Barnaamij Dhir-beeris ah oo ay wadajir uga fulinayaan Awaare iyo Gurdumi Qaybaha Shacabka,Ciidanka Liyuupolice iyo Maamulka iyo Bil Mushaarka Rijmantiga 13aad ugu Deeqay Shacabka Baarta.

Awaare(CakaaraNews) Arbaco Sep,04,2013.Bulshada ku dhaqan degmada awaare gaar ahaan xarunta degmada awaare,ciidamada gaarka ah ee liyuu boolliska,qaarka mid ah masuuliyiinta degmada awaare ayaa waxay siwada jir ah uga wadaan magaalada awaare olole balaadhan oo lagu talaalayo dhirta, iyadoona ay hirgalintiisa hormuud si wadajir ah ugu yihiin bulshada ku dhaqan degmada awaare, ciidamada gaarka ha ee liyuu booliska Rijimantiga 8aad iyo masuuliyiinta degmada.

Haddaba mar uu wariyaha uga soo warama gobolka jarar shabakada wararka ee cakaaraNews wariye maxamed garbo booqasho shaqo ku tagay magaalada awaare ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay xili lagu jiray olole balaadhan oo dhinaca dhirbeeris ah taasooy ka qaybqaadanayeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada haweenka ciidamada gaarka LB iyo masuuliyiinta degmada oo uu horkacayo gudoomiyada degmadu. ololaha dhirbeerista ayaa ujeedadiisu ahaydsidii kor loogu qaadi lahaa bilicda,looga hortagi lahaa nabaadguurka iyo isbedelada cimilada ku dhaca si loo xaqiijiyo doorka horumarka cagaaran oo ka mid ah Qorshayaashii dhaxalgalka ahaa ee meles senawi,sidoo kalana Muunad u tahay xaqiijinta Wadashaqaynta iyo midnimada ka dhaxaysa Qaybaha bulshada,Ciidanka gaarka ah iyo Maamulada iyadoona ay wadajir ugu beereen 1200 oo Geed horaa loo yidhi gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.

sidoo kale santarka gurdumi waxaa ka socda ololaha dhirbeeris ah oo ay siwada jir ah u fulinyaan shacabwaynaha santarka iyo xubnaha ciidanka gaar ka ah ee liyuu booliska rijimantiga 13 aad ol olahan shaqo oo muujinaya midnimada iyo wada shaqaynta shacabka iyo ciidamada gaarka ah ee liyuu booliska,iyadoona mar uu wariyuhu codbaahiyaha qaybaha shacabka la dhexmaray ay qaarka mid ah shacabka ku dhaqan santarka gurdumu ayaa waxay sheegeen in dhirta ay talaaleen sida wajir ah ay xanaanaynayaan ayna ilaalshan doonaan shacabwaynaha reer gurdumi iyo ciidamada gaarka ah ee liyuu boolis waxayna halkaasi ku talaaleen in ka badan 500 oo geed.

Dhanka kale ciidamada gaarka ah ee liyuu booliska gaar ahaan rijimantigiisa 13aad ayaa bil mushaarkooda ah ugu deeqay bulshada ku dhaqan tuulada baarta oo hoostimaada degamada awaare iyaga oo mushaarkaasi ay ku caawiyeen dadwaynaha ku dhaqan tuuladaasi uguna iibiyay bulshada sonkor una qaybiyay shacabka ku dhaqan tuuladaas,sonkorta ayaa ka mida raashinada ugu qiimaha badan dhanka miyiga.