Taariikh-Qarameedkii Xulka Qaranka Itoobiya iyo Xulka Dalka Nayjeeriya oo Daqiiqado Ka Hor Ciyaar Kulul Fooda Isku daray Garoonka Kubada cagta Magaalada Addis-ababa.

Addis-ababa(CakaaraSport) Axad oct 13,2013.Waxaa Goor Dhaw ka bilaabmatay garoonka kubada cagta ee magaalada addis-ababa lugta koobaad ee ciyaartii ay Guud ahaanba shacabweynaha DFI xiisaha ugu badan abid ay u qabeen oo ah Ciyaarta galabta ka socota Addis-ababa ee dhexmaraysa xulka Kubada Cagta DFI iyo Xulka nayjeeriya.

Ciyaartan ayaa ah lugta 1aad isreebreebka Wadamada Afrika uga Qaybgali doona Tartanka Ciyaaraha Adduunka sanadka 2014 ka dhici doona Dalka Brazil,iyadoona ay maanta Dhamaanba Shucuubta iyo Qowmiyadaha DFI meelkasta oo ay joogaanba ay u tahay maalin Taariikh Qarameed sidoo kalana oo ay Garoonka wayn ee Addis-ababa Stadium ay Xaadir ku yihiin in ka badan 30,000 oo Taageerayaasha Itoobiya oo ku baryay Garoonka Ciyaartu ka socoto Shalay ilaa xalay,islamarkaana garoonku uu isqabsaday sawaxanka Taageerayaasha Itoobiya oo ku labisan gabi ahaantood maaliyada Kooxda Qaranka Itoobiya.

Dhanka kale Guud ahaanba Deegaanka gaar ahaana caasimada magaalada jigjiga ayaa aad looga xiisaynayaa Daawashada iyaartan Xiisaha Badan iyadoo aad magaalada jigjiga ku dhex arkaysid Dhalinyaro,Caruur iyo waayeel ku xardhay wajiyadooda Calana Jamhuuriyada Federalka Itoobiya oo shaashadaha Hoos fadhiya. Wixii ka soo kordha Dhawaan fisha inkastoo gool si xarago leh ay Xulka Qaranka itoobiya u dabamariyeen Goolhayaha Nayjeeriya laga diiday.