Shirkii Golaha Dhexe ee XDSHSI oo Ka Furmay Galabta Xarunta Xisbiga Magaalada Jigjiga.

 Jigjiga(CakaaraNews) Sabti August 03,2013.Waxaa Galabta Si rasmi ah uga furmay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya ee magaalada Jigjiga Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee XDSHSI. Shirkan ayaa uu Xisbigu kaga arinsan doonaa Jihooyinka Siyaasad-Dimoqraadiyad horumarineed ee lagu hagayo Dalka iyo Qiimayn lagu eegi doono waxqabadka iyo Arimo kale.

Ilaa iyo hada wax warar dheeri ah kama soo bixin laakiin wariyaha cakaaranews ayaa ku raad jooga sidii uu uga soo shalwin lahaa xogo dhamaystiran ee ha fogaanina.