CIID MUBAARAK



 

      

Shir Heer Qaran ah oo lagu Qiimaynayo Waxqabadka barnaamijka Ololaha Cudurka Dabaysha(Polio) ee Qaar ka Mida Deegaanada oo Lagu qabtay Maanta Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin August 05,2013.Shirkan Qiimaynta Waxaa kasoo Qaybgalay hay`adaha Aan Dowliga ahayn Sida WHO,UNICEF,iyo Deegaanada Dariska Sida Oromiya,Hererida,Shucuubta Koonfureed,Madaxweyne kuxigeenka Ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI,madax xafiiseedyada Xafiisyada Degmooyinka deegaanka Soomaalida itoobiya iyo masuuliyiinka Socotay Wasaarada Caafimaadka FMoH iyo Khabiiro kale. Shirkan Qiimaynta Waxqabadka cidhibtirka Cudurka Dabaysha(Polio) Ee Heer Qararn oo ah markii ugu horaysay Ee lagu qabtay Deegaanka Sooomlida itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa furay Madaxweyne kuxigeenka Ahna Wasiirka Caafimaadka Mudane C/fataax Maxamud Xassan. Mudane C/fataax ayaa wuxuu Sheegay in Shirkani faa`iido uyahay Dhamaan dawlad-Deegaanada DFI,islamarkaana iyagoo ku soo bandhigaya warbixinta waxqabadkooda si ay Deeq bixiyayaashu u ogaadaan Dadaalka ay deegaanadu ugu jiraan inay caruurtooda ka badbaadiyaan Cudurka Dabaysha Qiimaynta oo socon doonta mudo laba maalmood ah (2) ayaa waxaa uu kusoo beegmay Xili lasoo gabagabeeyay Bil gudaheed wajigii 1aad iyo wajigii 2aad ee ololaha talaalka Cudurka Dabaysha(Polio).tasoo lagu talaalay Caruurta ay da;doodu ka yartahay 5 sano tiradooduna dhanayd 8031540.

Dhanka kale Waxaa kaloo warbaahintu waraysi layeelatay Gadh-wadeenka geedi socodka Kahortaga Cudurada Faafa iyo Daryeelka Bulshada Mudane Mubaarak Yuusuf Waxuuna sheegay in Deegaanka soomalidu kusoo bandhigayo Shirkan warbixinta waxqabdkooda Dhanka Cudurka Dabaysha iyo sidii loga hortagi lahaa waxaa uuna intaa ku daray in dhawaan la bilaabi doono Wareegii Sadexaad ee Cudurka Dabaysha(Polio).

Isku Soo wada soohoo Coverageka Waxqabadka xafiiska caafimaadka DDSI ee Dhanka Talaalka ayaa la gaadhsiiyay 97.2%,halka talaalka Cudurka Dabaysha(Polio) la gaadhsiiyay 95.2%