CIID MUBAARAK



 

      

Waxaa Si Heer Sare ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga Hooyadii Fanka Khadra Daahir iyo Cabdi Qays Halkudhegna Looga Dhigay " Isma Huri Karnoo Hilbo Wada-Dhashiyo Hayb Qudhaynu Nahay".

Jigjiga(CakaaraNews) Axad August 11,2013.Waxaa Si Qiimo iyo Qadarin Mudan Shucuur Walaalnimo iyo isjacayl loogu soo wada dhaweeyay magaalada Jigjiga Wafti Hobolo ah oo ay Hogaaminaysay Hooyada Fanka Qarniga Marwo Khadra Daahir Cige oo ay galbinayeen Fanaaniin iyo abwaano caan ku ah taariikhda fanka ee Dalka Soomaaliya iyo deegaanka soomaalida itoobiyaba kana mid ahaayeen Abwaan Cabdi Qays,sahra Ilays oo ka soo jeeda DDSI,Canab Diiriye,Tiriig xaashi,Cabdi faacuul,Axmed Wacays,Abiib,faysal iyo Guray.

Hooyada Fanka Qarniga Khadra Daahir Cige ayaa asal ahaan ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya kuna dhalatay Kaam-iidle oo Hoostaga Maamulka Degmada Daroor iyagoona Shalay ay Si wayn masuuliyiin ka tirsan Xukuumada DDSI ay kaga hortageen Wajaale halkaas oo ay si wayn ugu soo Dhaweeyeen Hooyada Qarniga Fanka iyo fanaaniintii wehelinayayba islamarkaana loo soo galbiyay Magaalada Jigjiga halkaasoo maamuus-sharafeed ay xukuumadu ku dejiyay Hotel Nogob garden.

hadaba maanta ayaa Qado-sharafeed loogu sameeyay waftiga qaaliga ah ee ay Hogaaminayso fanaanada Qarniga Khadra Daahir Cige Summer-Restaurant,islamarkaana ay ka Qaybgaleen masuuliyiin sarsare oo ka mida Xukuumada DDSI kana mid ahaayeen Wasiirka Wasaarada Beeraha DDSI Mudane C/risaaq Cali Baashe,wasiirka Jidadka DDSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,Maareeyaha Xafiiska Ka Hortaga iyo Xakamaynta Hiv/Aids Mudane Cabdulaahi cabdi Adar(Hure),Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI Mudane Axmed Maxamed Shukri,Kuxigeenka Maareeyaha Qurbajoogta Mudane Cabdi Khaliif,Madaxa Websiteyada DDSI Mudane Baashe Cabdi,Lataliyaha madaxweynha Dhinaca ururka Horumarinta DDSI iyo Fanaaniinta Deegaanka oo ay ka dhex muuqdeen Boqorka Dhaantada iyo Curinta hal-abuurka Maansada Axmed Budul iyo Bashiir Carab(Toosane).

Munaasabadan qado-sharafta ah ayaa ay ku soo bandhigeen kooxda fanka DDSI dhaantooyin ruxay Qalbiga iyo Ruuxda Fanaaniinta iyadoona indhaha Hooyada Fanka Qarniga Khadra Daahir Cige aan ku hubo Ilmo mar ay isu jiibinayeen Luuqda Dhaanto loogu talogalay Soo dhawaynta Khadra Daahir Cige iyo C/qays kana mid ahaayeen Midhaheedii " Hobaladii qarniga Haybtii Soomaaliyeed" iyo " Isma Huri Karnoo Hilbo Wada Dhashiyo Hayb-Qudhaynu Wada Naha".

Khadra Daahir Cige iyo C/qays oo Casuumaad dawladeed ka helay Xukuumada DDSI ayaa maalmahan sii joogi doona Jigjiga iyadoona la filayo in ay bandhig-faneed,Waraysiyo iyo Booqashooyin Deegaanka iyo Horumarkaba.