Warbixintii Waxqabadka Xukuumada DDSI ee Sanadkii Tegay 2005.T.I oo uu Madaxweynaha DDSI Saaka Ka Soo Jeediyay Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka DDSI oo Si Wayn Loogu Qushuucay.

Jigjiga(CakaaraNews) Sabti July 27,2013.Warbixintii waxqabadkii sanad miisaaniyeedka, oo uu soo jeediyay saaka madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, xukuumada DDSI waxay guulo waawayn ka gaadhay dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban iyada oo qaaday qorshayaal ay ku dar dargalinayso taasi oo ay ka gaadhay guulo wax la taaban karo dhinacyada biyaha beeraha caafimadka waxbarashada hadaba waxay warbixintii u dhacday sidan.

Dhinaca Beeraha iyo Horumarinta Reer Miyiga:- Madaxweynaha Sannad miisaaniyeedka 2005tii waxaa u qorshaysnaa in laga gaadho guulo waxku ool ah Dhanka tayaynta xoolaha iyo beeraha,islamarkaana ay Deegaanka ka jiraan 548 oo ah Xarumaha Caafimaadka Xoolaha 32 (Clinic) oo caafimaadka xoolaha ,115 xarumaha tababarida beeralayda iyo 2267 DA iyo 25 dhakhtarada caafimaadka xoolaha ah iyo Hawlwadeeno loo tababaray Caafimaadka Xoolaha.

Madaxweynaha:-Sanadkii tagay waxaa Xukuumada u qorshaysnayd in la talaalo xoolo dhan 8.8million oo neef oo laga talaalo cudurada iskaga gudba xuduudaha(Cross-border),islamarkaana lagu guulaystay in latalaalo xoolo dhan 7.4 million neef, taasoo ka dhigaysa waxqabadka Dhanka talaalka Xoolaha sanadkii tegay in la gaadhsiiyay 84.09%. Madaxweynaha:- Sidoo kale waxaa kaloo qorshaysnaa in laga talaalo xoolo dhan 4.9 million cudurada joogtada ah lana sugay Qabsoomida 3.7 miyan taasi oo ka dhigaysa in la gaadhsiiyay heerka talaalka Cudurada Joogtada Xoolaha sanadkii 2005 76% ,islamarkaana waxaa la daaweeyay xoolo gaadhaya 5.6 millayn.

Dhanka Kale Madaxweynaha oo Sii wata Gudbinta warbixinta waxqabadka Xukuumada sanadkii tegay Dhanka Beeraha iyo Barnaamijka Dibudejinta loogu talo galay la dagaalanka saboolnimada iyo gaajada ayaa yidhi si kor loogu qaado xoolo dhaqato beralayda deegaanka ayaa waxaa qorshaysnaa in la Diyaariyo dhul-beereed dhan 395,900 hectar taaso oo uu ka soo go-ayo wax soo saar dhan 3,000,000 kiintaal iyada oo lagu guulaystay in la abuuro dhul dhan 395,000 hectar taasi oo ay ka soo go’day wax soo saar Dalagyo dhan 4,097,116 kiintaal taasi oo ka dhigan 140% si loo kobciyo awooda beerasho ee xoolo dhaqato beeralayda la da jiyay goobaha dooxooyinka iyo wabiyada ayaa waxa la sameeyay 17 fal-tusmeedyo lagna sameeyay degmooyinka Goday Qalaafo, Cadaadlay, Beercaano. Hargeele, Ceelkari, Jaradi Doolo-bay Doolo-Ado,fiiltu, Iimay-galbeed,iimey-Bari,Mustaxiil iyo Feer feer.

Madaxweynaha:-Sidoo kale dhul dhan 76km oo ah dhulka xaalufay ayaa waxaa lagu sameeyay xaro xidh iyada oo dhulka xaalufayna lagu beeray geedo dhan 1,029,453 kulkaasi oo ku kala yaala degmooyinka jigjiga gursum qabribayax iyo awbare

Waxbarashada:- Madaxweynah guud ahaan dhinaca waxbarashada ee deegaanka waxaa ka jira hal jaamacad 6 kuliyadood 93 dugsi sare oo dawliya 4 dugsi sare oo ah kuwa gaar ka loo leeyaha guud ahaana waa 97 dugsi sare,1110 dugsiyada hoose dhexe,2201 ABE -school iyo 42 dugsi oo ah kuwa barbaarinta caruurta(Kinder-Garten),islamarkaana ay ka hawl galaan macalimiin ka badan 15402 oo macalin, ka dib markii la darsay baahida waxbarasho ee dugsiyada sare ayaa waxaa la go-aansaday in la dhiso 14 dugsi sare oo ah nooca B-LEVEL taasoo laga dhisay degmooyinka gur-dhaamoole, raaso,dhuxun, sagag, guna-gado, dhagax- madow,danood, tuli-guuleed,afdam, xamaro,dhanaan, hudhad, fiiq iyo marsin.

Waxaa qorshaysnaa in heerka diwaan galinta waxbarashada caruurta dadoodu gaadhay waxbarashada la gaadhsiiyo 87%waxaana lagu guulasytay in la gaadhsiiyo 85% ka dib markii la diwaan galiyay arday dhan 1,088,112 halka uu sanadkii hore ka ahaa 80.53% waxaa sidoo kale diwaan galinta dugsiyada bar baarinta caruurta 11.26% waxaana la gaadhsiiyay 8.2% ka dib markii la diwaan galiyay caruur tiradoodu dhan tahay 16,752 halka uu sanadkii hore ka ahaa 4.6 % waxaa heerka ka qaybgalka dugsiyada sare oo ahaa qorshuhu in la gaadhsiiyo 36% ayaa waxaa la gaadhsiiyay 34% .

dhinaca waxbarashada isku dhafka ah ee dadka waawayn waxa qorshaysnaa in la gaadhsiiyo 295,000 waxaana lagu guulaysday in la diwaan galiyo 202,292.

Dhinaca caafimadka:- Madaxweynaha guud ahaan deegaankeena waxaa ka jira 9 hospital, 112 xarun-caafimaad iyo 957 rug-caafimaad halka aan ka haysano 3286 xirfadlayaal caafimaad kuwaasi oo ay ka mid yihiin 49-doctor halka inta kalena ay is kugu jiraan diploma iyo heer degree. Madaxweynaha sidoo kale waxaa waxbarashada dhinaca doctarninada u xeraysan 300 oo arday oo ay dawladu kharashkooda bixiso,iyadoona dhismahooda gacanta laga qaaday la dhamaystiray 36 xarumo-caafimaad lana hawl-galiyay 88 rug-caafimaad halka la gaadhsiiyay daawo iyo qalab caafimaad loo soo iibayay 8 isbitaal, 112 xarumo caafimaad iyo 956 rug caafimaad oo ka jira deegaanka. Iyada oo ay dawladu qaadatay siyaasada caafimaadka ee ku wajahan ka hortaga ku salasay ayaa waxaa sanadkii 2005 la hawlgaliyay 378 shaqaalaha fidinta caafimaadka iyada oo lagu guulaystay in ay ka qalin jabiyaan 26 ka xidhmood ee fidinta caafimaad 41,769 qoys halka 53,000 oo qoys uu talabarku u socdo waxaa qorsaysayd in la talaalo hooyooyin dhan 29,464 hooyo balse waxaa lagu guulaystay in la talaalo 15,045 oo hooyo taasi oo ka dhigan 51% sidoo kale waxaa qorshaysnayd in la talaalo cruur dhan 77,177 ilmood waxaase la talaalay caruur dhan 60,116 ilmood taasi oo dhigaysa natiijada 87% sidaasi daraadeed waxaa heerka daboolka caafimaadka la gaadhsiiyay 83% halka uu sanadkii hore ka ahaa 76% .

Dhinaca Biyaha:- Madaxweynaha sidaan wada oganahay waxay Xukuumada DDSI qorshaheeda 1,2 iyo 3 ka dhigatay sidii guulo wax ku ool ah looga soo hoyn lahaa adeegyada helida biyaha nadiifta ah, taas oo sanad miisaaniyeedka 2005 tii uu qorshaysnaa in la dhiso 489,ceel oo dhaadheer 24 Hafar dhaam, inka badan 11,000 barkadood, 28 biyo galin tuulo 9 biyo galin magaalo iyo inka badan 2,500 ceel gacmeed sidoo kale waxaa jira 2 mashruuc oo biyo galinta fiiltu, hargeele iyo jarati oo la jaan qaaday mega-project sidoo kale waxaa sanadkan 2005ta in la dhisay in ka badan 700 oo barkadood iyada oo wakhti xaadirkan socdaan dhismaha 42 barkadood oo cusub meel fiicana ay marayaan iyad oo la dar dargaliayay biyo galinta magaalooyinka goday qabridahar iyo jigjiga iyada oo loo adeegsaday barnaamijka WASH-program taasi oo ka dhigtay biyo galinta magaalada jijiga in ay hada marayso 36% halka lagu gudo jiro in la gabagabeeyo inta ka horaysa bisha hidaar 2006 waxaana la daboolay baahida biyaha nadiifta ah ee magaalooyinka 72% halka ay sanadkii hore ka ahayd 64% iyada oo la daboolay baahida biyaha nadiifta ah ee miyiga 59% taasi oo markii sanadkii hore ahayd 52% . Dhinaca

Dhinaca Hor.magaalooyinka:-Madaxweynaha Waxaa Si xawli ah u socda mashaariicaha Dhismayaasha Guryaha 230mee laga dhisayo machadka mareeynta iyo qololka jiifka ee laga dhisayo dusiga jigjiga oo ay ku bsxayso 103 milyan oo bir ayaa maraya 90.8% guryahaas oo mustaqbalka loogu talo galay in ay noqdaan xarunta tababarka hogaaminta qaybaheeda kala duwan,sidoo kale Dhismaha Balaadhinta garoonka kubada cagta ee jigjiga ayaa isaguna maraya 90%,Dhismaha hoolka shirarka oo qaadaya 25000 Ruux ayaa wuxuu marayaa 40% dhismaha Guriga martida garabcase wuxuu marayaa 76.83%,Taasoo aanu ku amaanayno Dadaalka wadaniyadu ku dheehan tahay ee Shirkadaha Gacanta ku haya Dhismayaasha Mashaariicahan muujiyeen Dadaal wadaniyadeed oo ay Heerkan ku soo gaadhsiiyeen wax aan ka badnayn 5 bilood,kuna booriyay Ganacsatada kale ee deegaanka in ay ku daydaan kuna tilmaamay idin bacasa.

Madaxweynaha Dhinaca jidadka:- Madaxweynaha sanad miisaaniyeedka 2005ta waxaa qorshaysnaa dhismaha jidad dhan 1,009KM, iyada oo guud ahaan lagu guulaystay in uu xafiiska Jidadka DDSI dhamaystiro dhismaha Wadooyin dhan 882 KM taasoo ka dhigan in la gaadhsiiyay waxqabadka 87% ,iyadoona uu madaxweynuhu amanay Heerka iyo Natiijada waxqabadka Xafiiska Jidadka DDSI aadna ugu dheeraaday falanqwaynta guulaha dhanka wadooyinka. Madaxweynaha sidoo kale waxaa kor loo qaaday dhinaca ka qayb galka bulshada iyo ciidanka gaarka ah kuwaasi oo la dayac tiray jidad gaadhaya 814KM ,waxaa kale oo ay xukuumada aas aastay shirkaha dhismaha jidadka taasi oo markii la aas aasay lagu wareejiyay qalab qiimahiisu dhan yahay 150 million islamarkaana hada la soo iibiyay qalab aad u badan oo qiimahiisu dhan yahay 300 million (Dozer 6 Exvator 14 Roller 7 loader 10 lowbed ,lt crusher plan, 4 asphalt baver, 2 iskrago 20 biyaha 2 shidaakka ah 1 wiish 2 xabo concrete paching plant 2 fork lift kuwaasi oo waxwayn ka qabandoono dhinaca dhismaha jidadka.

Dhinaca dakhliga iyo isticmaalka miisaaniyada:- Madaxweynaha waxaa qorshaysnaa in la xoojiyo ilaha kala duwan ee dakhli ururinta taasi oo dakhliga deegaanku ahaa sanadkii 2004 250 million ayaa waxaa sanadkii 2005 la gaadhsiiyay 1 billyan waxaa goobaha ka baxsan jigjiga la kordhiyay la kordhiyay dadka iska diwaan galiyay vat ka taas oo la gaadhsiiyay 435 ganacsate oo ka hawlgala 8 magaalo oo ay ka mid yihiin dh/buur, qabridahar, goday, qabribayax, xarshin, mooyaale, doolo adaw iyo jaratid waxaa rubucii 3aad 4 magaalo laga bilaabay diwaan galinta TIN iyo VAT waxaa degmo walba la gaadhsiiyay fool jarad dakhli ururinta uu ku daabacan magaca degmada.

Dhinaca Isgaadhsiinta iyo Laydhka:- Madaxweynaha DDSI Isgaadhsiinta telefonada 500 oo qabalee oo ka tirsan dhamaan gobolada deegaanka ayaa la gaadhsiiyay telefoonka bila xadhiga ah (WIRE LESS TELEFON)iyadoo oo hada ka hore la gaadhsiiyay 250 qabaleee\ Dhinaca laydhka mashruuca laydha jigjiga iyo dhagaxbuur waa mashruuc dhan 170 km ooo leh quwad koronto ooo dhan 1332kv maruuca laaydhka ee malkawakama rayitu iyo godey waa mashruuc dhann 519km oo lehquwad koronto oo dhan 230kwv iyo mashruuca korontada harar iyo fiiq oo 100% wuu dhamaaday hada wuu hawgalay quwadiisuna waa 132kwv Generaytarada laydha (diesel generator) goobaha loo qorsheeyay in ay isticmaalaan diesel generator waxaa ka mid ahaa doolko-addo taas oo si buuxda loo dhameeyay goobaha kale oo kala ah degmooyinka gunagado,dhuxun, danood, dhagaxmadow, goorabaqaqso, dolobay, iimey, ferfer, dhoobowayn, iyo galadiid sanadkan ayaa la dhaqan galinayaa.

Dhinaca Shirkada Adeegyada lacagaha yar-yar iyo amaahda(Micro-Finance): Madaxweynaha Abuurida Micro-finance ayaa sanadkii tegay laga abuuray DDSI iyadoonan weli deegaanada federalka laga dhaqan galin,islamarkaana ujeedooyinka ugu waawayn ee ay xukuumadu ka lahayd Abuurida xafiisyada Adeega shirkadaha yar-yar iyo Amaahaha(Micro-Finance) ay ahayd sidii bulshadu u heli lahayd Meel ay dhigtaan Lacagaha,isugu dairaan lacagaha,ka qaataan Amaahda oo amaan ah,iyadoona sanadkii ay jirtay bixisay Amaah dhan 5 milyan oo bir oo la siiyay 32,000 oo qoys, taasoo shaqo u abuurtay Qoysas badan korna u soo qaaday Dhigaalka iyo nolol maalmeedkooda.

Dhanka Xidhiidhka Shacabka Dal iyo Dibadba:- Madaxweynaha ayaa Tibaaxay in xukuumada oo ka duulaysa Doorka Xidhiidhka,kaqaybgalka shacabka,fagaarayaasha wadatashiga Xorta ah ay ku soo wareegtay Dhamaanba 5ta Qaaradood ee Aduunka iyadoona Qurbajoogta kula soo Qaadatay Fagaarayaal Wadatashi xor ah oo lagaga arinsanayay Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Doorka Maalgashiga oo maanta la wada arko midhihii ka dhashay iyo Maalgashiga Qurbajoogta Deegaanka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa carabaabay in Guud ahaanba 9ka Gobol iyo 68da Degmo ee uu Deegaanku ka kooban yahay ay Xukuumadu ku soo martay Socdaalo taxane ahaa oo loogu kala magac daray UBBO-QUUSIS 1 iyo 2,Sama-wade,Iftiin iyo Ilays iyo Nolol iyo rajo Rumays taasoo ay Xukuumadu ku soo darsaysay Heerka Nolosha Shacabka,Mashaariicaha Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo ka Jawaabista Baahiyaha iyo Codsiyaha Bulshada taasoo ay Xukuumadu Deg-deg wax uga qabatay.

Isku soo wada soohoo Warbixinta Waxqabadka Xukuumada ayaa uu Goluhu aad ugu riyaaqay,islamarkaana ka markhaati kaceen waxqabadka la taaban karo ee ay Xukuumadu Mudadii yarayd ku taabo galisay Cod buuxana ku meel mariyeen(Ansaxiyeen).