CIID MUBAARAK



 

      

Nidaamka Hogaamineed iyo Hirgalka Dimoqraadiyadeed ee Maamulka Xukuumada DDSI waxaa Daliil u Ah Hogaaminta Shirka Qiimaynta iyo isla Xisaabtanka Gobolada DDSI iyo Xafiisyada Horumarinta Heer Deegaan.

Jigjiga(cakaaraNews) Khamiis August 15,2013.Shaki Kuma jiro in xukuumada maanta hogaanka talada u haysa DDSI in ay ka dhaqangalisay Guud ahaan Deegaanka Horumar Tisqaaday oo baaxad wayn,N/galyo lagu Tanaaday,Maamul Suuban oo Tubtii Hogaamineed qabsaday iyo Kobac Dahqan-dhaqaale la taaban karo,islamarkaana ay ka marag kaceen DFI iyo Dhamaanba Deegaanada dalka,iska daa in DDSI dib loogu yeedho Heeryadii Deegaanada Dib u dhacaye ayba wakhti xaadirkan haabanayso ka mid noqoshada Deegaanada Safka hore kaga jira Dhanka Horumarka islamarkaana Muunad u Noqoto DFI.

Xukuumada DDSI ee maanta talada Hogaaminta Deegaanka haysa ayaa ka sakow Isbedelada Xawliga ah ee Dhanka Horumarka iyo N/galyada Guulo wax ku oola oo Natiijo waxqabad Horumar keenay ka gaadhay Hirgalinta Nidaam iyo Shaqo-wadaag ku salaysan Tayaynta Waxqabadka Hogaaminta iyo Qaab-dhismeedyada Dawlada ee loo idmay Adeega Shacabka. Waxaa Daliil u ah in Xukuumada Maanta Jirta oo Dhinacyo badan Tusaale ku dayasho mudan u noqotay Deegaanada DFI in ay Deegaanka ka dhaqan galisay Nidaam Maamul Hogaamineed oo ku salaysan Dimoqraadiyad,Awood Qaybsi iyo islaxisaabtan ku salaysan Audio-Visual-tangible(I Tus oo I Taabsii).

Dhanka kale Dimoqraadiyada ka taabo-gashay Maamulka Xukuumada DDSI ayaa ay Udub dhexaad u tahay Doorka hogaamineed ee ay Dumarka Aqoonyahanka DDSI ay kaga jiraan Hogaaminta dalka iyadoo Ay hogaaminayeen Shir ka dhacay Maanta Hoolka Shirarka SMCX oo lagu Qiimaynayay waxqabadka Dhinacyada Horumarka Degmooyinka iyo Gobolada lagulana xisaabtamayay Xidhiidhka Shaqo iyo Heerka Waxqabadka Horumarineed ay Xafiisyada waawayn ee Heer Deegaan ka qaataan Degmooyinka iyo Gobolada DDSI.

Hadaba Waxaa Shirkan oo ay u Dhamaayeen Dhamaanba GudoomiyayaasHa 9ka Gobol,68da Degmo,madaxda Maaliyada Degmooyinka,madaxda Xafiisyada Horumarinta Degmooyinka iyo madaxda wasaaradaha horumarinta heer deegaan Hogaaminayay wasiirada Xafiiska Khayraadka Biyaha DDSI Marwo Fartuun Cabdi Mahdi iyo Wasiirad kuxigeenka madaxtooyada marwo fardowsa,iyadoona ay Degmooyinku kula xisaabtmayeen xafiisyada Horumarinta Heer deegaan Waxa ay u qabteen Sida xafiiska Biyaha,waxbarashada,caafimaadka,Beeraha,Maaliyada iyo Dakhliga.