Ogaysiis Saacadu Markay Tahay 5ta ama 11ka Galabnimo ee Maanta Live waxaad uga Daawan Kartaan ETV Xaflada Sheraton Ka Dhacaysa.

Addis-ababa(CakaaraNews) Axad Sept,08,2013.Waxaa Dhamaan Shacabweynaha DFI,DDSI iyo Cidkastoo Danaynaysaba daawashada Munaasabada Gogolxaadhka Hidar 29 ee Maanta ka dhici doonta Sheraton-Hotel Magaalada Addis-ababa In aad si toos ah(LIVE) uga daawan kartaan Telefishinada ETV 5:00 Galabnimo ama 11:00ka galabnimo ee maanta ninba siduu u yaqaano.

Munaasabadan ayaa Muuqaal iyo Diiwaan taariikheed u ah Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Waxqabadka Isbedelada Xawliga ah ee ay xukuumada DDSI ku taabogalisay 3sano Gudahood,taaasoo uu madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu Warbixinta Waxqabadka Horumar,n/galyo iyo Maamul suuban ee sida xawliga ah uga hanoqaaday muddo 3sano ah ka soo jeedin doono.

Ha moogaanina 11ka Galabnimo in aad Diyaar ku sii ahaataan Meel kasta oo aad ka heli kartaan ETV Television waa Diiwaan Cusub oo uga Furmay Soomaalida Itoobiya Fagaarayaasha Qaran ee DFI.