Ramadan Kariim 



 

      

Waftigii ugu balaadhnaa abid-Dhanka DFI oo deegaanka socdaalkii ugu dbeeraa dhinaca dhulka ah ku soo maray Si Baaxad wayna Loogu Soo haweeyay.

Jigjiga(CakaaraNews)Sabti oct 19,2013.Wafti aad u balaadhan Dhanka DfI oo ay hogaaminayeen kuxigenka raysal-wasaaraha Dalka iyo Afhayeenka Golaha Faderationka DFI iyo heer deegaan dalka,madaxwaynaha DDSI waxaana ku wehelinaya qaarka mid ah wasiirkada wasaaradaha dalka oo ay ka mid yiniin wasiirka wasaarada ganacsiga,wasiirka gaashaan dhiga DFI wasiirka beeraha DFI wasiirka waxbarashada wasiiro iyo wasiiro ku-xigeeno iyo waliba 150 ganacsatada ugu waawayn ah dalka Iyo waliba 9ka madaxwayne ee dawlahada 9ka deegaan iyo 2da ismaamul magaalo ayaa Godey ka dib soo maray Dhulka iyagoona ku soo hakaday Degmada Danaan,Qabridahare,Shaygoosh,Birqod iyo Dh/buur.

Waftigan ayaa intii ay joogeen magaalada goday waxay booqdeen meelo badan oo ah meelo ku haboon wax-soo saarka iyo maalgashiga sidoo kalana goobaha dibudejinta laga sameeyay,iyagoona subaxnimadii shalay ka soo anbabaxay magaalada goday una soo kicitimay dhanka magaalada qabrihadar waftigan oo watay Baabuur 100 kor u dhaafaysa ayaa cagta soo saaray wadada laamiga ah ee iskuxidha Godey ilaa Addis-ababa iyagoona inta u dhaxaysa goday iyo qabridahar intii ay socdeen ay tuulo walba ama degmo kasta laga soo dhawaynayay oo ay Shacabku caleemo qoyan safaf dhaadheer la sii taagnaaayeen Dhinacyada Wadooyink waxana ka mid ahaa meelaha sida wayn loogu soo dhaweeyay waftiga degmada dhanaan, tuulada dhanbal-wayne tuulada hadhaawe.

Sidoo kale waxaana ka mid ahaa meelaha ugu waawayn ee sida ugu balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalada qabrihadar halkaasi oo dadwaynuhu ay ka soo baxeen magaalada masaafo dhan ilaa 10km wafigan ayaa markii ay arken dadwaynaha intasi le'eg ee soo dhawaynooda uga soo baqoolay magaalada Qabridahar uga degay baabuurtii gacanqaad ka dibna iyagoo isku duuban lug ku soo beegsadeen Gudah magaalada qabridahare.

Waftigan ayaa intii ay joogeen Qabridahar booqday garoonta wayn ee diyaaradaha magaalada qabri-dahare oo ay Shaqo Xoogani ka socoto iyada oo halkaasi warbixin kaga dhagaysteen injineerada u xilsaaran dhismaha garoonka.intaas ka dib ayaa ay waftiga loo kaxeeyay Goob ay magaalada qabridahare ugu samaysay Qado-sharaf islamarkaana ka dib uga soo anbabaxay Dhanka Shaygoosh oo ay Wadada teedsanaayeen Shacab aad u badan oo caleemo qoyan iyo calamo soo dhawayneed wtay. Waxaana ka mid ahaa tuulooyinka iyo degmooyinaka sida wayn loogu soo dhaweeyay tuulada Karin-bicinle,galadiid wiji-waaji degmada shaykoosh,tuulada goomaar oo dhamaantood ka tirsan gobolka qoraxay.

markii ay soo galen gobolka jarar ayaa waxaa siwayn loogu soo dhaweyay degmada birqod tuulada baka,sasabane hoodaale, sandaxile, garawo waxaana siwayn loogu soo dhaweeyay wafitan magaalada dhagax buur iyada oo ay wadeyne aad u tro badani siwayn ugu horyimaadeen masaafo dhan ilaa 5km iyada oo halkaasi dadwaynihii sida diiran ugu soo dhawaynayay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kuwii mootooyinka kaga horyimid waftiga uu mid ku dhaawacmay halkaasi.

Waftigan ayaa waxaa casha-sharaf loogu sameeyay magaalada dhagax-buur waxayna goor habeenimo ah ka soo anba-babaxeen magaalada dhagax buur iyaga oo isla xalay soo galay magaalada xarunta deegaanka ee jigjiga