CIID MUBAARAK



 

      

Munaasabada Heer-Qaran ee Loogu Gogol-xaadhayo Hidar 29 oo Ay Ka Qaybgali Doonaan Masuuliyiinta ugu Saraysa DDSI,Qaybaha Bulshada iyo Madaxwaynaha DDSI oo Warbixin Taariikhi Ah Ka Soo Jeedin Doona.

Addis-ababa(CakaaraNews) Axad Septembar 01,2013.Sidaanu horeba idiinku soo tebinay waxaa 3da bisha bagume ka dhici doona Hotel Sheraton ee magaalada addis-ababa xaflad heer qaran ah oo loogu gogolxaadhayo Xuska 8aad ee Midnimada iyo Walaalnimada Shucuubta iyo Qowmiyadaha DFI Maalinta Hidar 29 oo sanadkan si Heer sare ah uga dhici doona Caasimada DDSI ee Magaalada Jigjiga.

Munaasabadan Gogol-xaadhka ah ayaa ah Mid heer Qaran ah oo aan Hore uga dhicin Dalka iyadoona looga gol-leeyahay in lagu Gorfeeyo falanqaynta Isbedelada Horumarineed ee Xawliga ah ee 3 sano gudahood ka taabogalay DDSI si looga qaato waaya-aragnimo iyo Khibrad iyadoona ujeedada ugu wayn tahay in la dhagaysto Warbixinta Waxqabadka Xukuumada DDSI oo uu soo jeedin doono Madaxweynaha DDSI Mudane cabdi maxamuud cumar. Dhanka DFI ayaa ay Ka soo qaybgali doonaan Xafladan Raysal-wasaaraha DFI Mudane Haile-mariam Desalegn,Madaxda ugu saraysa DFI,Madaxda-9ka Deegaan,Safaaradaha,Maal-qabeenada Addis-ababa,Fanaaniinta Caanka ah,Qurbajoogta iyo Kooxaha Fanka Xukuumada DDSI ayaa ay ka qaybgali doonaan Munaasabadan ka dhici doonta Hotel sheraton madaxda ugu sarsarysa DDSI,Odoyaasha Dhaqanka,Gudoomiyayaasha Gobolada,Maalqabeenada ddsi,Qaybaha Bulshada iyo kooxaha fanka DDSI.

Munaasabadan ayaa ku soo beegmaysa xili uu madaxweynaha DDSI oo socdaal hawleed ugu maqnaa Dalka Shiinaha uu Dib ugu soo laabanayo magaalada Addis-ababa isagoo (Speech)Warbixinta waxqabadka Xukuumada DDSI 3dii sano ee ugu danbaysay ku gaadhay Isbedelada,Horumarka,N/galyada,Kobaca dhaqaale,Maamulka Suuban iyo Abaabulka shacabka ay mudo aan ka badnayn 3 sano ku hirgalisay taasooy u hamuun qabaan Deegaanadu sidii ay waayo- aragnimo iyo khibrad uga qaadan lahaayeen Midho-dhalka tabaha Qorshayaasha iyo Fulinta DDSI ay ku gaadhay mudo aad u yar horumarka iyo isbedelada baaxada wayn.

Shacabweynaha DDSI ayaa aad u Bogaadiyay Waxqabadka DFI ay siiso Deegaanka iyo sida loogu hagarbaxay diyaargarawga Xuska Hidar 29 iyo Mashaariiaha horumarineed.

Isku soo wada duuboo Xafladan oo Taariikhiah ayaa lagu soo bandhigi doonaa waxqabadka Degdega ah ee 3dii sano ka tabogalay DDSI,Dhaqanka Deegaanka iyo Qodobo kale