Khadar Aadan Cismaan oo Ahaa Qab-qablayaasha UBBO ee Ugu Tunka Waynaa Australia oo Gacmaha Ka Dhabaan-dhabtay Beentii iyo Mala-awaalkii Gabaabsaday ee UBBO oo Noqday Hal Galoof ah.

Australia(CakaaraNews) Sida lagu shaaciyay Telefishinada iyo websiteyada Khadar Aadan0yare oo ka mid ahaa Hawl-wadeenadii Mala-awaalka iyo Beenta UBBO oo ku nool Dalka Australia ayaa shaaciyay in uu Galoof noqday Riyadii Soojeedka ee UBBO ee ay ku beerlaxawsan jirtay Maatida Qurbajoogta ah yidhina waa baryay sacabo laguma qarin karo kaasoo xididada u siibay Mala-awaalkii iyo Beentii lagu indha sarcaadin jiray Qurbajoogta Sunuudana lagaga aruursan jiray,islamarkaana aan shugux beenaad Gabaabsatay dhawr qof aynan sii ruxi karin waana ta anigoo cidina aynan igu qasbin igu dhiirigalisay in aan ku biiro hanaanka iyo Hogaanka Midho-dhalka ah ee ay Xukuumada DDSI ka taabogalisay Deegaanka Soomaalida Itoobiya Noqonina Mid sii dhextaagnaada sidii Noobiyadii berbera 3da Raabiyada Qaba ee laga kala huleelay oo gaawe madhan oo midabkiisu yahay Dhiiga shacabka la meehanaabaya Dibadaha.

Khadar aadan:- waxaan cidna caad ka saarnayn Isbedelada Horumar-n/galyo maamul suuban ee ka hanoqaadaay DDSI iyo Xukuumada DDSI ee dhamaanba leh hanaankii Dawladeed iyo 3deedii laamood ee Bud-dhigaha u ahaa Nidaamka Dawladeed ee wadan leeyahay,taasoo ay qayb wayn ka qaateen soo bandhiga xaqiiqda iyo Kobaca horumar dhaqaale ee ka jira deegaanka Cakaaranews iyo ESTV ayuu yidhi.

Khadar waxaa wax lala yaabo ah in qofka Baadida doonayaa uusan garanaynba Baadida ka maqan Deegaanka soomaalida Itoobiya waxay haystaan Xornimo taama oo suurtogalisay Horumar balaadhan,mashaariico xawli ah,nabadgelyo buuxda,kobac dhaqaale iyo maamul suuban oo uu Hogaanka u hayo Madaxweyne mideeyay dhamaanba Aragtidii,Xoogii iyo Midnimadii shacabweynaha DDSI oo Cadaali ah,qof kastoo caqli saliim ahna ku riixaysaysa in uu ku taageero Waxqabadkiisa wadaniyadeed ee soo celiyay Sharaftii iyo Karaamadii Shacbiga indhaha caalamkana ku kasbaday isbedelada Horumar,Xidhiidh,iskaashi,Dimoqraadiyadeed,maskax-sifayn,kobac dhaqaale iyo siyaasada furfuran ee uu kula macaamiloonayo waana mida DDSI maanta ay dhamaanba wadamada Gobolka iyo caalamkuba ku taamayaan xidhiidh wanaagsan oo ay la yeeshaan.

Khadar Aadan-yare oo Ka mid ahaa Qamaamuurta waawayn ee UBBO Kuna Milmay Australia isagoona ahaa Ninka u Qaabilsanaa arimaha Ujeedo Badan ee Australia(Faafinta Dhaan dabangaale iyo Qaadhaanka) ayaa Gacmaha Ka Dhabaandhabtay Mala-awaalkii iyo Beentii Xili ay UBBO sii Dabar Go'ayso Cuskadayna Udub-dhexaadka Tubta Nabada,Horumarka iyo Maamulka Suuban Kobtan Hoose Ka Daalaco Muuqaalka.

KA DAALACO MUUQAALKA HALKAN GUJI(RIIX)