CIID MUBAARAK



 

      

Bogeena Burcad Ilaahay Ha Inoo Mariyo(Tufa Xumaantii) Munaasabad Qurux Badan oo Lagu Soo Gunaaday Khilaafaadkii soo Kala Dhexmaray DFS iyo JLS oo Ka Dhacday Hotel-Sheraton iyo Beesha Calamka,Igad oo Ka Qaybgalay+(SAWIRO)

Addis-Ababa(CakaaraNews)Sidaanu Hore idiinku soo tebinayba waxaa galinkii danbe ee shalay hoosta laga xariiqay heshiis sal balaadhan oo dhexmaray DFS iyo Jubaland State taasoo ay Wadamada ku bahoobay Urur-goboleedka IGAD Wadamada Itoobiya iyo Kenya ay Geed Dheer iyo Geed gaabanba u fuuleen sidii looga midho-dhalin lahaa wadahadaladii 2bo geesoodka ahaa ee todobaadka la isku horfadhiyay,islamarkaana uu dadaal iyo isu soo dhawayn Wasiirka Arimaha Dibada DFI Mudane Tedros Adane iyo Ergayga Qaramida Midoobay u Qaabilsan Arimaha Soomaalia Nick Kay taasoo Guushii Midhodhalkeedii Caawa Qalinka ay Ku Duugeen DFS iyo Maamulka Jubaland State Heshiis labada Dhanba ka saaray Tabashooyinkii iyo Khilaafkii soo jiitamay,iyadoona Dhanka DFS uu u Saxiixay Wasiirka Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyadoona Maamulka Kumeelgaadhka ah ee Jubaland uu u Saxiixay Madaxweynaha Maamulka JL Sheekh Axmed Maxamed islaan(Axmed Madoobe).

Sida la isku waafaqay Maamulka labada Juba iyo Gedo ayaa 6bilood maamuli doona Dekada iyo gagida diyaaradaha iyadoona Ergeyga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nick Kays ayaa soo dhaweeyey heshiiska, kuna tilmaamay guul weyn oo soo hoyatay.

Guud ahaan Beesha caalamka ayaa bogaadisay Heshiiskan Bogeena ilaahay Burcad ha isu mariyo wadajirna loogu dhawaaqay Tufa Xumaanta Tiigsada Samaanta uyo Walaalnimada. Sheekh axmed ayaa Soo dhaweeyay Heshiiska Yidhina waxaan rajaynayaa in uu Soomaaliya ku ridi doono Dhabaha Nidaamka Federalka Soomaaliya.