Golaha capinetka DDSI oo Go'aamiyay Iskubedelka Dhamaan Shaqaalaha Deegaanka iyo Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta oo Iskubedel ku Sameeyay Dhamaan Xisaaabaadka,Lacaghayayaasha Deegaanka iyo Dhamaanba Shaqaale Hoosaadka Xafiiska Biyaha DDSI.

Jigjiga(CakaaraNews)Jimce Sept 20,2013waxaa uu Golaha Capinetka dawladu shir uu isugu yimid maanta uu ku go'aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la isku bedelo shaqaalaha Deegaanka si loo dardargaliyo Adeega shacabka iyo ka midho dhalinta Qorshayaasha MDG. hadaba xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Awooda(CPA) ayaa Durba gudagalay Iskubedelka Shaqaalaha Deegaanka iyadoona uu iskubedel ku sameeyay Dhamaanba Shaqaalaha xafiiska Biyaha DDSI oo la kala geeyay Degmooyinka iyo Gobolada Sida Procer-owners,madaxda waaxaha iyo Shaqaalaha taakulayntaba,halka man-power anfici lahaa Adeeg-bixinta Dhanka biyaha takhasusna u leh oo haysta Soil and water engineering,irrigation,hydrolic iyo qaar kale maarayn la'aanta Cududa shaqaale ee deegaanka darteed ay xafiisyo aynan khusayn aqoontooda sida beeraha ku shaqaalaysan yihiin loogana fadhiyo xafiiska CPA in uu iswaafajiyo Aqoonta iyo halkeeda.

Dhanka kale waxaa uu xafiisku iskubedel uu ku sameeyay Dhamaanba Madaxda Xisaabaadka iyo Lacag-hayayaasha Deegaanka kuwaasoo laga badelay xafiisyaday joogeen loona bedelay Xafiisyo kale si loo yareeyo musuqa,Xilgudasho la'aanta iyo Shaqaaluhu ku noqdaan hal Xafiis(Jiir Haan Ku Waynaaday).

Guud ahaanba in shaqaalaha Heer Deegaan la isku bedelo ayaa la go'aamiyay,La Soco wixii ka soo KordhaShirka oo Weli socda awgeed.