CIID MUBAARAK



 

      

Maareeyaha wakaalada qurba joogata DDSI oo saaka xafiiskiiskiisa ku qaabilay faaduma-kiin aaden xuseen oo Beryo Mukhuursanaan Jirtay Mawjadaha Beenta UBBO.

Maayeerahay wakaalada qurba-joogta DDSI mudane c/bari macalin maxamed ayaa waxa uu saaka xafiiskiisa ku qaabilay faadumo-kiin aadan xuseen oo ka mid ah qurba-joogta u dhatalay DDSI ee Huwanayd Mala-awaalka UBBO kuna noolayd Dalka Denmarka,islamarkaana ka tanaasushay Riyadii iyo xuub-beenaadkii kuna soo biirtay iftiinka Tubta Horumarka,nabadgalyada iyo maamulka suuban.

faadumo-kiin ayaa Dhawaan soo gaadhay Caasimada DDSI ee Jigjiga islamarkaana u qushuucday isbedelada Horumar-na/galyo iyo dawladnimada dhamaystiran ee ay ku daansha-daanshoonayan Shacabka soomaalida itoobiya ee ay xaqireen talisyadii faashiistiga ahaa ee ay ururka EPRDF xukunka ka tuureen taasooy kaaf iyo kala dheeri ay ku noqotay heerka uu marayo Deegaanku iyo fadhiidnimadii Dhaan-dabangaale ee ay UBBO taagnida ku khuurinayeen mar ay Saaka saxaafada u warantay Faadumo-kiin ayaa ay sheegtay in ay qoomamaynayso falalkii ay u qabatay UBBO xiliyadii ay mukhuursanayd Mawjadaha Beenta iyo Dhalaan-habaabiska .kana qaybqaadan jirtay samaynta gabayo-galoofeedka aan waxba dhiiqin,qaadhaanka iyo arimo kale tidhina "maadaama aan deegaanka anoo yar ka tagay aqoona xiligaa aanan u lahayn waxay igu tahay Qoomamo anigoona ilaahay ugu xamdinaqaya inuu xaqa i waafajiyay".

waxaan kaloon u mahadnaqayaa waxqabadka cadaaladeed ee Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo isbedelada horumarineed,saxaafadeed,wada-tashi iyo dhaqaale ee uu ka hirgaliyay Deegaanka mudada yar ee uu xilka umada hayay.

faadumo-kiin aniga iyo qaar kalaba oo ka mid ahaa Qurbajoogta aaminsanayd Riyo-beenaadka madhalayska ah ee UBBO ayaa markaanu indhahayaga ku dhawrnay ESTV,CakaaraNews iyo Telefishinada caalamka heerka uu Deegaanku marayo,Horumarka xawliga,Maamulka suuban,laamaha sharciga,wadatashiga,baaqyada iyo n/galyada taasoo ay kaaf iyo kala dheeri nagu noqotay Heerka waxqabadka Xukuumada DDSI iyo lafta madhan ee ay UBBO nagu hoosaasisay balse ka dib xaqiiqda markaan ogaanay laftii madhnayd ee ay UBBO noo dhiibtay bartii loogu talogalay oo ahayd Qashin-Qubka ayaanu ku Tuurnay una soo noqonay si Dareen farxadeed huwan Xaqiiqda iyo ka qaybqaadashada doorka nagaga aadan Horumarka,n/galyada iyo maamulka suuban.

sidoo kale waxaanu garwaaqsanay isbedelada iyo xoriyada ka jirta DDSI ka dib markii uu madaxweynaha iyo xukuumadiisu tageen dhamaanba 5ta qaaradood fagaarayaal-wadatashi ka fureen dalalka dibada sharax dheer oo muujinaya sooyaalka taariikheed iyo xaqiiqda waxqabadka dhabta ee deegaanka ka jira iyo xidhiidhka doorka qurbajoogta kaga aadan horumarka ee ay xukuumadu u soo bandhigtauy. eegaanka ugu socoday dhinaca saxaafada deegaanka iyo midka caalamkaba.

Sidoo kale waxay sheegtay faadumo in ayna marnaba ahayn wax lays bar bardhigi karo wixii aan ka aamin sanaa guud ahaanba dalka itoobiya iyo waxa aan la kulmay markii aan wadanka soo gaadhay iyado oo shegtay in ay dalka ka aaminsanayd wixii ka jiray dalka wakhtigii uu ka talinjiray kalidii taliyihii dhargigu, sidoo kalena waxay sheegtay in xukumadihii ka soo talin jiray deegaanka ay dhankooda ka gaabiyeen in ay qurba joogta la sameeyaan xidhiidh iyo wacyigalin lagu tusayo in uu wadankii isbadal ka dhacay taasi oo ay qurba joog badan aaminsanaayeen in 20 sano ka hor wixii ka jiray uu illaa hada ka jiro dalka iyo deegaankaba.

waxaase qurba joogta deegaanka u dhalatay tusay xaqiiqda horumarineed nabadgalyo ee ka jirta deegaanka, xukuumada imika ka talisa deegaanka. Kiin:-waxay xukuumadini meesha ka saartay ayay tidhi guud ahaanba aragtiyihii xumaa ee ay qabeen qurba joogta u dhalatay deegaanka iyada oo faadumo’kiin hadalkeeda sii wadatana sheegtay in xaqiiqda hada ka jirta degaanka ay tahay mid aan cidna iska indho tiri karin haddii ay tahay dhinaca horumarka kor u qaadida koboca dhaqaalaha iyo xasiloonida tidhina "Waa baryay Sacabo laguma Qarin karo"faadumo ayaa waxay sheegay in xirfada aqooneed ee aybaratay oo ah dhinaca caafimaadka ay hada wixii ka denbeeya ugu shaqayndoona dalkeeda hooyo .ugu danbayntii ayaa waxay ku boorisay hadhaaga tirada yare ee sii wareegaysanaya Qurbaha in ay sida ugu dhaqsaha badan uga waantoobaan aragtida gaaban ee cidhiidhiga ah.

Maareeyaha wakaalada qurba joogta mudane c/bari macalin maxamed ayaa sheegay in xukuumadu markasta dadaal dheer ugu jirta in ay tusaan qurba joogta u dhalatay deegaanka meel kasta oo ay joogaanba in loo furo fagaareyaal wadatshi, loona bandhigo xaqiiqda waxqabadka dhabta ah ee Deegaaanka ka jira Dhanka Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban,kaabayaasha dhaqaale iyo Adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada,caafimaadka,biyaha,beeraha,barnaamijka damaanada cuntada iyo fursadaha Shaqo-abuurka iyo maalgashiga.

C/bari sidoo kale Xukuumada ayaa si Qotodheer draasaad ugu samaysay sooyaalkii taariikheed ee uu deegaanku soo maray iyo hagardaamooyinkii iyo turunturooyinkii ay UBBO dhaxalsiisay Shacabka sida,xasuuqii,kufsigii,dhacii iyo boobkii,islamarkaana ay xukuumadu culayska saartay wada-tashiga shacabka,ugacan haadinta iyo cafiska dhalinyarada maskaxda laga xaday iyo midaynta iyo iskuduubnida aragtida iyo xooga Shacabweynaha si loo hiigsado horumar baaxad wayn iyo ku biirida dalalka dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay ayuu yidhi.