Ramadan Kariim 



 

      

Ra'yiga Dadweynaha: Dhanka waxqabadka

Jigjiga(CakaaraOpinion) Khamiis oct 03,2013.Waxaa email noo soo diray muwaadin magaciisa la yidhaahdo jaamac ismaaciil sida ku qoran Emailka,islamarkaana door biday in uu ra’yigiisa uu ku cabiro halkan ama mareegtan iyadoona ka dib markii ay maamulka mareegtan heleen Qoraalka muwaadinkan ee fikirka iyo talooyinkiisa ay la qumanaatay in la daabaco una qornaa sidan hoose ku xusan:-

Waxaan jeclaan lahaa inay dawladu hoos u eegto waxii bulshada mustaqbal waara unoqonaya 1. In magaalooyinka wadooyinka dhexmara magacyo loo bixiyo waxayna sahlaysaa

A. Security(Dhanka Amaanka Ama Sugida N/galyada)

Respond Facilities Habka Gurmadka casriga ah(technology); oo macanaheedu yahay hadii ay meel ka dhacdo rabsho ama amaan-daro oo police la soo ogaysiiyo inay si dhib yar u aqoonsadaan meesha dhibku ka dhacay sidoo kalane wakhtiyar ku qaadato inay meeshii dhibku ka dhacay ay gaadhaan.

Tusaale:-Haduu wadada magaceeda la yidhaahdo wadada-Sayidka guriga numberkiisuna yahay 213 oo ay rabshado ka jiraan ama ka dhaceen wakhtigaa; Kadibna police la soo wargaliyo. Khariiradii magaalada ayuu policeku haystaa wuu eegan kadibna si dhib yar ayuu hawshaas waxa uga qaban kuna soo beegsan halka rabshadu ka dhacday isagoon wakhti badan ka lumin.

B. New Comers(Dadka Ku Cusub Magaalada Ama Soo Galootiga ah) Facilities: Dadka magaaada ku cusubna way ubaahanyihiin inay magaalada si dhib yar ay u aqoonsadaan meelaha ay uga baahanyihiin. c. Emergency Medical Situations: Hadii qof buka la damco in isbataalka loola caro way dhib yaraan in xaafadiisii la aqoonsado dhakhsona loogu tago.

D. Fire(Gurmadka Dabka Ama Dab-damis) Department:hadii ay Heegan Noqdaan Shaqaalaha iyo Baabuurta Dab-damiska oo meel uu dab ka kaco iyadana gurmadku si dhib yar ayuu ugaadhi. Etc.

2. Xaafadaha Jigjiga qaarkood biyo la’aanta ka jirta in dib loo ego. Tuusaale ahaan xaafadaha u dhaxeeya garoonkii hore ee diyaaradaha , xerada madaxtooyada (kifle doorka) iyo xerada tabo barka police ka(qoomaadaha).

3. In xaafadaha lagu khasbo inay laydhadh ku xidhaan guryaha hortooda si dadka maraya habeenkii uga faaiidaystaan qofkii aan awoodina ay dawladu ka caawiso. Talayda macnaheedu ma aha in ay dawladu garan la’adhahay waxa aan sheegayo. Blasé waxaad ogaataan in dawladu waxyaalo badan ku hawlantahay ooy u aragto inay muhiimyihiin. Balse waxii baahiya ee la xasuusiyo looga baahanyahay inay wax ka qabato. Inshaa Allaah waxaan rajaynaa inay aragtidayda shacabka, dawlada iyo maamulka shabakada cakaaranews.com ay ila qaadan doonaan. Jama Ismail Abdirahman