Ramadan Kariim 



 

      

Madaxweynaha DDSI oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Addis-Ababa Ka Dib Booqasho Hawleed.

Addis-Ababa(CakaaraNews) Sabti Sept 07,2013.Waxaa maanta ka soo degay Garoonka Bole-International Airport ee Magaalada Addisababa Madaxweynaha DDSI iyo Waftigiisii halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa Booqasho hawleed ku soo kala bixiyay Wadamada Shiinaha iyo Dubai halkaasoo uu kala soo hadlay Arimo la xidhiidha Beerashada Bariiska oo uu Shiinaha kala soo xaajooday Aqoon kororsi iyo khibrado heshiis dhexmara labada dalna ka soo qaatay.

Dubai ayaa uu madaxweynuhu ugu soo hakaday Balan hore oo uu la lahaa Maalqabeenada iyo Jaaliyada Imaaraadka oo uu hawlo la xidhiidha maalgashiga Deegaanka kala soo xaajooday.

Madaxweynaha ayaa Beri Khudbad iyo warbixin taariikhi ah oo ku saabsan waxqabadka iyo horumarka xawliga ah ee 3sano gudahood ka taabo galay DDSI ka soo jeedin doona iyadoona shirkan Sheraton ka dhici doona taariikhda iyo Dhaqanka Deegaanka Muhiimad gaara la siiyay.