CIID MUBAARAK



 

      

Inaa-lilaahi Wa Inaa ilayhi Raajicuun Geeri Naxdin Leh Garaadka Beesha Absame iyo Adeerkood iyo Guurtidiisa Oo Tacsi u Diraya Qoyskii iyo Ehelkii uu Ka Geeriyooday Ugaaska Beesha Galimays.

Sida uu noo soo sheegay Wariyahayaga Geeska Afrika Waxaa ku Geeriyooday Miino Nooca Wadooyinka Lagu aaso ah Ugaaskii Absame Adeerkood ee Gobolada Jubooyinka Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed iyo askari la socday kadib markii ay gaadhigii ay wateen Miino kula qaraxday Wadada Xaafada Farjano oo ka mida xaafadaha magaalada Kismaayo.

Qaraxan ayaa ka dhacay Xaafadda Farjano,waxaana uu qaraxan noqonayaa qaraxii ugu weynaa ee Magaaladda Kismaayo ka dhacay ee bartilmaameed Alshabaab ka dhigtaan Mid ka mida Hogaaminta Dhaqanka ee Ugaasyada maamulka Jubaland.

Dadweynihii ka ag-dhawaa goobtan qaraxa ka dhacay iyo Ciidamo maamulka ka tirsan ayaa soo gaaray goobtii qaraxan ka dhacay,iyagoo bilaabay inay meydadka gaadhiga ka soo saaran,nooca gaadhigan ayaa ahaa Nooca Raaxada loogu talogalay islamarkaana Amsaxa Noqday(Cad Cad u Burburay).

Hadaba Garadka Beesha Absame iyo Adeerkood Garaad maxamuud Garaad Dool Xirsi iyo Guurtidiisa ayaa Tacsi u Diraya Qoyskii,ehelkii,Caruurtii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Ugaas C/qaadir Sheekh Axmed In uu samir iyo Iimaan ka siiyo,marxuumkana Naxariistii Jano ilaahay ka Waraabiyo Kuwii gacantagaystayna naarta Ilaaahay Ku Fogeeyo Aduunkana ku ciqaabo Aamiin Aamiin Aamiin.