Ramadan Kariim 



 

      

Kulan balaadhan oo lagaga midho dhalinayay u diyaar garowga xuska maalinta qoomiyadaha oo looqabtay ganacsatada DDSI oo dhacay hoolka shirarka ee SMCX.

Kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska gaadiidka iyo ganacsiga DDSI ayaa waxa ujeedaddiisu ahayd dhamaystirilahaa u diyaar garowga xuska maalinta qoomiyadaha shacuubta iyo dadyawga dalka itoobiya waxaana kulankaasi ka soo qayb galay qaarka mid ah masuuliyiinta DDSI oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka caafimaadaka mudane cabdi c/fataax maxamed xassan,wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane c/laahi yuusuf, comoshineerka komoshinka booliska ahna ku-xigeenka nabadgalyada iyo cadaalada DDSI mudane cabdinuur,maareeyaha mashcuuura qaban-qaabada xuska maalinta qoomiyadaha mudane bashiir iyomasuuliyiin  kala duwan ee ka hawlgasha DDSI.

Kulankaa ayaa waxaa ugu horyntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka caafimaadka DDSI md c/fatax maxamed xasan isaga oo siwayn uga waramay ahmiyada ay maalintani u leedahay guud ahaanba shacabka ganacsatada iyo xukuumada DDSI wuxuna sheegay in ay ujeedada xuskani tahay in ay dhamaan qoomiyadaha shucuubta iyo dadyawga dalka itoobiya ay dareemaan guulaha ee dhinac kasta leh ee ay ku talaabsatay shacabka ganacsatada iyo xukuumada DDSI islamarkaana looga baahan yahay ganacsatada in ay ka soo baxaan kaalintooda kaga aadan xuska maalinta qoomiyadaha. Wasiirka gaaddiidka iyo ganacsiga DDSI.

mudane cabdilaahi yuusuf oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay ujeedada maalita qiimaha daban ee markii 8aad lagu xusaya xarunta deegaanka DDSI waxa uuna sheegay wasiirku in xukuumada iyo shacabkuba siwayn ugu diyaar garoobeen xuska sidoo kalena ganacsatada deegaagaanka looga baahan yahay in ay kaalin mug leh ka qaataan xuska maalinta qoomiyadaha.

sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in ay kulamo noocan oo kale ah u qaban doonaa dhamaan ganacsatada DDSI. Dhankiisa maareeyahaya mashruuca qaban qaabada xuska maalinta qoomiyadaha mudane bashiir ayaa sheegay in si loo xaqiijiyo in ay maalinta xuska noqoto mid u dhacda sidii looga tala galay waxaa si haboon loo soo afmeeray ayuu yidhi dhamaan mashaariicihii loogu talagaya qaabilada xuska maalinta qoomiyadaha waxaana hore loo aas aasay islamarkaana hirgaliyay hawlihii loogu talagalay ayuu yidhi mashruuca abaabulka iyo qaban qaabada xuska maalinta qoomiyadaha kaasi oo qaabilsan xidhiidhka hawlaha loogu diyaar garoobaya xuska maalinta qoomiyadaha.

Dhankooda waxaa iyaguna siwayn uga hadlay kulankaasi ganacsatada kala duwan ee ku dhaqan deegaanka waxayna dhamaantood siwayn uga warameen dareenkooda farxadeed uu ku aadan xuska maalita qoomiyadaha waxaya sheegeen in ay dhamaanta xuskan lagarab taagan yihiin maalkooda masgaxtooda iyo muruqoodaba islamarkaana ay siwayn uga soo dhaalaali doonaan xuska maalinta qoomiyadaha.

Isku soo wada duuboo shacabka DDSI ganacsatada iyo xukuumada ayaa waxay diyaar garow aad u sareeya ugu diyaar xuska maalinta qoomiyadaha waxaana xarunta deegaanka iyo dhamaan degmooyinka deegaanka ka dhaca kulamo balaadhan oo ay wada yeelanayaan xukuumada shacabka iyo ganacsatada kuwaasi oo lagu sii xoojinayo hawlaha horumarka nabadgalyada nadaafada iyo bilicda magaalada jigjiga.