CIID MUBAARAK



 

      

Xuska Maalinta Badbaadada Caruurta oo Lagu Xusay Maanta Magaalada jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco Oct,23,2013.Munaasabada xuska maalinta bad-baadada caruurta oo sanadkiiba halmar lagu xuso dalkeena itoobiya ayaa waxaa sanadkan ay si balaadhan loogu wada xusay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyadoona ay si heer sare ah wadajir ugu soo agaasimeen xafiiska caafimaadka DDSI iyo ha’yada bad-baadada caruurta (save the children). Xaflada xuska maalinta bad-baadada caruurta ayaa ka dhacday barxada wayn Garoonka Ciyaaraha Dugsiga Hoose-Dhexe ee Wiil-Waalaal ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxwayne ku-xigeenka ahna wasiirka caafimaada DDSI md C/faraax Maxamud Xasan,masuuliyiinta-Hay'ada Bad-baadada Caruunta (save the children) ee dalka iyo kuwa deegaanka,masuuliyiin ka socday wasaarada caafimadka ee heer-Federal,Komishineerka comishinka ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile(Miig) madaxa xafiiska maamulka magaalada jigjiga mudane C/casiis Mahad Iyo waliba dhamaan ardayda dhigata dugsiyada hoose dhexe,macalimiinta iyo maamulayaasha iskuulada.

Munaasabadan ayaa lagu soo bandhigay tartan dhinaca orodka ah oo ay ku tatamayeen Ardayda iskuulada ka jira magaalada jigjiga ayaa ka hor intii abaal marinta cidii kaal maha hore gashay waxaa munaasabadaa ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka caafimaadka DDSI md C/fataax Maxamud Xasan oo siwayn uga hadlay ahmiyada maalintan, wuxuuna sheegay in ay ujeedada ugu wayn ee maalintani tahay in siwayn loo dhimo dhimashada caruurta in la badiyo wacyigalinta caafimaadka iyo waliba in ay hooyada uurka lihii ay siwayn xidhiidhkeedu ugu xidhnaado xarumaha caafimaadka wuxuuna u mahadnaqay hay'ada bad-baadada caruurta oo iyadu in badan dhinaca deegaanka siwayn uga hawlgasha dhinaca bad-baadada caruurta,waxbarashada,Quudinta Dugsiyada iyo Arimo kale wuxuna siwayn ugu boriyay dhamaanba hoyada iyo waalidiinta caruurta in ay markasta ka ku xidhnaadaan talaalka caruurta iyo in ay hooyada si joogta ah ula socota canaanada iyo xarumaha caafimadka.

Waxaa kale oo isaguna ka hadlay munaasabadaasi madaxa xafiiska ismaamulka magaalada jigjiga mudane c/casiis mahad oo siwayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka iyo kuwa hayada bad baadada caruurta (save the children) wuxuuna sheegay in ay maalintani ahmiyada baladhan u leedahay caruurta deegaanka iyo gaar ahaan kuwa nasiibka u helay ka soo qayb-galka munaasanadan ee ku dhaqan caasimada jigjiga.

Sidoo kale oo iyaguna ka hadlay munaasabadaasi masuuliyiinta hayada bad baadada caruurta save the children oo sheegay in ay aduunka gaar ahaan wadamada afrika ka jiraan caruur badan oo ka hadhay horumarka haddii ay tahay dhinaca caafimaadka dhinaca waxbarashada iyo waliba dhinaca bar baarinta ubadka sidaasi darteedna ay hayadani sibalaadhan ula dagaalanto in ay caruurta u dhintaan dhinacyada nafaqo la.aanta xanaano la,aanta islamarkaana ay hayadani siwayn ula dagaalanto dhinaca macaluusha. Sidoo kalena ay jiraan hooyoyin badan oo ay soo food saartay dhibatoyin dhinaca dhalmada ah taasina ay ku samayso ka hortay hayadani, waxayna sheegeen in ay maanta tahay maalinta bad-baadada caruurta waxaana nasiib u heshay ayay yidhaahdeen in aan ku xusno xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Ugu Danbaytiina waxaa abaal-marino kala duwan la gudoon siiyay iskuuladii kaalmaha hore ka galay Tartankii Orodka Maanta waxaana abaalmarintaasi gudoonsiiyay isguuladdii kaalmaha hore galay madax wayne ku xigeenka ahna wasiirka caafimadaka mudane C/fataax Maxamud xasan