CIID MUBAARAK



 

      

Warbixintii Waxqabadka Habka Fulinta Qorshesanadeedkii 2005 ee Xarunta Dhexe XDSHSI

Jigjiga(CakaaraNews) Khamiis May 01,2013:- madaxa arimaha Siyaasada Xarunta Dhexe ee XDSHSI Mudane Sulaymaan oo maanta war-saxaafadeed ku saabsan Warbixinta habkii Fulinta Waxqabadkii Qorshe-sanadeedka Sanadkii tegay 2005 ee XDSHSI iyo Guud ahaanba Dhinacyada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban Siiyay Saxaafada Deegaanka ayaa soo gudbiyay Warbixin aad u dheer oo soo gunaanadaysa Guud ahaanba waxqabadkii sanadaka 2005 iyo u diyaargarawga fulinta Qorshaha cusub ee sanadka 2006.T.T,warbixinta oo Sal iyo Baar Gacan-togaalaynaysana iskuna soo aruurinaysa ayaa waxay u qornayd sidan hoose ee bal dhugo si aad macluumaad badan uga hesho sector kasta halbeega waxqabkiisa iyo shaqooyinka loo idmay.

1. Hawlaha lagu fuliyey Cutubka waxqabadka

1.1. Hawlaha Gudaha Xisbiga

1.1.1. Dhinaca dhaqangelinta awaamiirta qaab-dhismeedka iyo nidaamyada shaqo iyo xoojinta Nidaamka hay’ad ku shaqaynta • Si ficil ahaan loogu dhaqangeliyo awaamiirta ay hada kahor ansixiyeen gudiga fulinta ee xisbigu ee lagu soo shaqaynayay ayaa hoggaaminta gobolada iyo degmooyinka laga siiyey tababaro gaagaaban;

• Si ay hoggaamintu awaamiirtan uga dhigato awaamiirta hagaysa hawl-maalmeedkooda ayaa iyada oo laga sameeyey koobiyo badan si buuxda loogu qaybiyey xafiisyada heer gobol iyo degmo;

• Inkasta oo awaamiirtan laga qaatay fahan wanaagsan, hadana maadaama oo marka laga eego dhinaca dhaqangelintooda ay wali jiraan gol-daloolayaal ka muuqda, waxaa la qiimeeyey inay lagama maarmaan tahay in dabagal iyo la-socod lagu taakuleeyo iyo in loo baahan yahay in nidaamkan la sii xoojiyo;

• Dhinaca kalana, inkasta oo awaamiirtii hada kahor la isla qaatay in loo baahan yahay in la diyaariyo, kana mid ahaayeen awaamiirta meelaynta cududa shaqaale iyo sidoo kale, awaamiirta dabagalka, la socodka iyo taakulaynta, hada la diyaariyey balse maadaama aan la ansixin ma suurtoobayso in lagu hawl-galo, waxaana ajende ahaan loo qaatay in shirka caadiga ah ee mustaqbalka uu yeelanayo gudiga fulinta xisbigu la hordhigo lagana ansixiyo.

1.1.2. Gudiyada laga dhisay heerarka kala duwan Dhinaca Xoojinta Nidaamka hay’adeed ee xisbiga:

• Inkasta oo gudiyada kala duwan ee laga aasaasay qaab-dhismeedyada heerarka kala duwan ee sida; gudiyada hawl-fulinta, gudiyada isku-xidhka, gudiga golaha dhexe, iyo sidoo kale qaab-dhismeedyada ka jira ilaa heerarka hoose, ay qaab waafaqsan nidaamyada shaqo ee la dejiyey uu isbedel wanaagsani ka jiro dhinacyada qorshe-ku-hoggaaminta shaqo, habka fulinta iyo dhinaca qiimaynta, hadana waxaa la isla qiimeeyey inay wali jiraan gudiyo aan iyagu bilaabin shaqadoodii.

Tusaale ahaan, gudiga isku-xidhka deegaanka iyo degmooyinka, unug aasaasiyada iyo unug hoosaadyada oo iyagagana aan lagu tilmaami karin inay si buuxda u wada guda galeen fagaarahooda daraasaadka iyo wadatashiga. Sidaas derteed, waxaa jiho ahaan la dejiyey inay qaab-dhismeedyada noocan ahi si buuxda oo dhamaystiran mudtaqbalka uga wada hawlgalaan xilalkooda shaqo.

1.1.3. Tababarada Hoggaaminta dhexe

• Iyada oo si loo kobciyo awooda siyaasadeed ee xubnaha hoggaaminta heerarka kala duwan ee xisbiga laga soo bilaabo sannadkii 2004 T.I. la bilaabay mudnaan gaarana la siiyey tababarada lagu kobcinayo awoodooda, ayaa la suurto geliyey in tababaradaas qaab xooggan loo sii joogteeyo sannadkan;

• Iyada oo sannadkii 2004 T.I. taakulayntii laga helay Xisbiga Bahwadaagteenna ah EPRDF tababaro kobcineed la siiyey 60 hoggaaminta sare ah iyo 110 hoggaaminta heerka dhexe ah ayuu xisbigeenna XDSHSI uu markii ugu horaysay awooday inuu 548 xubnaha hoggaaminta heerka dhexe ah siiyay tababar kobcineed

; • Sannadkan 2005 iyada oo la qorsheeyey inuu sii socdo tababarkaasi ayaa dhinaca xarunta dhexe lagu guuleystay in tababarka hoggaaminta dhexe oo wareegii labaad iyo saddexaad ah lagu siiyo xubno hoggaamineed oo dhan 800 oo xubin;

• Kasokow tababarkan oo ahaa mid wax weyn ka bedelay dibna u qoray aragtida hoggaaminta, ayaa waxaa kaloo la isla qiimeeyey inuu yahay mid isaga oo xalinaya wixii dhibaatooyin ahaa ee ka jiray dhinaca khibrada inuu yahay wax xal buuxa u keenaya wixii dhibaatooyin ah ee lagala kulmo hawlaha la qabanayo mustaqbalka ee dhinacyada nabadgelyada, horumarka iyo maamulka suubban.

1.1.4. Dhinaca ballaadhinta aasaas-bulsheedka xisbig

a • Sannadkan oo ay qorshaysnayd in la soo xulo xubno cusub oo dhan 32,000 xubnood, ayaa waxaa lagu guuleystay in la soo xulo (6,767 Dhedig ah iyo 13,215 Lab ah) wadartooda guudna tahay 19,982 xubnood oo cusub;

• Iyada oo la dejiyey hanaan xulashada lagaga dhigayo mid xubnaha hormoodka ah ee qaybaha kala duwan ee bulshada ku leh kalsoonida, loona yaqaano anshaxa wanaagsan, isla markaasna iyada oo ay soo xulayaan unug aasaasiga iyo unug hoosaadku lagu soo baadho ficil waxqabad, ayaa dadaal ballaadhan loo galay sidii aysan mar dambe u dhaceen dhibaatooyinkii ka jiray hada kahor, taasna laga muujiyey isbedel wanaagsan;

• Waxaa la qiimeeyey inuu bilow wanaagsani ka jiro sifaynta iyo dib u dhiska xubnihii hore;

• Guud ahaan iyada oo marka lagu daro xubnaha cusub uu xisbigu wakhtigan leeyahay xubno tiradoodu dhan tahay 279,405, ayay 103,914 xubnood yihiin dhedig, 175,491 xubnoodna lab;

• Si xubnahan loogu hawl-geliyo waajibaadyo cadcad ayaa waxaa look ala dhisay 822 unug aasaasi iyo 7023 unug hoosaad oo u sahli kara inay waajibaadyadooda si habsami ah u gutaan; Xoojinta Awooda Maliyadeed

• Wadarta guud ee lacagta xisbiga ee acountiga kujirtay bisha Hamle/2004 waxay ahayad 47,956,899.37birr.

• qorshe xafiiska xisbiga sanadka 2005 e.c. misaaniyada in lasooxareeyo ahad qadhan dhan 8 million iyo deeq dhan 5 million wadarta 13 million balse waxaan lagu guleystay in lasooxareeyo deeqda & qadhi dhan 18,796,892.63 birr, sidoo kale waxaa dhismaha G+5 lagu guleystay teegaro dhan G+5 2,484,109 birr.

• wadarta guud acoountiga ku jirta misaaniyada xafiiska 66,753,792 birr, lacata jaraaidka laga soo xarayay ------------ 1.1.5. Kobcinta awooda siyaasadeed ee xubnaha

• Iyada oo wargeyska afka xisbiga bishiiba 2 jeer oo aan kala go’ lahayn lagu soosaaro ajendayaal xilliyeed ah, ayaa la suurto geliyey inay xubnuhu kaga doodaan unug aasaasiyadooda ay u dhisan yihiin;

• Si loo xoojiyo tayada wargeyskana waxaa loo aasaasay gudiga tafatirka (Editorial Board), kaas oo taakulayn wanaagsan siiya wargeyska;

• Xubnuhu ka sokow kobcinta ay awoodooda ku kobcinayaan waxqabadkooda ficilka shaqo ah, waxaa kaloo loo suurto geliyey in la siiyey waajibaadyo cadcad oo ay hormoodnimo kaga qayb qaadanayaan hawlaha nabadgelyada, horumarka iyo maamulka suubban ee ka socda nawaaxigooda iyo inay qaab-socodkaas iskood isugu kobciyaan awoodooda;

• Dhinaca horumarkana, iyada oo la suurto geliyey sidii ay xubnuhu hormood uga noqon lahaayeen hirgelinta hawsha dib u dejinta ee xoolo-dhaqatada loogu bedelayo dhaqato beeraleyda, ayaa la abuuray xubno ka qaybgalkooda ka keenay natiijo wanaagsan.

Dhinaca nabadgelyadana waxaa la abuuray xubno iyagu si weyn ugu guntan fashilinta unugyada nabad-diidka isla markaasna shacabkooda si weyn wax u baraya; hase yeeshee, maadaama oo ay wali jiraan xubno iyagu aan sidii la rabay u gudo-gelin waajibaadkooda, isla markaasna aan dhaafsiisnayn macag-u-yaal xubinimo, walina aan ka soocnayn bulshada, waxaa la isla meel dhigay in loo baahan yahay in xubnaha noocan ah si buuxda loo gudo-geliyo waxqabad shaqo, qaab-socodka gudihiisana lagu sifeeyo, sidaasna lagu kobciyo awoodooda waxqabad;

• Si xubnaha xisbiga wax looga baro arrimaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee gudaha dalkeenna iyo wadamada caalamkaba, ayaa iyada oo Xafiiska EPRDF laga soo qaadanayo maqaalka Addis Ra’yi ee uu soo saaro Xafiiska EPRDF, isla mar ahaantaasna loo dhaadhiciyo xubnaha si ay fagaarayaashooda ugaga doodaan ayaa loo sahlay inay iskood u kobciyaan awoodooda.

Maqaalkii Addis Ra’yi ee soo baxay mudadii ka dambaysay Geeridii Hoggaamiyeheennii Himilada lahaa / Ra’isal Wasaare, Malas Zenawi/ oo laga soo qaatay 2500 oo xidhmo, loona qaybiyey dhamaan xubneheena ku sugan miyiga iyo magaalooyinkaba, ayaa la suurto geliyey inay si habsami ah uga doodaan, taasina waxay horseeday inay xubnuhu gebi ahaanba fahan buuxa ka heleen taariikhda dhabta ah ee halyeygaas himilada lahaa (Malas Zenawi) isla markaasna gaba-gabo midaysan ka qaateen inay hagar la’aan kaga shaqaynayaan sidii ay u sii noolayn lahaayeen taariikhda hoggaamiye, Malas Zenawi.

1.1.6. Doorashada Golayaasha Agagaarka

• Waxa la dejiyey yool ah in la suurto geliyo sidii doorashadu u noqon lahayd mid nabadgelyo leh, dimuqraadiyad ah, isla markaasna hesha kalsoonida shacabka, isla markaasna uu xisbigeennu si buuxda ugu soo guuleysto tartankeeda, yoolkaas ayaana lagu hawl-galay;

• Iyada oo qorshaha loo diyaariyey hawlaha doorashada si buuxda wacyigelin looga siiyey xubneheena iyo shacabkaba anshaxa doorashada iyo sidii doorashada loogu soo gabagabayn klahaa qaab nabadgelyo iyo dimuqraadiyad leh, ayaa la abuuray qaab-dhismeedyo ilaa heer qabalee ah oo iyagu ka hawlgala doorashada, taasna lagu hawl-galay;

• Iyada oo qorshaha la dejiyey uu ahaa inay shacab dhan 2,739,156 qof isu diiwaangeliyaan cod-bixinta, ayaa shacabka iyagu isu diiwaangeliyey cod-bixiyenimada ee qaatay kaadhku dhamaayeen 3,261,867 qof.

• Dhinaca diiwaangelinta murashixiinta ku tartamaysay doorashada ee uu xisbigu diiwaangashaday ayaa ahayd 4711 Murashax oo u tartamaysay Golayaasha heer degmo, 56,017 Murashax oo u tartamayay golayaasha qabaleeyada deegaanka iyo sidoo kale 238 murashax oo u tartamayay golayaasha magaalooyinka, kuwaas oo lagu guuleystay in xubnahaas laga qiimeeyo shacabka isla markaasna la ansixiyey;dhinaca xulashada murashixiintana, iyada oo loo dejiyey shuruudo cadcad oo lagu xulay, ayaa waliba xulashadaas mudnaan gaara lagu siiyey dhalinyarada iyo haweenka;

• Iyada oo si loo ballaadhiyo fahanka doorashooyinka ee shacabka ayaa la qabtay hawlo badan oo aqoon-kordhin ah, xisbigeenuna waxa uu dadaal weyn ka sameeyey sidii fahanka loo baahan yahay looga abuuri lahaa dhinaca nidaamka anshaxa doorashooyinka;

• XDSHSI ajendayaashiisa doorashada iyo hawlihiisa dhaqdhaqaaqyada ololaha doorashada ayuu heer gobol shacab dhan 156,000 oo qof oo lagu kulmiyey fagaarayaal kala duwan si ballaadhan looga doodsiiyey;

• Iyada oo xisbiyada mucaaridka eek u tartamayay doorashooyinka deegaanka lala sameeyey golaha wadaaga ah ee xisbiyada siyaasadeed ayaa wadajir looga shaqeeyey sidii doorashadu u noqon lahayd mid leh dimuqraadiyad iyo caddaalad; • Doorashadaas oo ahayd mid caddaalad ah isla markaasna dimuqraadiyad buuxda ku dheehnayd, waxay ku dhamaaday ku guuleysiga XDSHSI.

 Diyaarinta Shirweynihii caadiga ahaa ee XDSHSI Iyada oo laga duulayo hanaanka uu fasaxayo xeer-hoosaadka XDSHSI, ayaa shirweynihii caadiga ahaa ee 7aad ee XDSHSI bishii Nahase 5-6/2004 T.I.

markii ugu horaysay taariikhda deegaankeenna lagu qabtay meel ka baxsan magaalo-madaxda DDSI, kaas oo lagu qabtay goob taariikhi ah oo si khaas ah loogu xulay, taas oo ahayd qabaleega Geri-go’an oo ka tirsan Degmada Birqod ee Gobolka Jarar, halkaas oo ahayd bartii lagu aasaasay ururkii UBBO isla markaasna u ahayd saldhigoodii ugu weynaa, shirweynahaasina halkaas ugu qabsoomay sidii loo baahnaa.

Shirweynahaasna waxaa si ballaadhan uga soo qayb galay xubnihii ka qaybgalayaasha ee XDSHSI, wakiilada xisbiga qaranka ee EPRDF, wakiilada xisbiyada bah-wadaagteenna ah, qurba-joogta u dhalatay deegaanka, guurtiga iyo cuqaasha hoggaaminta dhaqanka iyo sidoo kale marti-sharaf kale oo lagu soo marti qaaday shirweynaha. Shirweynaha waxaa lagu qiimeeyey habkii fulinta shaqooyinkii 2-sanno ee la soo dhaafay waxaana la dejiyey jihada 2-sanno ee xigta.

Ugu dambayntiina waxa uu shirweynuhu doortay 13 xubnood oo Gudiga hawl-fulinta ah, 47 xubnood oo Golaha dhexe ah iyo 9 xubnood oo komishinka baadhida iyo dabagalka xisbiga ah. shirweynuhu waxa kaloo uu ansixiyey in xuskii maalinta aasaaska XDSHSI ee la qaban jiray 20-SANE loo bedelay Yekatit 28-keeda sannad kasta, iyo sidoo kale in xubnihii gudiga dabagalka iyo baadhista oo tiradoodu ahayd 5-xubnood laga dhigay 9-xubnood. Shirweynuhu kedib markii uu maalintaas la xusi jiray aasaaska XDSHSI ee SANE-20 si ballaadhan uga dooday uguna qancay inay ahayd maalin lagu asteeyey aragtidii soomaali-weyn, cadaymo muujinayana ka helay arrintaas, kuna qancay in maalintii saxda ahayd ee xisbiga la aasaasay ahayd Yekatit 28/1995-kii, ayuu maalinta xuska u ansixiyey in la qabto sannad kasta Yekaatiit 28-keeda.

2. Barnaamujka Ballaadhan ee dib u dejinta isku-dhafan ee agagaarka dooxooyinka deegaanka

2.1. Dhinaca Barnaamujka Horumarinta Isku-dhafan ee Dooxooyinka iyo Dib u dejinta Bulshada

Dhinaca hawlaha xidhiidhka dadweynaha ee laga qabtay ku soo ururinta goobaha cayiman

 Sannadka 2005-ka iyada oo laga duulayo qorshaha loo dejiyey dib u dejinta bulshada reer guuraaga ah iyo horumarinta dooxooyinka, lana diyaariyey dukumenti lagu aloosayo dhaqdhaqaaq shacab, kedibna markii ay si ballaadhan uga doodeen xubnaha iyo hoggaaminta heerarka kala duwan, ayaa la qabtay shaqo lagu aaminsiinayo shacabka, sidaasna lagu dhaqangeliyey.

 Dhinaca wacyigelinta dukumentiga abaabulka shacabkana iyada oo hoggaaminta heerarka kala duwan ee ka qayb qaadatay dhan yihiin 61,000, ayaa sidoo kale, heer qabalee iyo degmana ay ka qayb galeen qaybaha bulshada ee oday-dhaqameedyada, dhalinyarada iyo haweenka, waxaa kaloo ka qayb qaatay dhamaan xubnaha xisbiga ee heerarka kala duwan, guud ahaana wadarta tirade bulshada ka qayb gashay fagaarayaasha wacyigelinta dukumentiga abaabulkuna waxay dhan tahay 388,257 oo qof.

Dhinaca kalana, iyada oo qorshihii rubucii 3aad ee sannadka hoggaaminta sare ee deegaanku si loo xoojiyo shaqada abaabulka shacabka si habsami ah uga doodsiisay hoggaaminta heer gobol ilaa mida heer qabalee, waajibaadyo cadcadna ku hawl-gelisay, ayay hoggaamintaasina qabalee kasta iyaga oo shacabkooda xoolo-dhaqatada ah ka doodsiinaya horumarka, si buuxdana u aaminsiiyey, ayay suurto geliyeen inay bulshadu ka qayb qaadato hawlaha horumarinta dooxooyinka.

 Guud ahaan, sannad-miisaaniyadeedkan hawlaha horumarinta dooxooyinka waxaa ka qayb galay shacab dhan 423,426. Qodobada fikirka ee ugu waaweynaa figradaha laga soo jeediyey fagaarayaasha dooda dukumentiga abaabulka ayaa waxay ahaayeen kuwo lagu tilmaamayay in sannadkii 2003/2004 xoolo-dhaqatadii goobaha dib u dejinta isugu soo ururtay, marka la eego faa’iidooyinka ay halkaas ka heleen hadii ay dawladu taas sii joogtayso siina taakulayso inay hubaal tahay in isbedel ballaadhan ka iman doono dhinaca nolosha shacabka reer guuraaga ah, waxayna ku dardaarmeen in la sii joogteeyo dadaalkaas midho dhalka ah.

waxa kaloo intaas dheer, in dhibaatooyinka ka jira dhinaca isku-dubaridka, gaadhsiinta gashiyada kala go’a, xirfadlayaasha oo yar intaba in iyadana mustaqbalka isbedelka loo baahan yahay laga sameeyo. Wakhtigii fagaarayaasha dooda, hoggaaminta heerarka kala duwan iyo shacabkuba waxay gaba-gabo midaysan ka wada qaateen in barnaamujkan horumarineed ee faa’iidada leh la sii joogteeyo. Guud ahaana, waxa uu fagaarahaasi ahaa mid abuuray abaabulkii shacab ee loo baahnaa.

Hawlaha laga qabtay dhinaca dejinta goobaha loo habeeyey bulshada ee 2005

• Iyada oo sannadkan 2005 la qorsheeyey 43,664 ayaa markii la qiimeeyey lix-biloodlihii qorshaha dib habayntii lagu sameeyey qorshaha la qorsheeyey inay rabitaankooda ku soo dagaan goobahaas madax-qoyseedyo dhan 33,984, hase ahaatee, 11-kii bilood e la soo dhaafay oo ay rabitaankooda soo degida isku diiwaangeliyeen 29,214 Madax-qoys ayaa waxaa goobaha dib u dejinta soo degay 24,214 madax-qoys, taas oo u dhiganta፡(71.5%).

• Dhinaca dhismaha guryaha hoyga maguurtada ahna waxaa dhismahooda la dhamaystiray 17,709 Guri.

• Iyada oo Madax-qoyseedyada Sannadkan 2005 ku soo ururay goobaha dib u dejintu dhul-beereedka ay u baahan yihiini dhan yahay 33,984 oo hactor, ayaa dhulkaas inta lagu horumarin karo roobka iyo inta waraabka ah ee gaarka loo soocay, la cabiray loona qaybiyey bulshadu dhan yahay 12,197.5 hactor. Guud ahaan, sannadkan 2005, dhulka horumarinta dooxooyinka dhulka laga diyaariyey oo isugu jira inta lagu horumarin karo roobka oo dhan 17941 hactor iyo inta horumarinta masnada ah oo dhan 56062, wadartooduna tahay 74,003 hactor oo la habeeyey lana jilciyey, isla markaasna lagu beeray dalagyo kala duwan, ayaa guud ahaan lagu guuleystay inuu ka soo go’o waxsoosaar kala duwan oo lagu qiyaasay 1,333,989 Kiintaal. Intaas waxaa dheer, in sannadkan goobaha kale ee kuwaas ka baxsan ee deegaanka iyagana guud ahaan laga soo saaray waxsoosaar kala duwan oo lagu qiyaasay 4.6 Million oo Kiintaal.

 Dhinaca dhismaha xarumaha adeegyada bulsho  Dhinaca waaxda caafimaadka oo sannadkii 2003/04 xarumihii la dhisay ee la hawl-geliyey ay ka mid ahaayeen 177 rug caafimaad (HHP) iyo 20 Xarun caafimaad (HC) oo intuba shaqeeya, ayaa sannadkan 2005-na la qorsheeyey in la dhiso 20 rug caafimaad (HHP) kuwaas oo 8 HC oo ka mid ah la dhamaystiray dhismahooda, intoodii kalana gacanta lagu hayo shaqadooda.

Dhinaca tababarida iyo meelaynta xirfadlayaasha caafimaadkana ilaa iyo hada waxaa la meeleeyey oo adeegii loo baahnaa bixiya 219 xirfadle, sidoo kalana, waxaa ka qaybgalka dadweynaha lagu dhisay musqulo dhan 6,581. Barnaamujka 16-xidhmo ee fidinta caafimaadka ayaa lagu tababaray 8800 oo madax-qoys oo si buuxda uga qalin jebiyey.

Sidoo kale, si loo fududeeyo dhibaatada xirfadlayaasha caafimaad ee yaraa sannadkan ayaa waxaa la tababaray oo soo qalin jebiyey 139 xirfadlayaasha fidinta caafimaadka ah.

 Dhinaca waxbarashadana, iyada oo sannadkan 2005 ay qorshaysnayd in la dhiso 15 dugsiyada hoose ee caadiga ah ayaa waxa la dhamaystiray 3-ka mid ah, intii kalana waxaa gacanta lagu hayaa shaqadooda. Guud ahaan, dugsiyada soo jireenka ahaa ee ka jiray goobaha dib u dejinta oo tiradoodu ahayd 323 dugsi ayaa waxaa loo meeleeyey 1396 Macalin oo iyagu bixiya adeegyadii looga baahnaa. Dhinaca ardayda dugsiyada ku jirta sannad-dugsiyeedkan ee wax ku barata dugsiyada goobaha dib u dejintuna waxay dhan yihiin Lab 70,935 iyo Dhedig 46,705 Wadartooduna tahay 117,640 oo arday oo toos u qaadata waxbarashadooda.

Dhinaca gashiyada waxbarasha-dana waxaa la gaadhsiiyey oo loo qaybiyey buugaag, kuraasta ardayda, desks, iyo qalabyo kala duwan oo taakulaynaya waxbarashada.

 Iyada oo sannadkan 2005 dhinaca biyaha cabitaankana la qorsheeyey in goobaha dib u dejinta laga dhiso 54 berkedood, lana dhamaystiray dhamaan 54-kaas berkadood, ayaa dhinaca kalana la qoday lana dhamaystiray 25 ceel-gacmeedyo ah. iyada oo guud ahaan xarumihii biyaha ee Sannadkii 2003/04 la dhisay ahaayeen 283, ayay dhamaan xarumahaasi bixiyaan adeegii looga baahnaa.

 Dhinaca Beerahana, iyada oo xarumaha adeega bixiya ee ka jira goobahaasi dhan yihiin 57 xarumaha tababarka xoolo-dhaqatada ah iyo 15- xarumood oo cusub oo in la dhiso la qorsheeyey sannadkan, ayaa xarumahan cusub dhismahooda gacanta lagu hayaa. Goobaha caafimaadka xoolaha ee hada kahor la dhisay adeegana bixinayay ayaa waxay dhan yihiin 113-AHP, sannadkana waxaa qorshaysnaa in la dhiso 14 cusub, ayaa la dhamaystiray marka laga reebo mid hada gacanta lagu hayo dhismaheeda.

Waxa loo meeleeyey 269 xirfadlayaasha beeraha ah iyo 115 xirfadlayaasha caafimaadka xoolaha ah, kuwaas oo la hawlgeliyey adeegii looga baahnaana bixiya, guud ahaana, waxaa dhinaca adeegyadan beeraha iyo xoolaha ka faa’iideystay bulsho ka badan 220,250. Dhinaca suntan cayayaanka iyo daawada beerahana, waxaa la soo iibiyey suntan cayayaanka iyo daawooyinka kala duwan ee beeraha iyo xoolaha loona qaybiyey bulshada ka faa’iideysanaysa.

2.2. Hawlaha Caadiga ah ee laga fuliyey Deegaanka Waaxda Horumarinta Xoolaha iyo Beeraha

 Dhibaatooyinka dhinaca daaqa iyo biyaha ee ahaa dhibaatada ugu weyn ee haysatay bulshadayada xoolo-dhaqatada iyo dhaqato-beeraleyda ah, ayaa waxaa laga qabtay hawlo aad u ballaadhan oo natiijo la taaban karo leh. Iyada oo la ilaaliyey xaalada caafimaad ee xoolaha deegaanka, isla markaasna dib u habayn lagu sameeyey nidaamka suuq-geynta xoolaha ayaa dadaal ballaadhan laga sameeyey kobcinta dekhliga xoolo-dhaqatadeenna.

 In Heer-daboolka caafimaadka xoolaha ee 2004 ahaa 64% kor loo qaado ilaa 72%፣ o Si looga hortago cudurada isaga gudba xuduudaha ayaa la qorsheeyey in la tallaalo xoolo dhan 8,066,666 neef, waxaase lagu guuleystay in cudurada isaga gudba xuduudaha laga talaalay 6,852,680 (80%); o Sidoo kale, iyada oo la qorsheeyey in adeega daaweynta loo fidiyo xoolo dhan 4,875,000 ayaa waxaa la daaweeyey 4,623,846(91%).

 Dhinaca xoojinta nidaamka suuq-geynta xoolahana, waxaa la sameeyey in la meeleeeyey xog-soo ururiyayaal, in xogta qiimaha xoolaha laga sii daayo reedyowga iyo in ganacsatada la siiyey tababar laguna xidhay bulshada ka faa’iideystayaasha ah.

 Dhinaca ilaalinta khayraadka dabiiciga ahna iyada oo wacyigelin badan loo qabtay bulshada ayaa la qabtay hawlo badan oo laga fuliyey dhinaca illaalinta carrada iyo biyaha.

Dhinaca Waxqabadka Waaxda Horumarinta Khayraadka Biyaha

• Sannadkan 2005 T.I. oo la qoondeeyey in biyaha cabitaanka ee miyiga laga qaado 52% lana gaadhsiiyo 60%, magaalooyinkana laga qaado 70% lana gaadhsiiyo 75% ayaa ilaa hada heer-daboolka la gaadhsiiyey miyiga 59% magaalooyinkana 72%.

• Dhinaca Isteraatiijiyada Biyo-qabatinka ayaa waxaa la dhamaystiray dhismaha 720 berkedood oo la qorsheeyey dhismahooda, kuwaas oo bulshada si heer sare ah u siiya adeegii biyaha.

• Dhinaca qodista ceelasha dhaadheer (Riiga) oo qorshuhu ahaa in la qodo 42 ceel ayaa waxa la dhameeyey 29 kamid ah, waxayna shaqoodi socotaa 13-ka kale.

• 161 Ceelasha dhaadheer ah oo la qorsheeyey in dib loo hagaajiyo(dayactir) ayaa la dayactiray 173 ceel, taas oo ka badan intii la qorsheeyey.

Dhinaca waxqabadka Caafimaadka.

 Waxaa klagu guuleystay in heer-daboolka caafimaadka deegaanka oo marayay 73% la gaadhsiiyey 80%, sidoo kalana, kedib markii abaabulka bulshada tababar lagu siiyey hoggaaminta heerarka kala duwan, ayaa waxaa la awooday in qabaleeyo tiradoodu dhan tahay 289 qabalee bulshadooda laga sameeyey abaabul shacab oo ku wejahan dhinaca caafimaadka;

 Dhinaca isbedelka is-xilqaanka bulshadana bilihii la soo dhaafay qoysaska nmeedeelka ah ee la qorsheeyey inay bilihii la soo dhaafay qalin jebiyaan oo ahaa 64,749, balse ay ka qalin jebiyeen 38,300 oo qoys ayaa waxay taasi muujinaysaa in qorshahaasi fulay 59%.

 Dhinaca daryeelka hooyada iyo dhallaankana, waxa 11-kii bilood ee la soo dhaafay la qorsheeyey in hooyooyin dhan 73,097 loo fidiyo adeega dhalmada kahor, waxaana la fuliyey 49,735taas oo u dhiganta 68%;

 Dhinaca daryeelka caafimaadka caruurtana, waxaa bilihii la soo dhaafay ee sannadka qorshaysnaa in tallaalka PentaV la siiyo caruurta da’doodu ka hoosayso 1 sanno oo dhan 50508 caruur ah, waxaana qorshahaas la fuliyey 31401(62%);

 Iyada oo guud ahaan la dhamaystiray 88 xarumaha caafimaadka ah ee la qorsheeyey in laga dhiso deegaanka, ayaa sidoo kale 50 xarumaha caafimaadka oo la qorsheeyey in la dhiso uu dhismahoodu dhamaaday 28-ka mid ah, 22-ka xarumood ee kalana gacanta lagu hayo dhismahooda;

 Iyada oo S/Miisaaniyadeedkan qorshuhu ahaa in la dhiso 80 Guryaha hoyga ee shaqaalaha fidinta caafimaadka ah, ayaa waxaa lagu guuleystay in ladhiso 69 ka mid ah, waxaana dhismahoodu meel fiican marayaa 11-ka guri ee ka hadhsan qorshahaas.

Dhanka Waxqabadka waxbarashada.

 Waxa qorshaysnayd in guud ahaan ka qaybgalka waxbarashada dugsiyada hoose ee deegaanka oo sannadkii 2004 maraysay 80% la gaadhsiiyo 87%, waxaana sannadkan 2005 lagu guuleystay in la gaadhsiiyo 85%. 

Aradayda isu diiwaangelisay dugsiyada hoose waxay dhan yihiin Lab 661934 iyo Dhedig 426178 Wadartooduna tahay 1088112 oo arday; o Gaar ahaan, iyada oo ay qorshaysnayd in isu-dheelitirka gabdhaha iyo wiilasha la gaadhsiiyo 0.97 ayaa lagu guuleystay in la gaadhsiiyo 0.91.

 Iyada oo guud ahaan deegaanka la qorsheeyey in laga dhiso 25 dugsiyada sare ah oo cusub ( 18 dugsiyada sare ah iyo 7 Preparatory ah) ayaa dhamaan dugsiyadaas la dhamaystiray isla markaasna bilaabeen adeeg bixintooda.

o Taasna iyada qorshuhu ahaa in heer-daboolka laga qaado 28% lana gaadhsiiyo 42% ayaa waxaa lagu guuleystay in la gaadhsiiyey 34%, ardayda ku sugan dugsiyada sare ee waxbarashada qaadatana waxay dhan yihiin 36952 (Lab 25425 iyo Dhedig 11525).

Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xarunta Adeega Deynta iyo Dhigaalka Deegaanka.

 Sannad-miisaaniyadeedkan waxaa lagu guuleystay in guud ahaan 22 xarumaha adeegyada yaryar ee deymaha iyo dhigaalka laamahooda la gaadhsiiyo degmooyinka uusan ka jiran adeega bankiyadu lagana furay xarumahaas.

 Xarumahaas yaryar ee adeega deymahana waxaa ka faa’iideystay 3,200 ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka oo ka helay adeega deynta oo dhan 5,000,000 Birr.

 Xarumahani kasokow sida ay u fudaydiyeen culayskii kajiray dhinaca daahitaanka mushaarooyinka shaqaalaha, waxa kaloo ay kaalin weyn ka qaateen adeega xawaalada oo ay u fidiyaan bulshada, waxayna bulshada u sahleen inay si habsami ah uga qayb qaataan horumarka.

 Maadaama oo lacagta sharciga ah ee Dalkeenna Ethiopia ay meel kastaba gaadhay, waxaa meesha ka baxay lacagtii Soomaaliya ee sharcidarada ahayd ee dhex socotay deegaanka.

Dhinaca Dekhliga Deegaanka.

 Maadaama oo sannadkan wacyigelin iyo abaabul ballaadhan laga sameeyey heer deegaan, heer gobol iyo heer degmaba isla markaasna 9-ka gobol iyo 68-da degmo ee deegaankaba laga fuliyey hawshaas, waxay taasi keentay in dekhliga deegaanku halkii uu sannadkii 2004 ka ahaa 250 Million oo Birr sannadkan 200% 11-kii bilood ee la soo dhaafay la soo xereeyey dekhli dhan 850 Million oo Birr.

Shaqada & Horumarinta Magaalooyinka.

 9-magaalo oo ka mid ah deegaanka oo laga fulinayay qorshe-hagaha 9Master Plan) ayaa 7-ka mid ah la dhamaystiray 2-kalana hawshoodu socotaa.

 Dhinaca dhismayaasha cusub oo loogu tala galay marti-qaadka Xuska Maalinta Quruumaha, Qowmiyadaha & Shucuubta dalkeenna ee lagu qabanayo deegaankeenna Soomaalida Itoobiya:-

 230-ka guri ee dhismahoodu ka socdo Xarunta Mac’hadka Maaraynta ee Deegaanka waxay shaqadoodu maraysaa 98%;  Dhismaha garoonka ciyaaraha ee Jigjiga ayaa isaga shaqadiisu maraysaa meel aad u wanaagsan;

 Dhismaha Hoolalka Shirka ee Jigjiga oo iyagu mugoodu qaadi karo 2000, 500 iyo 200 oo qof ayaa iyagaga shaqadoodu maraysaa 20—40%;

 Dhismaha Qaabilaada Martida ee laga wado Garab-case ayaa isaguna maraya 76.83%;

 Dhismaha Xafiiska Arrimaha Bulshada oo G+2 ah ayaa maraya 20%;

 Baloogyada dheeriga ah ee laga dhisayay dugsiga hoyga agoonta ee Jigjiga ayay shaqadoodu maraysaa 90.8%.

 Dhismaha Kulliyadaha Tababarada Farsamo ee Q/Dahar iyo Jarati iyo Kulliyada Tababarka Macalimiinta ee Q/dahar ayay iyagana shaqadoodu maraysaa 20%. Dhismayaasha iyagu soo jireenka ahaa ee la soo waday shaqadood.

a  Dhismihii ballaadhinta kulliyada cilmiga caafimaadka ee Jigjiga oo lagu darayay J-2 Dormatary/69 Qol ah iyo G-1 oo 19-Fasal/350 arday u adeegi kara ayaa gebi ahaanba la dhamaystiray shaqadooda isla markaasna bilaabay adeeg bixinta;

 Dhismihii ballaadhinta Kulliyada tababarka Macalimiinta ee C/majiid Xuseen, oo lagu darayay G-1 oo maamulka loo dhisayay 12 Qol, G-4 Dormatary-750 arday qaada iyo G-4 qolalka waxbarashada 28 Fasal/750 arday qaadi kara ayaa dhamaantoodba la dhamaystiray isla markaasna bilaabeen adeeg-bixinta; waxa kaloo intaas dheer dhismaha Labrary u adeegi kara 700 oo arday iyo Hoolka Cuntada ayay iyagana shaqadoodu maraysaa 98%;

 Dhismaha Ballaadhinta Xabsiga Jigjiga, dhismaha Xafiiska degmada Lagahida, Xafiiska Degmada Salaxaad, Dhismaha Xafiiska degmada Dhandhame ayaa dhamaantoodba la dhamaystiray100%;

 Dhismaha Deyrka Xarunta Jigjiga FM ayaa la dhameeyey(64%), Dhismaha Komishinka Booliska ee Goday ayaa isaguna maraya (92.96%)  Dhismaha Guryaha Hoyga wadaaga ah ee 200 oo guri ayaa la dhameeyey 100%.

Shaqada Dhismaha Jidadka Miyiga ee Xafiiska Jidadka DDSI.

 Deegaanka waxaa si ballaadhan uga socda dhismaha jidadka miyiga, waxaana lagu guuleystay in meelo hada kahor la awoodi waayay in laga dhiso wax jid ah oo gabaad u ahaan jiray xoogaga nabad-diidka wakhtigan laga sameeyo jidad isku xidha deegaanka gudihiisa; kuwaasoo ay ka mid yihiin.

 Mashaariicaha Jidadka ee laga Fuliyay Miisaaniyada Qarniga(Millenium Development Goal),iyadoona Xafiiska Jidadku MDG uu ka fuliyay Jidka Dhure-Hadhagaale,Biki-Afdem,God-Cusbo-Baareey,Jigjiga iyo Qabaleega B 14km oo Wado ah,Jidka 30ka magaalada Jigjiga.

 Mashaariicaha Jidadka ee uu Xafiisku ka fuliyay Miisaaniyada Deegaanka ayaa ay ka mid yihiin jidka Gerigo’an-gomar-Qabridahar siina mara Dulqabow iyo Shawli,galaalshe-dh/madow,Marsin-isku dhoonley-gebogebo-Farmadow-Gunagado iyo Bulaale,Dh/buur-Dh/madow,Dh/buur-falfal,Dhismaha Airportiga Dh/buur,Jarati-Gorabaqaqsa-guradhaamoole,Fiiq-Qubi,Xamaro-Fiiq,Geeldoox,Jidka taga Buurta Barta Anteenada Galadiid iyo Shantole-Ceelkari iyo Jidka iskuxidha Araarso-Yoocaale iyo Awaare. waxaana wakhti dhaw si cusub loo aasaasay Shirkada Hawlaha Jidadka Deegaanka Soomaalida.

 Iyada oo guud ahaan wakaalada Jidadka ee deegaanku qorshaysay inay sannadkan 2005 deegaanka ka dhisto jidad gaadhaya 1009km, ayaa waxaa lagu guuleystay in la dhiso Jidad Cusub 1019,waxaa la dayactiray 32km,waxaa upgrading lagu sameeyay jidad dhan 87km isugaynta uu xafiisku fuliyay Sanadkii tegay ayaa noqonaysa 1,138Km taasoo u dhiganta in uu kor u dhaafay Qorshihii.

 Dhinaca kalana, isla sannadkan 2005 waxaa lagu guuleystay in ka qaybgalka dadweynaha lagu baneeyey jidad dhererkoodu dhan yahay 1019. 3. Hawlaha shaqo ee laga qabtay dhinaca Xidhiidhka Dadweynaha iyo Maamulka Suubban iyo Khibradaha waaya’aragnimada xulka ah Dhinaca Xidhiidhka Dadweynaha iyo Maamulka Suubban

• Dhinaca xidhiidhka dadweynaha:

iyada oo la adeegsanayo tignoolojiyadaha casriga ah iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo tabo kasta oo suurtogal ah ayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba shaqo ballaadhan laga qabtay dhinaca qurba-joogta ku nool daafaha dunida.

• Hawlahaas shaqana iyada oo aaladaha warbaahinta ee aan u adeegsanaa yihiin kuwa dadweynaha, ayaa waxaa ka mid ah ESTV, JJ-FM, Barnaamujka Afsoomaaliga ee Radio FANA, Walta Information, Barnaamujka afka Soomaaliga ee Reedyowga iyo Telefishinka Ethiopia, iyo qaybaha kala duwan ee aaladaha isgaadhsiinta casriga ee sida Web site, Facebook, Twiter iyo Paltalk, iwm, kuwaas oo lagu fuliyey hawlaha xidhiidhka dadweynaha oo aad u ballaadhan.

• Sidoo kale, kulamada iyo fagaarayaashii kala duwanaa ee xidhiidhka ahaa ee hoggaaminta sare ee xisbigu ka kala samaysay Yurub, Bariga Dhexe, Africa, iwm….

Hawlaha Xidhiidhka Dadweynaha ee laga fuliyay dhinaca shacabka gudaha deegaanka:

• Kedib geeridii lama filaanka ahayd ee Hoggaamiyeheenii Himilada lahaa R/Wasaare Malas Zenawi, ayaa kooxihii N/diidka ahaa ee deegaanka ka dhex dhaqdhaqaaqi jiray ayaa waxay qaybaha warbaahinta ee ay dhegeystaan shacabka deegaanka iyo qurba-joogta u dhalatay deegaanku ka sii daayeen warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ku sheegayeen inay kala tagayso Itoobiya.

o Hadaba, iyada oo la qorsheeyey in wararkoodaas la buriyo, ayaa la qabtay shirweyne shacab oo ay ka soo qayb galeen Odayaasha, Culumaa’udiinka, Dhalinyarada iyo Haweenka ka kala socday guud ahaan 864-ta qabalee ee ka jira Deegaanka Soomaalida iyo Qurbajoogta u dhalatay deegaanku. Guud ahaan, shirweynahaas oo socday 10-maalmood oo xidhiidh ah kana qayb galeen dad wadartiisu dhan tahay 8600 oo ka-qaybgale ayaa waxaa lagaga wada tashanayay nabadgelyada, Horumarka iyo Maamulka Suubban.

o Iyada oo taas laga duulayo, ayaa xubnaha sare ee hoggaaminta xisbigu ay u dhaadhaceen ilaa heer qabalee, halkaasna ka soo fuliyeen shirweynayaal shacab oo ay ka qayb qaateen ilaa 1.5 Million qof oo ka mid ah shacabka deegaanka.

• Waxa kaloo la sameeyey in iyada oo hoggaaminta ka jirta heer deegaan, gobnol, degmo, qabalee iyo qabalee-hoosaad oo loo kala dhisay qaab-dhismeedka loo yaqaan Midkii-iyo-shan, si buuxda loo hawlgeliyey. o Tusaale ahaan, Sannadkan 2005 guud ahaan 864 qabalee ka jira deegaanka ayaa 95% loo sameeyey qaab-dhismeedkooda.

Sannadkan oo keliya waxaa la suurto geliyey in 151 qabalee oo aan horay loo dhisin la dhisay; kuwaas oo 36 qabalee oo ka mid ahi ahaayeen kuwii hada kahor looga caagay Nabad-diidka, ayaa dhismahaasla dhisay waxa uu adhaxda ka jebiyey cadawga. • Sannadkan gudihiisa, iyada oo hoggaaminta sare ee xisbiga deegaanka loo diray 7-gobol ayay mudo 1 bil ah hawlo ballaadhan oo dhinaca abaabulka shacabka ah ka soo fuliyeen 183 qabaleeyada miyiga ee deegaanka ah.

• Dhinaca kalana iyada oo Wargeyska MIDNIMO ee afka Xisbiga oo bishiiba si caadi ah u soo baxa 2-jeer, sannadkan gudihiisa laga soo daabacay 96000 oo xabo iyo 3000 oo xabo oo isugu jira Xeer-hoosaadka iyo awaamiirta xisbiga ayaa loo qaybiyey ilaa heer qabalee; sidoo kalana, waxaa dhinaca Warbaahinta kala duwan laga sii daayay 1780 Barnaamujyada Radioga ah, 1680 Barnaamujyada TV-ga ah, 40 Documentary Films ah iyo 13 Riwaayado kala duwan ah oo intuba la xidhiidheen dhinacyada Nabadgelyada, Horumarka iyo Maamulka suubban.

Hawlaha Xidhiidhka Dadweynaha ee laga qabtay dhinaca Qurba-joogta u dhalatay deegaanka eek u sugan Daafaha dunida

 Guud ahaan, qurba-joogta u dhalatay deegaanka eek u kala nool America, England, Australia, Denmark, Sweden, Holland iyo guud ahaan Yurub, America, Bariga dhexe, Saudi Arabia, Emarates-ka (Dubai, Abu dabia) iyo sidoo kale, Africa (Kenya, S.Africa) ayaa la suurto geliyey inay Xafiiska Golaha Dhexe ee XDSHSI la sameeyeen qaab-dhismeed wadajir ah, kuwaas oo wakhtigan xaadirka ah dhamaantoodba goobaha ay joogaan dhinaca siyaasada iyo horumarkaba garab iyo gaashaan ugu noqday dalkooda Itoobiya iyo deegaankooda.

Marag-muujinteeduna waa:-

 Geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid Hoggaamiyeheenii Himilada lahaa R/Wasaare, Malas Zenawi meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiinba waxay murugadii geeridaas la wadaageen walaalahooda kale ee Itoobiyaanka ah;

 Waxay qaybaha hormoodka ah kaga jiraan dhinaca iibsiga Bonds-ka dhismaha Mashruuca Biyo-xidheenka Qarniga ee Abbay;

 Wadan kasta oo ay joogaanba waxay ku qabtaan xuska xafladaha qaranka iyo deegaankeenna sida, Xuska Maalinta Ginboot 20- ee sannad kassta, Xuska Maalinta aasaaska XDSHSI, iwm..

 Waxay kaalin weyn ka qaateen halganka gudaha iyo dibadaba lagula jiro sidii daba-dhilifka UBBO isku sheega ee deegaanka ka dhex dhaqdhaqaaqayay si buuxda loogaga sifayn lahaa deegaanka;

 Waxa intaas dheer, inay iyaga oo si qoto dheer u fahmay nabadgelyada buuxda iyo xasiloonida laga abuuray deegaanka, si buuxda uga qayb galay, inay guud ahaan deegaanka gudihiisa ka qaateen 95 shatiyada fasaxa maalgelineed ah oo ay ku fulinayaan mashaariic kala duwan, kana shaqaynayaan hawlahooda, tusaale ahaan:-

 Agagaarka magaalada Jigjiga oo in kabadan 5.4 oo Dollar ay kaga dhisayaan Wersheda Hilibka iyo Waxsoosaarka hilibka oo casri ah;

 Mashaariic kala duwan oo ku kacday Raasamaal gaadhaya ilaa 6-Billion oo Birr taas oo ay ka mid yihiin Dhinaca beeraha-13, Dhismayaasha guryaha kala duwan-14, Hawlaha ganacsiga-26, Agro-Indust-2, Wershedaha yaryar-5, Caafimaadka-4 iyo Huteelada-25, guud ahaan 95 Mashruuc, kuwaas oo fursado shaqo u abuuray 7,713 qof.

Dhinaca Ka qaybgalka dadweynaha:

• Iyada oo dhamaan hawlaha dhinaca horumarka ee laga wado gobolada iyo degmooyinka deegaanka ay shacabku kaga qayb qaateen xoog, aqoon iyo lacag ayuu shacabka deegaanku bilaabay muujinta dareenka lahaansho iyo ka faa’iideysiga horumarkiisa.

Tusaale ahaan, dhismaha 29 guryaha sarabka dhoobada ah ee hoyga macalimiinta, 89 dugsiyada daashashka ah, 5 musqulood, dayactirka iyo ballaadhan 97 dugsiyada ABE-ga iyo kuwa caadiga ahba isugu jira, waxaa kaloo intaas u dheer 75km oo jid ah, 6-xarumaha caafimaadka ah, 31 berkedaha biyaha ah, iyo sidoo kale, dayactirka iyo qalabaynta dugsiyo kala duwan, taas oo guud ahaan sannadkan hawlaha lagu fuliyey ka qaybgalka dadweynaha marka loo bedelo lacag ahaan ay noqonayso in ka badan 38 Million oo Birr.

• Kedib markii ay ka soo kabteen noloshii kala daadsanayd ee ay sannadaha badan ku soo noolaayeen, isla markaasna isugu soo urureen goobo habaysan, maadaama ay awoodeen inay helaan adeegyada bulsho ee waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegyada kale ee la midka ah, si buuxdana ay u fahmeen ka faa’iideysigooda, ayay bilaabeen inay si aan kala go’ lahayn rabitaankooda ugu soo dagaan goobaha dib u dejinta.

4. Cutubka Gabagabada:-

• Iyada oo habkii fulinta qorshaha sannadkan 2005 lagu qiimeeyey goob ay u dhan yihiin Hoggaaminta Gobolada, Degmooyinka iyo hoggaaminta sare ee deegaankuba, ayaa waxaa la suurto geliyey in dhibaatooyinka dhinaca aragtida, gashiga iyo waxqabadka ee sannadka lala kulmay gaar loo soocay isla markaasna lagu daray qorshaha SM2006 ee xiga.

• Marka la eego diyaarinta qorshaha SM2006-na iyada oo laga duulayo qorshaha tilmaamaha ah ee laga helay dhinaca Xafiiska EPRDF, isla markaasna dhibaatooyinka iyo caqabadihii lala kulmay sannadkii 2005 iyo xalkooda lagu daray qorshaha, ayaa lagu hawllan yahay in qaab u dheelitiran xaaladaha dhabta ah ee deegaanka loo diyaariyo qorshaha sannad-miisaaniyadeedka 2006.

• Dhinaca Jihooyinka ugu waaweyn ee mudnaanta qorshahana waxaa ka mid ah in la kobciyo heer-daboolka biyaha cabitaanka nadiifta ah iyo in la sii wado shaqada horumarinta dooxooyinka, fidinta jidadka miyiga, in la sii xoojiyo lana sii joogteeyo hawlaha shaqo ee waxbarashada, caafimaadka, beeraha, jihooyinkaasna la dhigtay, kedib marka uu dhamaado diyaarinta qorshuhuna iyada oo loo dirayo Xafiiska EPRDF ayaa la suuro gelinayaa sidii fikirka iyo qaabaynta ku haboonba loogu kobcin lahaa. 5. Dhibaatooyinkii lala kulmay iyo Jihooyinka Xalka

5.1. Dhibaatooyinkii lala kulmay.

• Marka la eego dhinaca shaqada goobaha la isugu soo ururinayo bulshada oo ay ahayd inay qaab-dhismeedyada heerarka kala duwani shaqadaas ku qabtaan dareen lahaansho inay ka jirto kala goo-goyn;

• Sannadkan 2005 11-kii bilood ee la soo dhaafay oo aan gashiyadii loo baahnaa dadka sannadkan dib u dejinta loo sameeyey iyo kuwii hore u sii deganaaba la siin lahaa ee sida Abuurka xulka ah, Matooradii biyaha, iwm… oo aan in ku filan la gaadhsiin goobahaas;

• Mashaariicdii ku jirtay qorshaha yoolka qarniga (MDG) oo aan lagu dhamaystirin xilligii loogu talagalay, ilaa iyo hadana aan bixinin adeegyadii looga baahnaa, tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa Cutubka 1aad ee mashruuca weyn ee Daadhi. Miisaaniyadii deegaanka looga qoondeeyey mashruuca MDG bulshada deegaanka loogagama faa’iideyn sidii uu qorshuhu ahaa. Tusaale ahaan, Sannadkii 2004 T.I. waxaa dib uga noqotay miisaaniyad ku dhaw 600 oo Million oo Birr.

Sannadkana waxaa dib u noqonaysa miisaaniyad gaadhaysa 700 oo Million, inkasta oo boordhiga taakulaynta ee federaalku uu dadaal ballaadhan u galay sidii taas loo xallin lahaa isla markaasna loogaga faa’iideyn lahaa deegaanka, dhibaato ka jirta dhinaca Wasaarada Maaliyada & Hor. Dhaqaalaha ee Federaalka awgeed, deegaanka uma aysan suurto gelin inuu ka faa’iideysto miisaaniyadaas loo qoondeeyey.

5.2. Jihooyinka Xalka ee la qaatay:-

• Waxa la suurto geliyey in hoggaaminta heerarka kala duwan ee gobol iyo degmo laga dhigo kuwo shaqada ku hoggaamiya dareen lahaansho, taasna lagu xaqiijiyey qiimayntii rubuc-sannadeedka, waxaana la suurto geliyey in hoggaaminta heer deegaan u dhaadhacdo degmooyinka una fidiyaan taakulaynta ku haboon.

• Su’aalihii la xidhiidhay moteerada biyaha ee wakhtigii la waday shaqada xidhiidhka dadweynaha ee sannadkan 2005 ay soo jeediyeen bulshada degen goobaha dib u dejinta, ayaa waxaa la go’aamiyey in iibkooda lagu fuliyo nidaamka iibka ee dawlada;

• Maadaama oo la hubo inaysan degmooyinku lahayn awood ay iyagu ku fuliyaan hawlaha iibka mishiinada, waxaa la go’aamiyey in heer deegaan ka gacansiiyo iibka, una soo iibiyo kedibna si toos ah loogu wareejiyo iyaga;

• Si loo fududeeyo dhibaatada dhinaca shidaalka ee ay soo jeediyaan bulshadu, ayaa waxaa amar lagu bixiyey in degmooyinka ay hoos tagaan goobaha dib u dejinta laga sameeyo kaalmo shidaal oo iyagu shidaalka ay bulshadu u baahan tahay ugu keena qiimaha caadiga ah ee shidaalka, taasna waxaa loo qoondeeyey miisaaniyad lagu fuliyo.