Ramadan Kariim 



 

      

Shir Ay Soo Abaabuleen Dhalinyarada Sedyo-Sweden oo Ay Qunsuliyada Safaarada Itoobiya Ka Soo Qaybgashay Laguna Baaqay In hawlaha Qaran Loo Guntado.

Göteborg(CakaaraNews) Isniin Sept,02,2013.waxaa maalintii ay taariikhdu ahayd 31 8 2013 ka qabsoomay caasimada labaad ee sweden göteborg shir ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalin yarta sedyo sweden oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee safaarda ethiopia ee fadhigeedu yahay caasimada sweden oo uu hormuud u aha mudane xuseen axmed qusuulka safaarada Ethiopia ay ku leedahay Sweden.

shir kan oo ay qabanqaabadiisa lahaayeen ururka dhalinyarta sedyo sweden ayaa kubilaabay jawi aad uqurxoon waxaana lagu bilabaya ayaadaha quraanka kariimmka,kabacdi waxaa furay shirka gudoomiyaha ururka dhalinyarta sedyo-sweden mudane maxamed hassan [huways] gudoomiyaha oo daah-furay shirka ayaa Shirka uga waramay ujeedada Booqashada Waftiga safaarada isagoona si xeeldheer uga warbixiyay waxqabadka iyo isbedelada Xawliga ah ee ka taabogalay Deegaanka Soomaalida itoobiya Mudadii yarayd ee uu xilka hayay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar kabacdina waxa uu gudoomiyuhu ku wareejiyay Codbaahiyaha(Michrophone)Qunsulka Safarada Ethiopia Sweden mudane xuseen axmed.

Qunsulka ayaa halkaa ka sheegay ujeedooyinka ay u yimaadeen si qotodheerna usharaxay Isbedelada Kobaca Dahqaale ee DFI,Qorshayaasha GTP,SPM,iibsashada Saamiga biyo-xidheenka Qarniga(Abbay)iyo iibsashada guryaha una faahfaahiyay shacabkii kasoo qayb galay shirkan.

Dhanka kale waxaa suaalo waydiiyay qusuulka ka soo qayb galayaashii shirka halkaas oo qusuulkuna si waadixa ugu jawaabay waxa uuno qusuulku kula dardaarmay shacabkii kasoo qayb-galay in ay lashaqeeyaan ururka dhalinyarta sedyo sweden oo noqday iftiin usoobaxay bulashada kudhaqan sweden.

Guntii iyo gabagabadii waxaa soo xidhay shirka madaxa xudhiidhka arimaha dhalinyarat sedyo sweden mudane cabdi casiis abuukar shirkuna wax uu ku dhamaaday jawi aad u qurxoon .