CIID MUBAARAK



 

      

Dukaanka Dharka iyo Uduga London(Haradigeed Fashion Store) oo Sponsor-Gareeyay”Soo Abaabulay” Barnaamij Loogu Yaboohayay tabarucaad Caruurta Agoonta ah ee Magaalada Jigjiga.

London(CakaaraNews) Khamiis August 22,2013.Waxaa uu Dukaanka Haro-digeed Fashion Store ee Ku yaala London Uk uu soo abaabulay(Sponsored) Barnaamij loogu yaboohayay Tabarucaad Caruurta ay waalidtireen Nabad-didka eek u Xaraysan Dugsiga Hoyga iyo Waxbarashada ee Jigjiga. Barnaamijkan Tabarucaadka loogu aruuriyay Caruurta Agoonta ah ayaa ay ka Qaybqaadanayeen soona agaasimeen Mulkiilaha Dukaanka Dharka iyo Uduga eek u yaal London(UK) Haro-digeed fashion  sacdiya Raabi,Fardowsa Maxamuud haybe,Baarliin M,Nuur,Kowsar Dakar,Filsan Maxamed Cali iyo dumar kale.

Barnaamijkan Yabooha Agoonrta Dugsiga caruurta ay Waalidtireen Nabad-diidka eek u yaala Jigjiga ee ka dhacay London ayaa ay Dumarka qurbajoogta DDSI ee ku dhaqan London ay iskaga soo aruuriyeen sida naloo sheegay lacag Cadaan ah oo ay Duuduub ahaan Lacgtii oo Kaash ah ugu soo dhiibeen fardawsa Suldaan Maxamuud haybe oo ku soo fool leh Jigjiga maalmahan si ay halkan wax ugaga iibiso ardayda.

Mulkiilaha Haradigeed Fashion Store Sacdiya Raabi oo ka mid ahayd Qurbajoogtii sanadkii tegay Booqatay Gobolka Jarar ayaa noo sheegtay in ay Dumarka Qurbajoogta DDSI eek u Dhaqan Cariga Ingiriisku ay u Guntadeen sidii ay Doorkooda uga qaadan lahaayeen Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo ladagaalanka Saboolnimada.

Dumarkan Deeqda u soo aruuriyay Agoonta Jigjiga Boarding School ayaa noo sheegay in aynan talaabadani noqonayn tii ugu danbaysay ee ay caruurta agoonta ah ee nabaddiidku waalidtireen ee k u dhaqan DDSI u soo diraan,balse ay jiri doonaan Deeqo iyo tabarucaad ay Caruurta agoonta Deegaanka ku soo caawin doonaan.