CIID MUBAARAK



 

      

Qiimaynta Heerka Diyaargarawga Qabanqaabada Xuska 8aad ee Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo Walaalnimada Shucuubta Bisha Hidar 29 2006.T.I Ka Dhici Doona Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(cakaaraNews) Sabti August 24,2013.Sidaynu hore ula soconayba Waxaa xarunta Dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ee Magaalada jigjiga ka socda Diyaargaraw balaadhan oo loogu jiro Xuska 8aad ee Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo walaalnimada Shucuubta itoobiya oo sanadkan ka dhici doona magaalada jigjiga islamarkaana martigalin doonaan dhamaanba ergooyinka kala duduwan ee ka kala iman doona 9ka deegaan ee DFI,madaxda DFI,Safaaradaha,iyo martisharafyada ka imaan doona dalalka deriska ah iyo Caalamkaba.

Qabanqaabada iyo Diyaargarawga balaadhan ee loogu jiro Xuska maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo Walaalnimada Shucuubta oo sanadkiiba lagu qabto mid ka mida 9ka deegaan ee DFI ayaa iskudubaridka iyo qiimaynta la socodka heerka ay marayaan Qorshayaasha Diyaargarawga sanadkan loo xilsaaray 2bo gudi oo kala ah Gudiga qabanqaabada iyo Diyaargarawga Heer-Deegaan iyo Gudiga qabanqaabada iyo Qiimaynta Heer-Federal Maadaama ay jiraan Saamiyo ay ku leeyihiin Federalku diyaargarawga xuska.

Hadaba waxaa maalmahan ku sugnaa magaalada jigjiga Gudiqa Qiimaynta Heer Qaran oo ka dab qaadanaya gudiga Heer-deegaan ee ka jira DDSI,islamarkaana lagu gorfaynayo Heerka ay marayaan Diyaargarawga,Caqabadaha,xalka iyo kaalinta Heer Federal ay ka qaadanayaan qabanqaabda iyo diyaargarawga sida xawliga ah uga socda Caasimada Dawlada Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga. Waxyaabaha ugu waawayn ee Diirada lagu saarayo qiimayntan ayaa ay Xudun u yihiin

A-Qiimaynta iyo u Kuurgalida Heerka ay Marayaan Goobaha loo cayimay Dejinta Martida iyo Ergooyinka

B-Qiimaynta Goobta Loogu talo galay Carwada Lagu soo bandhigi doono Agabka Dhaqamada 9ka Deegaan

C-Qiimaynta Heerka uu marayo Garoonka loogu talogalay in uu ka dhaco Xusku

D-Qiimaynta maxsuulka Qorshayaasha Heer-Deegaan iyo Heer Federal halkay marayaan iyo

E-Guud ahaan in jawiga Diyaargarawgu yahay mid ku haboon qabsoomida xuska iyo inkale.

Waftigan heer federal oo ay wehelinayeen gudiga heer deegaan ayaa booqday dhamaanba goobaha mdhismayaasha mashaariicuhu ka socdaan sida dhismayaasha ka socda machadka maaraynta,Guriga martida,Dugsiga hoyga iyo waxbarashada Agoonta,Garoonka Kubada,Goobta carwada iyo Hoolasha shirarka lagu qaban doono. Sidoo kale waftiga ayaa indhadhayn la dhex qaaday mashaariicaha laga hirgaliyay Bilicda iyo nadaafada magaalada jigjiga kuwaasoo ay ka mid ahaayeen wadooyinka Laamiyada iyo Dhagaxa Qoran(Cobble Stone) ee la hirgaliyay,Heeraka uu marayo mashruuca biyogalinta Magaalda Jigjiga iyo Goobaha Wadooyinka ee laga sameeyay Round-boatka leh fountain.

Booqashooyinkan ka dib ayaa waftiga heer federal ay amakaag ku noqotay heerka gebagebada ah ee ay mashaariicihii la bilaabay 4 bilood oo ka soo wareegtay booqashadoodii hore kuna tilmaamay Xawliga ay Xukuumada DDSI ku hirgalisay Degdegsiimaha Shiinaha oo kale,islamarkaana u riyaaqay heerka waxqabadka Diyaargarawga Xusku marayo kalsooni buuxdana ku siiyay Xukuumada DDSI iyo Gudiga Heer Deegaan Sida qiimaha qarameed ee ay uga soo dhalaaleen qabsoomida Xuska 8aad ee Midnimada iyo Walaalnimada shucuubta iyo qowmiyadaha DFI iyo martigalinta Dhamaanba qaybaha kala duduwan ee ergooyinka ka Qaybgali doona.

Dhanka kale maalintii 2aad ayaa sal mugii loogu wada fadhiistay Qiimaynta Heerka ay marayaan Gabi ahaanba Qorshayaashii Heer Deegaan iyo Heer Federal la iskuna waafaqay Midho-dhalka Hirgalinta dhamaanba qorshayaashii lagu suntay jaantusyada waxqabadka qabanqaabada iyo diyaargarawga Xuska Hidar 29 oo sanadkan 2006.T.I ka dhici doona caasimada Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Isku soo wada soohoo Waxaa Guud ahaanba la yaab ku noqday madaxda Deegaanada,Golaha Federalka,Qaybaha Bulshada DFI iyo Madaxda DFI isbedelada horumarineed ee Xawliga ah ee Mudo yar gudahood laga hirgaliyay Deegaanka Soomaalida Itoobiya,Xukuumada Talada deegaanka haysana loo aqoondsaday Xukuumadii si xawli ah Abid uga jawaabtay baahiyihii Bulshada uguna wanaagsanayd ee soo marta DDSI.