahay 25,8, 2013.

Hadaba waxaa la filayaa in la soo bandhigi doona farshaxanka natiijooyinka cilmibaadhista la sameeyay bandhiga masraxeedyo aqoon iswaydaasi ayaa ka mid ah natiijooyinka wax yaabaha la filayo in ay qabsoomaan inta lagu guda jiro barnaamijkan iyada oo sidoo kalena looga gol leeyahay sii xoojinta isku xidhka shacabwaynaha dalka itoobiya.

Dhanka kale shir-jaraa'id oo ay siwada jir ah u qabteen afhayeenka golaha fadareeshinka dalka itoobiya mudane Kase Tekle Birhan,xubnaha gogaaminta ee gudiyada cilmibaadhista, hal abuuraka Hibir-Ethiopia, ertse firebhut iyo waliba testaye shimelis ayaa waxay sheegeen in bandhigyo iyo dhacdooyin la xidhiidhka taariikhta iyo dhaqanka deegaanka somalida taasi oo lala xidhiidhin doono xuska 8aad ee maalinta qoomiyadah dalka itoobiya oo bisha Hidaar 29keeda lagu xusi doona xarunta DDSI ee jigjiga.

Sidoo kale shirkaasi jaraa’id ayaa waxaa lagu sheegay in suugaan yahanada, hal-abuurada iyo farshaxamiistayaashu ay soo bandhigidoonaan waxay ku soo arkeen socdaalkii dhawaan ay ku booqdeen goobaha taariikhiga ah ee deegaaanka soomalida itoobiya iyo Isbedelada Horumarineed ee xawliga ah ee ka dhaqan galay deegaanka xili gaaban.

waxaa kale oo la rajaynayaa in suugaan-yahanada, hal abaruurada iyo farshaxamaystayaashuba ay ku muujindoonaan barnaamijkaasi taariikhda,dhaqanka iyo suugaanka uu caanka ku yahay deegaanka soomalida dalka itoobiya. sidoo kale waxay lagu shaaciyay shirkaasi jaraayid in ay ka soo qaybgali doonaan barnaamijkaasi suugaanyahano iyo fanaaniinka soo jeeda deegaanka soomalida itoobiya iyaga oo ka qaybqaadandoona barnaamijkaasi oo si tooska looga daawan doono TV-ga qaranka itoobiya.

Sida ay sheegeen gudiga cilmibaadhista iyo hal abuurada ee Hibir-Ethiopia waxaa dhawaan la daabici doonaa buuga laga qoray socdaalkii balaadhnaa ee dhawaan waftigii balaadhnaa ee ay uu hogaaminayay afhayeenka golaha fadareeshinka dalka itoobiya ku tageen deegaanka soomalida kaasi oo lagu daahfuridoono taariikhda iyo dhaqanka deegaanka soomalida waxaana arintaasi loo xilsaaray gudiga hoosaad iskugu jira xubno ka tirsan ururka qoraag dalka itoobiya iyo jaamacada Addis-Ababa.

Isku soo wada soohoo dhawaan ayay ahayd xiligii ay Golaha Federationka,Madaxda 9ka deegaan ee DFI,Abwaanada,farshaxamiistayaasha,Hobolada caanka ah ee itoobiya iyo Majaajiliistayaasha DFI caanka ka ah ay Deegaanka Soomaalida Itoobiya Ay Booqasho ay aad ugu wada qushuuceen Isbedelada Horumar,N/galyo iyo Maamul Suuban ee Wakhti yar ka hano-qaaday DDSI.