Ramadan Kariim 



 

      

Fanaankii Reer Jigjiga ee Caanka Ahaa Eyob-Mokonen oo 37jir ahaa Kuna Geeriyooday Nairobi.

Waxaa Xanuun soo jiitamay ka dib ku Geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee Dalka Kenya fanaankii Caanka ka ahaa Dalka Itoobiya Eyob Mokonen oo ku Dhashay sanadkii 1975 Magaalada Jigjiga ee xarunta u ah DDSI islamarkaana uu yaraantiisii ku soo barbaaray ka dibna ku biiray Fanka DFI Magalada Addis-ababa kooxda Zion Band.

Eyob Mokonen oo ahaa Nin aad looga yaqaan Magaalada Jigjiga kuna hadli jiray si fiican luqada Afka Soomaaliga ah caana ku ahaa Heesaha loo yaqaan Rabka ama reege ayaa Xanuun Sababay Dhimashadiisa loo Geeyay Nairobi 2maalmood ka horena ku Geeriyooday Magaalada Nairobi.Fanaanka ayaa da'diisa lagu qiyaasay 37 Jir