Ramadan Kariim 



 

      

Wasiir ku-xigeenka hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka DDSI oo kulan maanta la yeeshay masuuliyiinta iyo shaqaalaha wakaalada quwada korantada ee ka hawlgala DDSI.

Xukumaada DDSI ayaa waxay diyaar garow dhinac kasta leh ugu jirta Diyaargarawga Xuska Hidar 29,qaabilaada martida iyo Madaxda ka soo qayb gali doonta xuska maalinta qowmiyadaha shucubta iyo dadwayga dalka itoobiya oo markii 8aad bishan fooda inagu soo haysa ka dhici doona xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Haddaba si loo hubiyo dhamaystirka u diyaar garowga xuska maalinta qoomiyadaha ayaa waxa uu maanta kulan balaadhan la yeeshay wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka mudane ahmed shurgi,masuuliyiinta iyo dhamaan shaqaalaha wakaalada quwada korontada ee ka hawlgala deegaanka.

Kulankaa oo maanta ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo soo gaba gabayn lahaa laydh galinta dhamaan mashaariicaha waawayn ee loogu tala galay xuska maalinta qoomiyadaha sida guryaha martida ee laga hirgaliyay machadka maraynta DDSI,guryaha martida ee laga hirgaliyay xarunta madaxtooyada dhexdeeda hoolalka Shirarka kala duwan ee laga dhisay garab-case,wadooyinka iyo waliba laydhadhka kale ee lagu qurxinayo xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Waxaana kulankaasi ka hadlay wasiir ku-xigeenka hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka mudane ahmed shugri wuxuuna si qoto dheer uga waramay ahmiyada ay xuskani u leedahay deegaanka sidaasi darteedna ay muhiim tahay in siwayn loogu diyaar garoobo si buuxdana loo taamyeelo adeegyada aas-aasiga ah ee loo baahan yahay.

waxa uu masuulku siwayn uga waramay waajibaadka saaran ee looga baahan yahay in ay buuxda uga soo baxaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha warshada quwada korontada, wuxuna masuulku ugu danbayntii siwayn ugu booriyay in ay dadaalkooda sii laba jiraabaan maadama oo ay xukuumada iyo shacabka deegaanku siwayn ugu diyaarihin soo dhawaynta maalintaasi

Masuuliyiinta iyo shaqaalaha quwada korontada ee ka hawlgala deegaanka ayaa waxay dhankooda sheegeen in ay siwayn ugu faraxsan yihiin soona dhawaynayaan xuska maalinta qoowmiyadaha ee lagu xusi doono markii 8aad dhawaan xarunta deegaanka ee jijiga waxayna sheegeen in xusnai siwayn uga marag kacayo horumarka,maamulka-suuban iyo nabadgalyada sida buuxda uga taabogashay guud ahaanba deegaanka dhankoodana ay si xulkasnimo leh ugu diyaar yihiin xuska shaqadoodana sii laba jibaaridoonaan.