Ramadan Kariim 



 

      

Maareeyaha wakaalada Qurba Joogta DDSI oo uu Wehelinayay Maareeye Ku-xigeenkiisa ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Dhalinyarada SEDYO ee dalka Sweden.

Jigjiga (cakaaraNews) talaado August 13,2013. maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane C/bari Macalin Maxamed oo uu wehelinayo ku xigeenka xafiiska qurba joogta mudane c/fataax siciid ayaa waxay saaka xafiis ku qaabileen gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada SEDYO ee dalka Sweden Mudane maxamed c/laahi adan (kablalax).

Hadaba Maareeyaha xafiiska qurba-joogta mudane C/bari macalin maxamed ayaa waxa uu ugu horayntii gudoomiye ku-xigeenka Sedyo-Sweden siwayn ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa kuna amaanay Dhalinyarada Sedyo-Sweden Dadaalkooda Wadaniyadeed,wuxuuna c/bari uga waramay ujeedooyinka ay xukuumadu u aas-aastay xafiiska qurba joogta,waxqabadka xafiiska iyo waliba qorshayaasha xafiiska eeku wajahan isku xidhka iyo xidhiidhka ka dhaxeeya qurba-joogta u dhalatay deegaanka ee ku baahsan daafaha dunida iyo xukuumada iyo shacabka DDSI.

Mudane C/fataax Siciid ayaa Carabaabay In ay Xukuumada maanta jirtaa tahay ta markii ugu horaysay ka jawaabtay baahidii shacabka Dal iyo dibadba,dhidibadana u taagtay Jawi haboon,Horumar,N/galyo,Maamul suuban iyo Xidhiidh Wada-tashi oo ay Qurbajoogtu ku soo hirato maantana Midhahoodii la wada dhadhansaday ayuu yidhi.

isaga oo maareeyuhu ka warbixin ka siiyay tan iyo intii la aas-aasay xafiiska waxqabadka balaadhan ee uu ka soo hooyay dhinaca qurbaha ayaa waxa uu u mahad celiyay dhamaanba qurba joogta u dhalatay degaanka oo tan iyo intii ay xukuumadu hirgaliysay siyaasada horumarineed ee ku aadan xidhiidhka qurba joogta,iyadoona kaalin mug leh ay qurbajoogtu ka qaateen horumarka n/galyada iyo maamulka suuban,gaar ahaan hadaan eegno ayuu yidhi C/bari dhinaca maalgashiga iyaga oo deegaanka ka hirgaliyay mashaariic waawayn kuwaas oo ka qayb ka ah horumarka iyo koboca dhaqaalaha ee ay xukuumadu ka hirgalisay guud ahaanba deegaanka islamarkaana u abuureen Fursado shaqo Kumanaan Shacabka Deegaanka ah.

C/bari isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu siwayn ugu amaanay waxqbadka ururka dhalinyarada ee SEDYO isaga oo sheegay in ay guulo waawayn oo lama ilaawaan ah ka soo hooyeen dhinaca qurbaha gaar ahaan halgankii dheeraa ee ay u soo galeen ku baraarujirnta qurba joogta u dhalatay deegaanka ka qaybqaadashada horumarka, n/galyada iyo maamulka suuban ee maanta ka taam yeelay guud ahaanba DDSI xukuumaduna siwayn ayay uga warhaysaa ayuu yidhi dadaaladaasi ay wadaan ururka dhalinyarada sedyo,wuxuuna wasiirku siwayn ugu booriyay gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada ee SEDYO iyo guud ahaanba ururka dhalinyarada sedyo in sii laban laabaan dadaalkooda.

Dhanka kale Maareeye Kuxigeenka XAfiiska Qurbajoogta Mudane Maxamed Siciid ayaa Si xeel-dheer uga munaaqishooday waxqabadka Xukuumada DDSI ee uu hogaanka u hayo madaxwayne cabdi maxamuud cum iyo Qorshayaasheeda Dhanka Horumarka,n/galyada,maamulka suuban iyo Xidhiidhka qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan dacalada 5ta qaaradood ee Dunida safaro dhaadheerna uu madaxweynaha iyo xukuumadisu ku tageen.

Gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada SEDYO ahna xubin xilbibaanka soo baxa magaalo ka mid ah wadanka Sweden mudane maxamed c/laahi Aadan (kablalax) oo isagu dhawaan soo gaadhay deegaanka isaga oo ka soo kicitimay wadanka sweedhan ayaa waxa uu ugu horayntii u mahad celiyay xukuumada deegaanka sida fiican ee loogu soo dhaweeyay dalkiisa hooyo, isaga oo si qoto-dheer uga warbixiyay waxqabadka balaadhan ee ay xukuumadu DDSI ku talaabsatay sanadihii ugu danbeeyay ayaa waxa uu sheegay in magaalada jigjiga oo wakhti hore ay ugu danbaysay markii uu soo gaadhay ay la noqoday magaalo kale waxaana siwayn ii ula dhacay ayuu yidhi quruxda iyo bilicda ka muuqda maanta magaalada jigjiga haddii ay tahay dhinaca wadooyinka waawayn ee laamayda ah,dhismayaasha dhaadhreer ee ka hirgalay magaalada Jigjiga iyo maamulada Magaalooyinka,waxaanan booqday ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenku inta aan joogay magaalada jigjiga jaamacada wayn ee magaalada jigjiga taasi oo aan siwayn ugu bogay ayuu yidhi bilicda ka muuqada jaamacada iyo culuumta kala duwan ee ay bixinayso iyo waliba tirada ardayda badan ee ku xaraysan jaamacada badankooduna ay yihiin ardayda u dhalatay deegaanka,waxaan leeyahay ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenku horumarkaa balaadhan ee dhinac kasta leh waa guul ay soo hoysay xukuumada maanta ka arimisa deegaanka ee uu hormuud ka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar.

Wuxuuna gudmoomiye ku-xigeenku tibaaxay dadadaalka dheer ee ay u soo mareen hirgalinta ururka dhalinyarada sedyo iyo waliba qorshayaasho horumarineed uu yaala ururka. Ugu danbaytii ayaa waxay isla qaadeen masuuliyiintaasi habka ugu sahlan ee lagu sii xoojin karo xidhiidhka ka dhexeeya ururka dhalinyarada SEDYO iyo dhamaanba qurba joogta u dhalatay deegaanka iyo waliba shacabka iyo xukuumada DDSI.

Isku soo wada soohoo dhalinyaradan Sedyo-Sweden oo ka soo farcantay Ururka Dhalinyarada Qadiimiga ah ee SEDYO-Minniapolise ayaa Durba Qayb wayn ka qaata horumarka,N/galyada,Maamulka suuban iyo wacyigalinta Sweden islamarkaana Si xeel-dheer Xididada ugaga Siibay UBBO Dalka Sweden