Markii Deegaanka Soomaalida Itoobiya Helay Hogaamiye Aragti Dheer Waxaa Xawli Uga Hirgalay Horumar,Dhaqan-Dhaqaale oo Soo Jiitay Indhaha Caalamka.

Ra'iyiga Dadweynaha(CakaaraRai'yiga) isniin August 05,2013.Dawlada degaanka Soomaalida ee Dalka itobiya ayaa sanadkan waxaa uu noqdey meesha keliya ee sida weyn ay ugu socoto horumarka,Maamulka Suuban,Maalgashiga iyo nabada iyadoo dad badan oo indho, indheeya xaaladaha afrika ay sheegeen in DDSI sanadkan ay noqotay kii ugu horeeyey ee horumarkiisu uu gaadho boqlkiiba boqol marka loo eego sanadihii hore iyo Deeganada kale ee Gobolka.

Madaxweynayaal badan ayaa soo maray Kililka shanaad ee DDSI kuwaas oo badankoodu ka faaiidaysan waayey fursadaha badan oo soo maray ha ahaadeen dhanka nabada waxbarashada la dagaalanka jahliga gaajada iyo tayada waxbarashada DDSI balse mudo sanado ah oo uu xilka hayey Mudane Abdi maxamuud cumar ayuu ka midho dhaliyey dhamaan baahiyihii ka jirey DDSI.

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar waxaa uu sameeyey wax badan oo ay dadweynuhu ugu markhaati kacayaan sida soo celintii nabada,horumarka Baaxada wayn ee Dhinacyada waxbarashada,caafimaadka,la dagaalanka jahliga,gaajada,dabargoynta Qabiilka,musuqa iyo kooxaha nabadiidka ah oo uu si wanaagsan ugu fekeray isagoo kii uu soo qabtoba cafis u fidinaayey kana qayb gelinaayey horumarka DDSI.

Dad badan oo ka tirsanaa Kooxihii nabadiidka ee ka soo horjeedey horumarka DDSI isla markaana fahansanaa ama laga dhaadhiciyey in dalka xoog lagu haysto ayuu madaxweyenCabdi cumar tusay in aysan waxba sheekadaa riyada ah ka jirin dalkuna uu cid kasta oo Muwaadin ah u baahan yahay isagoo si weyn u soo dhaweeyey dhamaan cidkasta oo qaadata nabadgelyada.

Dhalinyaro kumaankun gaadhaya ayaa ku soo biiray xoogaga DDSIisla markaana iminka fahmey waxa ay nabadu tahay sheegayna inay ahayd khalad waxa ay duurka ugu jireen iyagoo sheegay in dalkoodii ay haatan si xor ah uga shaqysanayaan taasina ay ku timid cafiska madaxweynaha DDSI kaas oo ay si weyn u amaaneen madaxweynahooda cafiska uu u fidiyey.

Dhinaca kale waxaa uu madaxweynuhu ku guuleystey inay dhamaan qurbajoogtii u dhalatay DDSI ku soo qulqulaan degaankooda ka dib markii uu 5ta qaaradoodba kula yeeshay shirar wada-tashi,isla markaana ay haatan u tartaamaan dhamaan mashaariicyada ay ka hirgelinayaan gudaha Degaamadooda taas oo ku timid baaq dheer uu u jeediyey Madaxweynuhu dhamaan muwaadiniinta DDSI kaas uu ugu baaqay inay wadakooda diiwaan gashadaan iminkana ay kaga dhabeeyeen horumarka iyo mashaariicduna ay haatan si xawli ah uga socdaan dhamaan DDSI.

Hadaba waxaan hoos idiinku soo gudbinaynaa waxqabadaka iyo horumarka uu ka sameeyeyMadaxweynaha DDSI oo mudan in Boqolaal sanoo dambe hadii la noolaado uu xilka sii hayo isagoo wax badan u qaban doona bulshada DDSI taariikhduna ay xusi doonto sidoo kale waxaan aad ugu baaqayaa bulshada DDSI inay Magaalooyinka Ay ka kooban tahay DDSI mid kasta laga dhiso goobo waxbarasho oo loogu magac daray Cabdi Maxamuud insha alaah waxaad noqon doontaan dad taariikhdu ay tilmaami doonto. Abdisamad maxamuud siciid Sweden