CIID MUBAARAK



 

      

Ra'yiga Hidar 29 Cakaaraopinion

Magacayga Waa C/risaaq Faarax Haajir

Deegaanaka. Afdheer,Jarrati

Goobta Shaqada. Gobolka Liban

Deg.Hudet. Shaqada. Ass. Finance Oficer PCDP.

Hudat(CakaaraOpinion) Talaado Oct 01,2013Marka Hore Waxaan si balaadhan ugu mahad-celinayaa war-baahiyahan aan ku Caana iyo Nabad hellay ee Cakaaranews. oo run ahaanti ah kan kaliya ee deegaanka,Dalka iyo Dibadba shacabkeenna u iftiimiyay Nolosha maanta aan haysanno iyo tan xawliga ku socota ee aan higsanaynno,Waxaan sidoo kale mahad Ballaadhan u haynnaa Madaxwaynaheena aan isleeyahay waa aabihii Nabad-galyada iyo Horumarka, ee uu ilaahay inoo soo diray,ee fikirkiisa aan caajis iyo habacsanaan iyo turxaan lahayn ee marba marka ka dambaysa uu haleelayo.

Hadii aan u soo noqdo arinta ah 29-Hidhaar oo ah maalinta midnimada qowmiyada wadankeenna,ee xuskeedii 8aad lagu qabanayo caasimadeenna Jijiga,waxaan soo jeedin lahaa Talo Maadaama aanan abwaan ahayn.

1- Waa in Meherejaanka oo ah arin Muhiim ah xoog lasaaro oo Tababarka Dhalinta Yar-yar la adkeeyo Khabiirran Laga soo qaato Adisababa ama qowmiyadaha kale.

2-Maadaama aynu leenahay Hal dhaqan oo sida qowmiyadaha kale ee dhaqamada kala duwan aynaan ahayn way fudutahay in magaalooyinka,degmooyinka,qabalayaasha,iyo meel kasta oo ay bulshadeenna ku nooshahay loo raadiyo qalabkii Hidaha iyo Dhaqanka ee ay kamidaka ahaayen,

Agabka Dhaqanka ee ay ka mid yihiin huga,sida Boqorka,Dhaclaha,Maradii rasmiga ahayd ee Shan-dhudeedka Qalabka Guriga sida;- Abaaxadda,Himbeerka Qumbaha,Waa qalabka wax lagu kaydiyo iyo dhamaan qalabka kale.

Balanteenu Waa Shaqo.