CIID MUBAARAK



 

      

Ilaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Shil Gaadhi.

Dire-dawa(CakaaraTacsi)Jimce oct 25,2013. waxaa tacsi Tiiraanyo leh loo dirayaa Dhamaanba ehelkii iyo Qaraabadii ay ka baxeen 7 Qof oo Shalay Minu-bus ay saarnaayeen kula Rogmaday Buuraha Meerta-Meertada Dhangago ee ku yaala inta u dhaxaysa Diredawa iyo harar Samir iyo iimaanilaahay Ha inaga siiyo Marxuumiintana Naxariistii Jano ilaahay ha ka waraabiyo aamiin.

Dadka shalay ku geeriyooday shilka Buska ee ilaa iyo hada la soo xaqiijiyay ayaa ay ku jireen Hooyo Yustur Sheekh Maxamuud Nuur iyo Wiilkeeda C/raxmaan Yuusuf Gamaadiid kana mid ah Qurbajoogta DDSI ee ku dhaqan Gobolka Minnesota Gaar ahaan Minniapolise ee cariga maraykanka.

Marxuumada iyo Wiilka ay Dhashay ayaa Lagu aasay Maanta Magaalada Dire-dawa Gaar ahaan xabaaaha Lagahare ku Yaala