Ramadan Kariim 



 

      

Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI oo Tababar La Xidhiidha dayactirka iyo Ciladaha Ceelasha(ELECTRO MECHANICAL) u Qabtay Xirfadlayaasha xafiisyada Biyaha 10 Degmo.

Jigjiga(cakaaraNews) sabti August 17,2013.Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha DDSI ayaa Dadaalo Balaadhan Ugu Jira Sidii Kor Loogu soo Qaadi Lahaa helida Adeega Dhinaca Biyaha si bulshadu looga haqabtiro helida biyo naiif ah taasoo ay xukuumadu Horgalka Qorshayaasha waxqabadkeeda lagu suntay ahmiyada 1aad,2aad iyo 3aad dhinaca biyahaya,islamarkaana Riigag casri ah nooca Qoda ceelasha gunta-dheer laga soo iibiyay Talyaaniga kuwaasoo markii ugu horaysay ka gungaadhay soo shalwinta biyaha Dhulka Hoostiisa ku jira Deegaano hore looga Quustay in biyo laga helo.

Dhanka kale Xafiisk Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI ayaa ka sakow Hirgalinta Qoshayaasha helida Biyo nadiif ah garab wada in ay Shaqaalaha iyo hawlwadeena ka hawlgala Xafiisyada Biyaha ee Degmooyinka sidii kor loogu soo qaadi lahaa Aqoonta iyo Xirfadooda si la isu waafajiyo Aqoonta Cududa Shaqaale iyo Hirgalinta Fulinta Qorshaha Helid Biyo nadiif ah oo ay Shacabku ka haqab-beelaan..

Hadaba xafiiska Biyaha DDSI Ayaa Waxa uuTababar ay Ujedadiisu Ahayd Habka Loo Yaqaano “Electro Mechanical” Ka U Qabtay Xirfadlayaal Dhinaca Ceelasha Biyaha Oo Ka Kala Socday 10 Degmo Oo Ka Tirsan Gobalada Faafan,Jarar,Siti Iyo Shabeele,Tababarkan Oo Socday Mudo 10 Cisho Ah Ayaa Xirfadlayaashu Waxa Ay Ku Qaadanayeen Casharo Ku Saabsan Sidii Ay U fahan buuxa uga qaadan lahaayeen habka dayactirka iyo daryeelka Ceelasha Biyaha,dayactirka Tuubooyinka Biyaha,Matoorada iyo Diinibada Biyaha soo tuurta.

Xidhitankii Tababarkani Socday Mudada 10ka Cisho Ah Ayaa Waxaa Soo Gabagabeeyey Wasiirku Xigeenka Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha DDSI Mudane: Fuad Bashiir Xasan Oo Kula Dardaarmay Tobabar Qaatayaasha In Ay Ka Midho Dhaliyaan Casharadii Ay Halkaasi Ka Qateen Islamarkaasina Ay Xalindonaan Ciladaha Lasoo Darsi Kara Ceelasha Biyaha Ee Ka Jira Degmooyinka Iyo Tuuloyinka Degaanka Somalida .

Wasiirkuxigenka oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay In Hada Ka Hor Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha Ay Lacago Badani Uga Bixi Jireen in Xirfadlayaal loo keeno balse ay wakhtigan jiran Xirfadlayaal badan oo u dhashay Deegaanka.

Ugu Dambeynrii Tobabarkani ayaa Intuu Socday Isugu Jirey Theory Iyo Practical,iyadoona Xubnihii Tobabarkan Qaadanayey Ay saxaafada u Shegeen In Ay Fahan Buuxa U Yesheen Casharadii Ay Halkaasi Ku Qateen Islamarkaana Markay Goobahooda Ku Labtaan Ay U Hirgelindonaan Sidii Loogu Talagalay. Qore: ciise cali