Ramadan Kariim 



 

      

Madaxweynaha DDSI iyo wafti Balaadhan oo u Ambabaxay Magaalada Addis-ababa Kana qaybgali Doona Shirka Qiimaynta MDG.

Jigjiga(cakaaraNews) Isniin august 12,2013.waxaa Maanta ka ambaabaxay garoonka diyaaradaha ee garaad Wiilwaal airport Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayeen golaha wasiirada Deegaanka iyagoona magaalada Addis-ababa kaga qaybgali doono Shirka MDG ee DFI oo ka dhici doona magaalada Addis-ababa,islamarkaana ay deegaanada Federaalka iyo Golaha federationku ka qaybgali Doonaan.

Shirkan ayaa lagu eegi doonaa warbixinta waxqabadka Deegaanada ee Millenium Development (MDG) iyadoona Qiimaynihii Hore xukuumada DDSI lagu amaanay waxqabadka ay Hirgalinayeen.